Sign in to follow this  
malistar2012

Kenyan army indiscriminately bombing civilians in retaliation Beledxaawo

Recommended Posts

Kenyan army indiscriminately bombing civilians in retaliation Beledxaawo

 

 

 

Dowladda Kenya oo Duqaymo isdabajoog ah ka wadda tuulooyinka Xadka Soomaaliya

 

 

(Calanka.com) - Posted at 25/11/2014 By Filsan

Diyaaradaha dagaalka Kenya ayaa maanta duqeeyay deegaano ku dhow dhow xadka ay wadaagaan Soomaaliya iyo Kenya, iyadoo meelaha la duqeeyay ay ku sugnaayeen dad reer Miyi ah iyo xoolo

 

 

Duqeynta diyaaradaha milatariga Kenya ayaa jawaab u aheyd weerar Al-Shabaab ay sabtidii la soo dhaafay ka geystay duleedka magaalada Mandhera, halkaasoo ay gaari bas ahaa kala degtay rakaabkii saarnaa, iyadoo dishay ilaa 28 ruux.

 

 

Gudoomiyaha degmada Beledxaawo ee Gobolka Gedo Yuusuf Kaanti ayaa sheegay in diyaaradaha dagaalka kenya ay si saf mareen ah u duqeeyeen tuulooyin xadka ku dhow oo ay ku laayeen dad iyo xoolo.

 

“Duqeynta waxay dhacday shalay, doraad iyo maanta, waxayna ciidamada Kenya madaafiic ku garaaceen deegaano ka tirsan Beledxaawo oo ay ku noolaayeen dad reer Miyi ah, waxaa ku dhintay ilaa labo qof, xoolo badana waa ku baaba’een”ayuu yiri Yuusuf Kaanti.

 

Afhayeen u hadlay Ciidamada Milateriga Kenya ayaa sheegay in duqeymo ay ka geysteen deegaanka Gadoon-Dhawe ay ku dileen ilaa labaatan dagaalyahano, sidoo kale ay duqeeyeen xero Al-Shabaab ay ku laheyd xuduuda.

 

Dhinaca kale Afhayeenka Al-Shabaab Sheekh C/casiis Abuu Muscab ayaa beeniyay sheegashada Kenya ee ku saabsan duqeynta, waxaana uu xusay inay nabad ku soo laabteen dagaalyahanadii fuliyay howl galkii ka dhacay Mandhera, waxaana uu beeniyay hadalka Kenya.

 

Diyaaradaha dagaalka Kenya ayaa duqeeyay deegaano ku dhow dhow xadka ay wadaagaan Soomaaliya iyo Kenya, iyadoo meelaha la duqeeyay ay ku sugnaayeen dad xoololeey ah.

 

Duqeynta diyaaradaha milatariga Kenya ayaa jawaab u aheyd weerar Al-Shabaab ay sabtidii la soo dhaafay ka geystay duleedka magaalada Mandhera, halkaasoo ay gaari bas ahaa kala degtay rakaabkii saarnaa, iyadoo dishay ilaa 28 ruux.

 

 

 

Calanka.com: Isha wararka xaqiiqda

 

Share this post


Link to post
Share on other sites
Guest
This topic is now closed to further replies.
Sign in to follow this