Sign in to follow this  
Che -Guevara

Ethiopian Land Grab

Recommended Posts

Itoobiya iyo Puntland oo ku muran-san degmada Saaxo

 

Galdogob [RBC Radio] Dowladda Itoobiya ayaa sheeganaysa deegaanka Saaxo oo ka tirsan gobolka Mudug,waxaana dhawaan dowladda Puntland ay deegaanka u aqoon-satay degmo buuxda.

 

Wafdi ka socda gobolka iyo xukuumadda ayaa dhawaan booqasho ku tagay degmada Saaxo,halkaas oo ay shirar kula soo qaaten dadka deegaanka.

 

Balse dowladda Itoobiya ayaa sheeganaysa deegaanku inuu ku yaallo dhulkeeda,waxaana socda shirar ay qaadanayaan madaxda Itoobiya iyo dowladda Puntland.

 

Shir ka dhacay xadduudka ay wadaagan Puntland iyo Itoobiya ayaa waxaa uga qayb-galay dowladda Puntland,wasiirro ka tirsan xukuumadda oo ay ka mid ahaayeen,wasiirka amniga,wasiirka arrimaha gudaha,wasiirka howlaha guud,wasiirka warfaafinta ,wasiirru dowlaha madaxtooyada,wasiiru dowlaha arrimaha gudaha iyo taliyaasha ciidanka,daraashita,booliska iyo nabad-sugidda.

 

Dhinaca dowladda Itoobiya waxaa shirka uga qayb-galay wafdi heer gobol ah oo uu hoggaaminayo guddoomiyaha gobolka Wardheer ee dhulka Soomaalida Itoobiya.

 

Deegaanka Tuurdibi ee duleedka degmada Galdogob oo gobolka Mudug ka tirsan oo ay shirarku ka socdaan ayaa la sheegay in si dheer ay mas’uuliyintu uga hadlayaan labo qodob oo kal ah.

 

In lagu xaliyo dacwo katimid dawladda Itoobiya oo ay kaga dacwoodeen in degmada saaxo oo dhawaan ay Puntland magacawday ay katirsantahay Itoobiya.

 

In lagu gaba-gabeeyo calaamadinta kastamka u dhaxayn doona Itoobiya iyo Puntland

 

 

Shirka oo qaatay muddo dheer kaddib waxaa mas’uuliyinta labada dhinac ay u kicitimeen deegaanka Saaxo oo ah halka ay ku muran-yihiin ,waxaana ujeedku uu ahaa in la xaqiijiyo deegaanka dhul ahaan halka uu racsan-yahay.

 

Cabirka dhulk ayaa labada dhinacba qalabka ay u adegsadeen waxaa uu tusiyey in mid walba uu deegaanku ka tirsan-yahay,waxaana dhacday inay kala caddan-wayday dhul ahaan halka ay racsan-tahay Saaxo.

 

Mas’uuliyinta dowladda Itoobiya matalaysay ayaa wajiyadooda waxaa ka muuqanaysay caro,waxaana ay ku andacoonayeen inay Saaxo tahay deegaan Itoobiya ka tirsan.

 

Ka hadalka qodobbada labada dhinac ay isku diidan-yihiin ayaa dib loo dhigay.balse dowladda Itoobiya waxaa ay caddeeysay deegaanka Tuurdibi udoonayaan inuu kastamka noqdo.

 

Si kastaba muddooyinkii danbe waxaa sii xoogaysanayay wada xaajoodka Puntland iyo dawladda Itoobiya.

___

RBC Radio

Share this post


Link to post
Share on other sites

Our country is being systematically dismantled and we waste time arguing who owns what village. Puntland laid clam on Saaxo districy, this was reaction to the formation of Central State.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Tallaabo   

<cite>
said:</cite>

Same way puntland claiming parts of Somaliland.

:D

:-D The border between Ethiopia and Somalia along Mudug is not demarcated properly and a land dispute between the two countries can happen easily. I expect the wanlawayn administration in Mugadishu to do what it does best and refer the matter to the UN court.

Share this post


Link to post
Share on other sites
gooni   

Ethiopia Somalia visa uma qaadato waxbana uguma duwana kilinka shanaad soomaaliyoo dhan,waayo tuulo walbaa oo soomaaliya ku taal safiir baa u jooga danaha labada umadood ka shaqeeya.

 

 

Waftiga dhulka doonayana waa soomaali kale waxaana dhici karta in dawladda dhexe ee Ethiopia aysan war u hayn waxa is dilaya waa ayaga cidda dhulkooda kala jaraya waa isla ayaga xataa waxay garan la’yihiin qiimaha dhulku iyo dawladdu leedahay

 

 

Qaar baa ku leh dawladda wanlaweyn inay ka hadasho,macnaha dawladnimadu sidaa maahan awoowe gacaliye iska fiiri timirta intaadan liqin.

 

 

Dawladdu waxay leedahay ilaahay ka sokow naftaada iyo gurigga aad iibsatay Iyo wadada hor marta, ama awoowgaa ka dhaxashay, wax kasta oo dhaqaaqa cir iyo dhul musuuliyadeedu dawlad baa leh

 

(AL MULKU-LILAAH) wixii kasoo hara dawlad baa leh waa ijaar dheer ood la gashay dawaladdaada inta banaan ayadaa ka masuula iyo xuduudkiisaba, marnaba haku fakarin inaad yeelato dhul aan dawladu lahayn meeshaad doonto dunida ka aad.

 

Markaad daciifto qosolka ducadaa ka fadli badan.

 

Share this post


Link to post
Share on other sites
gooni   

Ethoipia iyo Kenya wax dhiba ma samayn waa rag islaamihii ay horay u dhaceen ka gaboobeen hadana gabdho firaash iyo barkin wataa u yimaadeen sida wadanka looga tahriibayo yaa wadaniyadiina waa hore looga tahriibay

Share this post


Link to post
Share on other sites
Ismahaan   

last 5 years soomaaliya waxaan uga digayey sooamaliyey intaa isku mashquulsan tihiin waa la idiin tashan. Baddii , ma tan baa ku xigtey? Wax kalena soon filo.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this