Sign in to follow this  
malistar2012

Somali military court chief : Gov workers Treason is a death penalty

Recommended Posts

Somali military court chief : Gov workers Treason is a death penalty

 

201483635426337481399579DSC07102.JPG

 

 

 

Maxkamada sare ee ciidamada qalabka sida oo Shaqaalaha Dowlada Digniin u dirtay iyo baaris xoogan oo ku socoto Shaqaalaha!!

 

 

 

 

Maxkamada sare ee ciidamada qalabka Sida ee dowlada Somalia oo Digniin adag u dirtay Qaar kamid ah Shaqaalaha rayidka iyo Ciidanka dowlada Soomalaiya

 

Gudoomiyaha Maxkamada sare ee ciidamada qalabka Sida Col,C/raxmaan Tuuryare ayaa Ugu Digay qaar ka mid ah shaqaalaha dowlada iyo Ciidankaba in ay macluumaad u gudbiyaan saraakiisha Al-shabaab taasoo uu xusay iney tahay wax aan la aqbali Karin.

“Shaqaalaha dowlada ee ay ku cadaato iney Al-Shabaab u gudbiyaan macluumaad cadowga waa ka daran yihiin waana ka ciqaab kulul yihiin maxaa yeelay qarankii aaminay ayey qiyaameen talaabo adag ayaana ka qaadi doonaa” ayuu intaa ku daray Tuuryare.

 

Waxaa uu intaa ku daray in seefta maxkamada ciidamada qalabka sida aysan laheyn gal iyo nasasho midna, ayna haatan dulsaaran tahay shaqaalaha dowlada ee sida hoose ula shaqeeya Al-Shabaab.

 

“Kuwa shaqaalaha dowlada ka tirsan ee la shaqeeya Al-shabaab yeysan ismoodin inaan lala soconin ama ay isqarin karaan baaritaan badan ayaa socda qaarkoodna dusha ayaa lagala socdaa arimahooda” ayuu yiri C/raxmaan Tuur-yare.

 

Maxkamada sare ee ciidamada qalabka sida ayaa dardar gelisay howlaheeda iyadoo riday xukuno dil iyo xarigba iskugu jira oo lagu qaaday shaqsiyaad fara badan oo lagu eedeeyey iney ka tirsan yihiin xoogaga Al-Shabaab iyo askar ka tirsan ciidamada oo dembiyo kala duwan geystay.

 

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com

Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

 

 

 

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this