Sign in to follow this  
malistar2012

DF oo midaynaysa Galmudug iyo G/gudud

Recommended Posts

 

null

DF oo midaynaysa Galmudug iyo G/gudud

26 Jul 26, 2014 - 3:01:36 AM

 

Ra'iisul wasaraha DF Cabdiwali Shiikh Axmed oo la hadlayay warbaahintooda ayaa ka hadlay dhismaha mamul la doonayo in loo sameeyo gobaladda Galmudug iyo Galgaduud,xaalada ammaan ee Muqdisho iyo halka uu marayo wada hadalka DF & Somaliland.

 

Cabdiwali Shiikh Axmed ayaa sheegay inay socota dhismaha mamul KMG ah oo laga hirgalinayo Galgaduud iyo Galmudug si loo helo mamul dhamaystiran oo ka mid noqda dowladda federaalka ah ee Soomaaliya isla markasna laga baxo marxaladda hadda ay gobalada qaarkood ku jiraan.

 

''Waxaa hadda socda Qorshe la iskugu darayo Mudug iyo Galgaduud,waa qaybta Koonfurta Mudug ma ahan dhanka Pntland waxa socda wadalo meel wanagsan marayo oo mamul KMG ah loogu sameeyo si looga gudbo in mamul dhameystiran''.

 

Wasiirka koowaad ee DF ayaa sheegay in guddi wasiiro ah oo saaray midaynta Galmudug iyo Galgaduud iyadoona kooxdaasi madax looga dhigay wasiirka arrimaha gudaha Cabdilaahi Goodax Barre.

 

Rajo wanagsan ayuu sidoo kale Cabdiwali Shiikh Axmed ka muujiyay dhismaha mamulka Koonfur galbeed oo hadda lagu heshiiyay in saddex laga dhigo inkastoo ay jiraan dhinacyo kale oo kasoo horjeeda balse masuulkan ayaa iftiimiyay in waxkasta oo mamulkan KMG ah ka hor imaan kara lagu dhamaynayo qaab wada hadal iyo is-dhagaysi.

 

''Mar dhow waxaan rajaynayaa sharciga federaalaynta inay Barlamaanku noo meelmariyay,waxaan dhisaynaa guddiga madaxa banaan ee federalaynta,waxana u gudbi doonaa sidii uu guddigaasi u howlgali lahaa''

Tayeynta ciidanka ayuu sheegay inay ku howlan yihiin si ay u hantaan ammaanka magalada Muqdisho oo waayadii danbe falal ammaanka kasoo horjeeda ay ka fuliyeen kooxda Alshabab ee xiriirka la leh Alqaacida.

 

Cabdiwali Shiikh Axmed oo arrimo badan oo xaalada wadanka ah laga waraystay ayaa waxaa laga waydiiyay halka uu marayo wada hadalkii la dhaxeeyay mamulka Somaliland wuxuna sheegay inay meel wanagsan u marayo dibna ay u bilaabi doonaan wada hadalka si xa loo gaaro.

 

Dhowaan ayay ahayd kolkii wasiirka arrimaha Dibadda Somaliland Maxamed Biixi Yoonis uu warbaahinta ka sheegay wada hadalkii socday inuu ka dhaqaaqi waayay dhanka DF ayna tahay masuuliyad daro muuqata.

 

 

Share this post


Link to post
Share on other sites
Holac   

Thanks for the good news in a week full of a depressing stories. It is time this government does something, instead of being defensive in the face of Al-shabab onslaught.

Share this post


Link to post
Share on other sites
gooni   

Albaab cusub sidada caadadu ahayd

 

 

Xasaasiyadda Heshiiska maamul u sameynta Mudug & Galguduug, doorka Dowladda Federaalka iyo Maqnaanshaha Puntland

30. July 2014

APL

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Iyada oo muddooyinkii danbe ay magaalada Muqdisho ku sugnaayeen masuuliyiin ka socotey maamulada Galmudug, Ximan iyo Xeeb iyo Ahlu-sunnah ayaa maanta lagu shaaciyey heshiis ay wada gaareen dhinacyadaas, dowladduna ayidey kaas oo maamul loogu dhisaayo Gobolada Mudug iyo Galguduud.

 

Gobolka Mudug degmooyinkiisa dastuurka federaalku ictiraafsan yahay ee ka horeeyey 1991 waxay kala yihiin:

 

Gaalkacyo

Galdogob

Jariiban iyo

Xarardheere

 

Waxaa lagu daraa degmada Hobyo laakiin ka hor 1990 ma aysan ahayn degmo, saddex ka mid ah degmooyinkan waxa ay hoostagaan maamulka Puntland, Degmada Xarar dheere waxaa ka taliya Burcad-badeed iyo al-Shabaab, inkasta oo Galmudug ay ka taliso qayb ka mid ah Mudug iyo xaafad ka mid ah Gaalacyo ayaa mamulkan waxaa la huwiyey magaca ah gobolka Mudug iyada oo aan gobolkii labo loo qaybin, arrimahan ayaa ka mid ah kuwa xasaasiga ah ee Federaalku iska lee yahay.

 

Dhismihii maamulka Puntland 1998 axdigii lagu dhisey waxaa lagu qeexay xuduuda gobolka Mudug waxaana la siyey astaanta ah Waqooyiga Mudug kaas oo ay degaan dadka reer Puntland ee Bud-dhigga u ahaa dhismihiisi, lama wada huwin magaca ah Gobolka Mudug maadaama qaybo ka mid ah dadka dega aysan dooneyn in ay ka mid noqdaan Puntland.

 

Dad badan ayaa aaminsan in heshiiskan magaca la hwuiyey ee ah maamul u sameynta gobolada Mudug iyo Galguduud ay tahay marin habaabin iyo mid khilaaf cusub gelineysa Puntland iyo Dowladda Federaalka, ama laga lee yahay dano kale oo ka fog taas.

 

Waxaa la is weydiinayaa halka dowladda federaalku u taqaano Mudug?, maxayse tahay sababta loogu qeexi waayey Koonfurta Mudug, haddii dadka dega halkaasi aysan dooneyn Puntland macne kale oo siyaasadeed loogu yeeli waayey? maadaama inta badan gobolkaas degmooyinkiisa iyo weliba caasimadiisu ay hoostagaan Puntland. Dowladda federaalku waxay si weyn uga hortimid magacii ahaa Jubaland, waxaana ay xujeysey in magacaas meesha laga saaro laguna beddelo maamulka Jubba, haddaba waa maxay waxay arrintan kaga qancinayaan maamulka Puntland ee inta badan gobolka Mudug hoostago.

 

Maamulka Puntland sidee u arkayaa khiyaanadan iyo isticmaalka magaca Mudug kadib dhismihii maamulka Puntland oo la xusaayo berri 16 sano jirkiisi!

 

Isha Xogta:- Horseed Media

 

http://www.allpuntland.com/2010/anmviewer.asp?a=5017&z=1

Share this post


Link to post
Share on other sites

 

Heshiis Maamul loogu dhisayo Gobollada Dhexe Oo Maanta lagu saxiixay Muqdisho “Sawirro”

Published on July 30, 2014 by Feysal Muse · No Comments · 542 views

Munaasabada heshiiskani lagu kala saxiixanayay oo lagu qabtay xarunta Madaxtooyada Qaranka ayaa waxaa ka soo qeyb galay Mas’uuliyiin ka socotay gobolada Dhexe, Siyaasiyiin, mas’uuliyiin ka socotay QM, Midowga Yurub, Midowga Africa, Wasiiro ka tirsan Dowladda, Ra’isul Wasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane C/weli Sheekh Axmed Maxamed, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Marti sharaf kale.

 

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Ra’isul Wasaaraha Dalka C/weli Sheekh Axmed Maxamed oo khudbad ka jeediyay halkaasi ayaa si wada jir ah u soo dhaweeyay hishiiskani.

 

Hishiiskani oo Nuqul Na Soo Gaaray ayaa waxa uu u qornaa Sida Tan:

 

1. Hordhac:

 

Xukuumadda Federaalka Soomaaliya waxay horraantii bishan Luuliyo Muqdisho ku martiqaadday wafdiyo ka kala socday Dawlad Goboledyada Galmudug, Maamulka Ximan & Xeeb, Maamulka Alsunna Wal Jamaaca. Ujeeddada martiqaadka XFS u fidisay waxay ahayd in fursad loo sameeyo dadka degan gobollada Galgaduud iyo Mudug sidii ay si wadajir ah u sameysan lahaayeen maamul goboleed loo dhan yahay.

 

Xukuumaddu waxay u xilsaartay hoggaaminta dhismaha maamulkan guddi ka firsan Golaha Wasiirada XFS,00 kala oh:

 

1. Cabdullaahi Goodax Barre, WasiirkaWasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Federaalka. 2. Mustafa Sheekh Cell Dhuxulow, Wasiirka Wasaaradda Warfaafinfa. 3. Ducaale Adan Maxamed, Wasiirka Wasaaradda Hiddaha & Tacliinta Sare. 4. Mahad Maxamed Salaad, Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda & Dhiirigelinta Maalgashiga. 5. Mahad Maxamed Salaad, Wasiirku xigeenka Wasaaradda Boostada & Isgaarsiinta.

 

Kulamada ay Xukuumadda Federaalka la yeelatay dhinacyadan kor ku xusan iyo beelaha deegaanka, waxay bilowdeen 2-dii Luuliyo 2014 in si gaar gaar ah oo isxig-xiga kulamo la tashi ula yeelato, kuwaa oo ugu dambayn ku heshiiyay mabaadii’da asaasiga ah ee lagu dhisayo maamulka Gobollada Galgaduud iyo Mudug.

 

2. Hadaba Dhinacyada kor ku xusan: • Iyadoo la garwaaqsaday, baahida loo qabo qorshe siyaasadeed oo Lagu Gaarayo dhismaha nidaam Maamul oo rasmi ah misana ku saleysan rabitaanka dadka waafaqsanna Dastuurka Ku-Meel Gaarka ah ee J.F.Soomaaliya, taasi oo ay muuqato in dadka ay u hamuun qabaan.

 

• Iyadoo la ayidaayo, muhiimadda ay leedahay in la dhiiri galiyo heshiis loo dhanyahay, oo horseedaya sharci iyo kala-dambeyn, bixinta adeegyada asaasiga ah iyo xoojinta maamulka heer degmo, gobol, iyo kan federaalka intaba. • Iyadoo si buuxda loo ixtiraamayo, midnimada, madax-bannaanida iyo is raacsanaanta dhul ahaaneed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya. • inkastoo ay lagama maarmaan tahay doorka hogaaminta XFS ee isku dubaridka hannaanka iyo geeddi socodka maamul u sameynta Goboladda Mudug iyo Gafgaduud .

 

3. Waxay isku af garfeen; 1. Inla dhiso maamul ay yeeshaan Gobollada Mudug iyo Galgaduud. 2. In dhismaha maamulka ay ka qeyb qaataan dhammaan beelaha Soomaaliyeed ee wada dega Gobollada Mudug iyo Golgaduud. 3. In la dhiso guddi farsamo oo ka kooban 25 xubnood kana socda dhammaan beelaha dega gobolladaasi.

 

Guddigaasi farsamo waxaa lagu soo magacaabayaa toban maalmood gudahooda marka la saxiixoh heshiiskaan. 4. Maamulka la dhisayo isagoo matalaya dhammaan beelaha dega labadaas gobol wuxuu u hawlgalayaa si wadajir ah in loola wada dadagaalamo nabad-diidka goboladaasina lagu soo dabaalo nabad iyo xasilooni. 5 Geeddi socodka dhismaha maamulka waxaa lagu dhameystirayaa muddo ku siman 60 maalmood, waxaana fududeynaya XFS, 6. In la qabto shirweyne ay u dhan yihiin dhammaan beelaha degan gobolada Mudug iyo Galgaduud si loo dhiso maamul goboleed ka kooban labadaasi gobol. 7. XFS ayaa mas’uul ka ah xaqiijinta, meel marinta iyo taabagelinta heshiiskan,siinayana wixii tasiilaad ah. 8. Shaqada iyo waajibaadka guddiga farsamada waxaa soo diyaarinaya XFS ,islamarkaana ku soo celinaya celinaya saxiixayaasha. 9. ciddii carqaladeysa hannaanka geeddi socodkaan waxaa loo aqoonsanayaa qas wade iyadoo lago qaadayo tallaabada ku habboon. 10.Heshiiskaan wuxuu dhaqan galayaa lago billaabo maalinta la saxiixo. 11.Heshiiskan waxaa si wada jir ah u saxiixaya Dowlad Goboledka Galmudug, Maamulka Alsunna Wal Jamaaca, Maamulka Ximan& Xeeb, iyo 4 xubnood oo Golaha Wasiirrada ee ka soo jeeda Gobolladaas.

 

Sexiixayaashu waxay dhammaantood saxiixooda ku caddeynayaan waafaqsanaanta dhismaha maamul goboleed ay yeeshaan gobollada Galgaduud iyo Mudug oo loo dhanyahay.

 

4. Magacyada Sexiixayaasha waa kuwan:

 

Cabdi Xasan Cawaale Qaybdiid

 

 

 

D/GOb~Je~~ ——–~ Maamulka Alsunna Wal ~:~-~– Maamulka Ximan & Xeeb

 

Sheekh Ibraahim Shekh Xasan Guureeye

 

Cabdullaahi Maxamed Cali (Baarleex)

 

Mustafa Sheekh Cali Dhuxulow

 

Ducaale Aadam Maxamed

 

Axmed Cali Salaad (Taako)

 

Mahad Axmed Salaad

 

Dammaanad-qaade: Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cabdullaahi Goodox Barre

 

Goobjoog

 

Safiir Michele Cervone Ergeyga Gaarka ah ee Midowgo Yurub

 

Sefiir Muhemmed Affey Ergeyga Gaarka ah ee Urur Goboleedka IGAD

 

Sefiir Nicholes Key Wakiilka Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramoda Midoobay

 

Merwo Lydie Wenyoto Mutende Sii hayaha Wakiilka Gaarka ah ee Guddoomiyaha Komishanka Midowga Afrika.

 

Share this post


Link to post
Share on other sites

IMG_5615.jpg

 

1. Cabdullaahi Goodax Barre, WasiirkaWasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Federaalka. 2. Mustafa Sheekh Cell Dhuxulow, Wasiirka Wasaaradda Warfaafinfa. 3. Ducaale Adan Maxamed, Wasiirka Wasaaradda Hiddaha & Tacliinta Sare. 4. Mahad Maxamed Salaad, Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda & Dhiirigelinta Maalgashiga. 5. Mahad Maxamed Salaad, Wasiirku xigeenka Wasaaradda Boostada & Isgaarsiinta.

 

 

IMG_5583.jpg

 

Cabdi Xasan Cawaale Qaybdiid

 

 

gdhexe11.jpg

 

 

gdhexe12.jpg

 

Oday Xaad

 

 

 

 

gdhexe18.jpg

 

Galgaduud Governor Ciro

 

 

gdhexe19.jpg

 

 

International Community

 

IMG_5588.jpg

 

 

gdhexe23.jpg

 

Ugaaska beesh AbuudWaaq

 

 

 

IMG_5604.jpg

 

 

IMG_5606.jpg

 

 

IMG_5608.jpg

 

 

 

 

 

 

 

 

Share this post


Link to post
Share on other sites
Holac   

Great. malistar2012, keep the good news coming. I've been exhausted by all the bad news everyday. The President and the PM must focus on rebuilding the country and stop reacting to events. They can recover if they genuinely try to root out corruption, fight alshabab and unite the country.

Share this post


Link to post
Share on other sites

This is a welcome step for galmudug, ximin&xeeb and Ahlulsunna in the central region of the country to first come together and have a single leadership that can deal with both the federal government and neighboring regional states.

 

However, after this is achieved, it will be upto to the new leadership of this new administration to work on how they will fulfill the "only 2 or more gobols can form a federal region state" requirement in the federal constitution. I believe this will lead to some horse trading which will eventually lead to Galgaduud joining Hiiraan and middle Shabelle provinces, whilst the 2 districts of Hobyo and Xarardheer join up with Puntland. This is the most pragmatic way forward, but first Somalis being what they are, I also believe tribalism will show it's ugly face, where the Hag communities would want all their districts to remain under one federal region, and the D Bloc in the Central provinces will insist to do the same and join up with their kin in Puntland.

 

As usual, I have my popcorn ready and it will be fun to see how things pan out :D

Share this post


Link to post
Share on other sites
gooni   

Federal macnihiisu waa in wax laysku darsado hoos illaa kor.

Federaalkanu wuxuu noqonayaa kii runta ahaa oo puntland ku taamaysay weligeed,qabiilkaygu makala go’I karo sharciga fedaraalka ma waafaqsana waa xudduud gobaleed.

 

Mudug markaad qiyaasto laamigga waa markaad soo dhaafto burtinle ilaa gellinsoor iyo degmooyinkiisa iyo tuulooyinkiisa labada geesood

 

Galgaduud qiyaasta laamiga waa markaad dhaafto gellinsoor ilaa gurceel,iyo degmooyinkiisa iyo tuulooyinkiisa labada geesood

 

Hiraan wuxuu ka bilowdaa matabaan ilaa maashaa allah

 

Mudug iyo galduud wuxuu kulmiyaa qabiilo kala duwan haddu dhismana waa xaruntii loogu wanqali lahaa federalka soomaaliya, haduu dhintana waa meeshii lagu aasi lahaa.

 

Share this post


Link to post
Share on other sites

South Mudug will join Galgaduud to form Federal State , The state covers huge land access to port and many airports . South Mudug and Galgaduud have huge population towns and cities are populated

 

 

Cadoodo ee gobolka Galgaduud.

 

?p=1187

 

dsc05814-2

 

DSC01670.jpg

 

 

showthread.php?t=1501652&page=3

 

Degmada Caabudwaaq.

 

caabudwaaq-city

 

 

Galmudug

 

current-photo-64057903

 

url?sa=i&rct=j&q=galmudug&source=images&

 

5415029523

 

 

daawo-sawirada-ciidamada-daraawiishta-ga

 

 

DSC00169.jpg

Share this post


Link to post
Share on other sites
Miyir   

Qoslaaye nothing but walking disaster, he could have done without losing puntland support, why? south mudug and galgaduud whats wrong with that?

Share this post


Link to post
Share on other sites
Samafal   

In 1998 when Puntland was being created south Mudug clan was invited to become part of the state but they vehemently rejected on tribal reasons. Then Puntland just incorporated North Mudug which consisted Galkio, Jariban and Goldogob. The constituition of Puntland clearly stated that Just Northern Mudug was part of the state and not the Southern Mudug.

 

Now Abdiqeybdiid wants to use the name of North Mudug, an area where he does not control and nopthing to do with his state to fullfill two region condition for forming a state. They should have clearly label it as Southern Mudug to avoid confusion and contreversy.

Share this post


Link to post
Share on other sites

As I said, if tribalism rears it's ugly head then everyone will have no choice but to coalesce around their respective clans.

 

But if pragmatism and upholding of the federal constitution is what is in Somalia's interest, then this nonsense about making Galgaduud province and 2 districts in Mudug province into a federal region is a nonstarter. But then again, you can't blame a moryan for wanting to do bililiqo on a whole Somali province.

Share this post


Link to post
Share on other sites
gooni   

I thought puntland president dr.abdi wali can lead the nation with fresh mind and good knowledge but when I listen his speech, oh man, he can’t take care four broken goat.

 

Waqooyiga gaalkacyo waa qayb ka mid ah soomaaliya hadii lagu daro galgaduud waa dalkii oo nidaam loo sameeyay

 

Ma qabo in in puntland khasaaro ugu jiro, taa bedelkeeda wayba sii balaaratay,haddi midna qaybteeda qaadato midna gaar ugu ahaato qabiil state.

 

Teeda kale haddiiba dood ama khilaaf yimaado ma tv’yadaa xalka loo doontaa?

Cilaaqaadkii faroole horay ugu jaray d.f, goormuu soo noqday?

Muxuu yahay farqiga u dhexeeya professor iyo Dr?

 

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this