Sign in to follow this  
malistar2012

Xukuumadda Soomaaliya oo 24 saac isbaddello waa weyn ku sameysay

Recommended Posts

Xukuumadda Soomaaliya oo 24 saac isbaddello waa weyn ku sameysay

 

Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo ka jawaabeysa rabbitaanka shacabka Soomaaliyeed, ayaa qaaday tallaabbo geesinimo leh oo ku aaddan dhanka ammaanka, iyadoo kooxaha argagixisada Al-Shabaab ay maalmihii la soo dhaafay wadeen qorshe ay isaga horkeenayaan dowladda iyo shacabka, hasa yeeshee arrintaasi ayaa meesha ka baxday kaddib markii ay sooo baxeen isbaddello amni oo waa weyn.

 

Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdiweli Sheekh Axmed Maxamed ayaa xalay markii uu fashilmay weerar ay Al-Shabaab la damacsanayeen madaxtooyada Soomaaliya shir deg deg ah isugu yeeray golaha wasiirrada iyo laamaha ammaanka dowladda, shirkaas waxaa looga arrinsaday sidii loo qaadi lahaa jawaab u dhiganta isku dayga malleeshiyaadka Al-Shabaab.

 

Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya oo latashi la sameeyey golahiisa wasiirrada ayaa isla xalay ka soo saaray faah-faahin weerarkii Al-Shabaab ku doonayeen in ay ammaanka madaxtootada qal-qal ku geliyaan.

Wasiirka Warfaafinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Mustafa Sheekh Cali Dhuxulow oo la hadlayey Warbaahinta ayaa yiri xalay “Xukuumadda Federaalka Soomaaliya waxey u hambalyeyneysaa ciidammada Qalabka Sida ee sida geesinimada leh u uga hortay dhagarta Al-Shabaab, weerar ay koox tiradooda afar tahay la doonayeen madaxtooyada ayeey ciidammadu fashiliyeen, waxaana halkaasi lagu khaarijiyey seddex ka mid ah kuwii cadowga ahaa ee weerarka soo qaaday, halka mid ka mid ahna ay ciidammadu nolosha ku qabteen, hadana ay baaritaanno ku hayaan hey’adaha ammaanka”.

 

Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo shirar isdaba joog ah ka lahayd arrimihii dhacay ayaa maanta Xillalkii ka qaaday taliyihii Ciidammada Booliska Soomaaliya, General Cabdixakiin Daahir Saciid (Saacid) iyo agaasimihii hey’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoon S/gaas Bashiir Maxamed Jaamac, waxaana sidoo kale wasiirka Amniga Qaranka Soomaaliya loo magcaabay General Khaliif Axmed Ereg, waana isbaddelkii ugu ballaarnaa ee ay Xukuumadda sameysay, taasi oo wax badan kusoo kordhin karta dardargelinta ammaanka, sida ay qabaan khubarrada dhinaca ammaanka ku taqasuusay.

 

Caawa ayaa mar kale Agaasimihii hey’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka loo magcaabay C/llaahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe) oo horey u ahaa Danijirii Soomaaliya ee dalka Uk, waxaana arrintaan si weyn u soo dhoweeyey dhammaan shacabka Soomaaliyeed oo Xukuumadda ku bogaadiyey isbadellada deg degga ah ee ay dhanka ammaanka ka sameysay.

 

Haddaba isbaddellaan ayaa muujinaya sida ballan-qaadkii Xukuumadda ee ku aaddanaa in dalka dhowaan uu geli doono isbadel muhiim ah u fulay, waxaana la rajeynayaa in ay soo baxaan natiijooyin wax ku Awl ah.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this