Sign in to follow this  
malistar2012

Duqa Muqdisho ” Heer dadku dowladaha Hoose doortaan ayaan Muqdisho gaarsiineynaa

Recommended Posts

 

 

 

Muqdisho (Sh M Network)—Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho Sareeye Guuto Xasan Max’ed Xuseen Muungaab ayaa sheegay in Maamulkiisa uu noqon doono kii ugu dambeeyay ee la soo Magacaabay uuna gaarsiin doono Magaalada Muqdisho heer dadku ay wax doortaan.

Mr Muungaab ayaa ku nuux nuuxsaday in isbedello kala duwan haatan ay ka jiraan Caasimadda Muqdisho Maamulkiisana uu sii dar dar gelin doono.

 

Maamulka Cusub ee Gobolka Banaadir oo ah mid ugub ah ayaa wax qabad wax ku ool ah ka sameeyay mudada kooban ee Maamulkiisu hoggaanka Gobolka yahay.

 

Dhawaan ayaa Maamulka Gobolka Banaadir waxaa ka soo yeeray hadal aad u soo jiitay Bulshada Muqdisho kaas oo ku aadanaa in dhammaan dib loo furayo waddooyinka xiran xittaa kuwa safaaradaha Shisheeye ay jareen.

 

 

http://www.youtube.com/watch?v=GgBE1YxUrkM

 

Sareeye Guuto Xasan Max’ed Xuseen Muungaab & Shacabka

Muqdisho oo hal goob kuwada damaashaadaya taas oo sabab u ah isbadalka

cusub ee ka dahcay dalka iyo sida ay Shacabka uga hadlayaan Damaashaadka ay la qaadanayaan qaar ka mid ah Madaxda Dalka.Muuqaal ku tusinaya sida ay u faraxsan yihiin shacab la damaashaadaya Madax ka tirsan Dowlada ayaa waxuu ku tusinayaa isbadalka xoogan ee ka dhacay dalka iyo sida jawiga

Muqdisho uu yahay ee nala daawo.

 

Share this post


Link to post
Share on other sites

Gudoomiye Muungaab oo Isbadalo Siyaasadeed iyo mid Amni ka sameeyey Muqdisho

 

IMG_05771B-325105-F5A9F2-C239E4-626D07-2

 

Muqdisho (Sh M Network)—17-ka Bishii February ee Sanadkan 2014 ka ayey aheyd markii Dekreeto ka soo baxday Xafiiska Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxmuud lagu magacaabay Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Sareeye guuto Xasan Maxamed Xuseen Muungaab.

 

Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho markii loo magacaabay Xilkan ayaa waxuu diirada saaray amaanka Magaalada Muqdisho isagoo kala kaaashanaya Shacabka Muqdisho.

 

Gudoomiye Muungaab ayaa Khudbadii ugu horeesay uu jeediyay ayaa waxuu sheegay in marka hore uu diirada saarayo xaqiijinta amaanka Magaalada Caasimada ah ee Muqdisho islamar ahaantaana la hoos geeyay Ciidamada Booliska iyo Nabadsugida gaar ahaan kuwa ka shaqeeya Maamulka Gobolka Banaadir.

 

Gudomiyaha-Abdiziz.jpg

 

Sareeye guuto Xasan Maxamed Xuseen Muungaab, Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho ayaa isbadalo ku sameeyay Gudoomiyeyaasha 16 Degmo ee Gobolka Banaadir isagoona magacaabay Rag dhalinyaro ah oo qaarkood wax ku soo bartay Dalka Dibadiisa.

 

 

 

Haweenka Soomaaliyeed ayaa Qudhooda qeyb ka qaatay Isbadalka amni iyo midka Sayaasadeed uu sameeyay Gudoomiyaha Gobolka Banaadir waxaana Magaalada Muqdisho ku yaraanaya Qaraxyo iyo Falalka amaanka ka soo horjeeda kuwaasi oo ay geysan jireen Dagaal yahanoo ka tirsan Xarakada Al Shabaab.

 

Ugu dambeyn, Siyaasiyiin iyo Waxgarad ku dhaqan Muqdisho ayaa guubaabiyay Maamulka uu hogaamiyo Sareeye guuto Xasan Maxamed Xuseen Muungaab, Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho kaasi oo ay ku sheegeen in wax badan uu ka qabtay amanka Magaalada Muqdisho.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Mogadishu Degmada Howl-Wadaag the Last remaining district leader Mudane Maxamed Abuukar Cali Jacfar officially hands over his Position to a Young Educated Man raised in the Neighborhood.

 

 

Maxamed Abuukar Cali (Jacfar) Gudoomiyaha wareejinayay Xilka Degmada Howl-wadaag oo Munaasabada ka hadlay ayaa sheegay in uu aad ugu faraxsan yahay in xilka laga qaado uuna si sharafi ku jirto ku wareejiyo , waxa uuna tilmaamay in Xiligii loo baahnaa ay kusoo aaday in uu xilka ka dago.

 

‘’ Waxaan ku faraxsanahay in aan xilka ku wareejiyo Axmed Nuur oo ah nin aqoonyahan oon filayo inta aan qabtay kabadan in uu qaban doono , waa wax lagu farxo in Dhalinyaro dalka wax usoo baratay in xilka ay la wareegaan xiligan , maahan in dhalinyaradaasi lagu tilmamao kooxo iyo Wadan hebel ayey wax kusoo barteen , waxa ay xaq u eeyihiin in dalkooda wax ka noqdaan ‘’ ayuu yiri Jacfar.

 

 

 

howl_22.jpg

 

 

Gudoomiyaha cusub ee Degmada Howl-Wadaag Axmed Nuur Cabdi Siyaad (Aanas)

 

The Young Man in the Middle well done Congrats new dawn for Somalia as Mogadishu recovers and Heels from decades of war.

 

howl_7.jpg

 

howl_14.jpg

 

Munaasabada xalay ka dhacday Xarunta Degmada Howl-Wadaag ayaa aheed mid aad u qurux badan oo kusoo dhamaatay jawi aad u macaan , waxaana Munaasabadaasi Bulshadii kasoo qeyb gashay ay kor u qaadeen Hadiyado kala duwana gudoonsiiyeen Gudoomiyihii hore ee Degmada Howl-Wdaaga Jacfar.

 

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this