Sign in to follow this  
malistar2012

Xildhibaano ka laabtay mooshinki madaxweynaha, sheegay na in laga been abuuray

Recommended Posts

 

Somalia-Parliament-%20yesterday.jpg

 

Magaalada Muqdisho oo maalmahaan ka socdeen dhaqdhaqaaqyo siyaasadeed oo iska soo horjeeda ayaa la sheegayaa in 35 xildhibaan ka noqdeen soojeedintii ahayd in Madaxweynaha Soomaaliya is casilo, sidoo kale 22 Xildhibaan ayaa sheegay in magacooda laga been abuurtay oo aysan kamid ahayn xildhibaanada qorshahaas horboodayey.

 

Mooshin ka laabashadaan ayaa timid kulamo is dabajoog ah oo maalmihii lasoo dhaafay xildhibaanadu la yeelanayeen Madaxweynaha Soomaaliya iyo saraakiil katirsan Madaxtooyada Soomaaliya.

 

Xildhibaanada ka laabtay mooshinkii dhaleeceynta ahaa ee loo soo jeediyey Madaxweynaha ayaa kala ah Xildhibaan Cabdulqadir Macalin Nuur, Xildhibaan Cumar Finish, Xildhibaan Cabdulkadir Hashi, Xildhibaan Cabdi Hashi, Prof Dhalxa iyo Xildhibaano badan oo kale. Sidoo kale Xildhibaan Sanyare oo kasoo jeeda Puntland ayaa la sheegayaa inuu wadahadal kula jiro Xukuumada Soomaaliya.

 

Xildhibaanadaan isi saxay ayaa kusoo aadeysa xili labadi maalin ee u dambeysay Magaalada Muqdisho ay hareeyeen banaanbaxyo balaaran oo lagu taageeraayo Madaxweynaha Dawladda Federaalka Soomaaliya iyo horumarka Caasimada Muqdisho.

 

 

 

Shiribkii shalay ee Banaanbaxa ayaa ahaa ”MADAXWEYNE MUUNGAAB AA LAGA MASEYRAY ASAA MOOSHINKAAN LA KEENAY”

 

Magaalada Muqdisho ayaa maalmahan waxaa kusoo badanayey xildhibaano qaswadayaal ah oo u muuqanayey inay ka shaqeynayaan dib u dhaca dalka Soomaaliya, mooshinada baarlamaanka Soomaaliya ayaa noqday kuwa Saameeya kaliya Caasimada Muqdisho.

 

 

Calanka.com: Isha wararka xaqiiqda

Share this post


Link to post
Share on other sites

favori-620x330.jpg

 

Kulankii baarlamaanka ee loogu codeyn lahaa shiorkada maamusha Garoonka diyadaha Muqdisho oo maanta baaqday

 

Kulan ay mudaneyaasha baarlamaanka Soomaaliya maanta ku yeelan lahaayeen magaalada Muqdisho ayaa dib u dhacay, kaddib markii ay soo xaadiri waayeen xildhibaanno buuxin kara tiradii loo baahnaa.

Kulanka oo ahaa mid xasaasi ah ayaa cod loogu qaadayay mooshin ka dhan ah heshiiskii shirkada FAVORI ay kula wareegtay garoonka diyaaradaha Aadan Cabdulle ee Muqdisho iyo ka doodista mooshin kale oo ka dhan ah wasiirka arrimaha gudaha iyo federaalka.

 

Waxaana Sooxadirey oo kaliya in ka badan 65 Xildhibaan oo shalay mooshin ka dhan ah wasiirka arrimaha gudaha iyo federaalka Cabdullaahi Goodax Bare ka hor akhriyay baarlamaanka jawaabna manta ka sugayey Baarlamaanka .

 

Guddoonka baarlamaanka Soomaaliya ayaa muddooyinkii dambe xildhibaannada u soo jeedinayay in ay soo xaadiraan kulamada si ay u gutaan waajibaadkooda qaran.

 

Waa maalintii saddexaad oo uu baaqanayo kulan loogu talagalay cod u qaadista mooshinka ka dhan ah heshiiskii shirkada FAVORI oo uu yeelan lahaa baarlamaanka Soomaaliya.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Three Motion within weeks something is wrong who is behind Treason.

 

 

1. Motion Against the President at time where the Country is heading right direction.

 

xasan-xamar-12.jpg

 

 

 

Wax-qabadka lasoo ban-dhigay waxaa ka mid ah xoreynta dhibkii Al-Shabaab laga xoreeyay saddex milyan oo qof oo deggen sagaal magaalo iyo lix gobal. Qaababka taageerada lagu xoojinayo sida unugga isku-dubaridka gargaarka (Aid Coordination Unit) iyo sanduuqa horumarinta iyo dib-u-dhiska Soomaaliya oo la sameeyayay si loo hubiyo garagaarkii Soomaaliya loo ballan-qaaday in la isku-duway lana ilaaliyay.

 

 

 

 

2. Motion Against FAVORI the Company who manages and Modernized Aadan cadde International Airport.

 

 

IMG_77AC70-D171F7-E68B90-2BBF42-826A28-E

 

3 . Motion against wasiirka arrimaha gudaha iyo federaalka who is now doing outstanding job relieving the newly liberated Areas and creating stability .

 

 

Xarunta tababarka booliska ee Gen. Kaahiye ayaa waxaa maanta lagu qabtay tababar ay soo abaabushay wasaaradda arr. Gudaha kaas oo ku aadan xagga maamulka gobolada laga xoreeyay Al-Shabaab.

 

 

 

 

 

Share this post


Link to post
Share on other sites
Hawdian   

Who is behind this plot against xassan Sheikh Culusiw ya malistar ??? Who are these people enjoyng the hospitalty of reer Moqadishu and still want to take your goverment away??? Maybe its the same people that burned down moqadishu with the Ethiopians , Abdullahu Yay and his gang that killed 30,000 reer koonfur and totally destroyed Xamar to rubbles , Time for reer Xamar to defend them self against dowladiidka, good luck.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this