Sign in to follow this  
Dr_Osman

Culusow Spending The Night In Ethiopian Military Base LOL

Recommended Posts

Dr_Osman   

Madaxweyne Xasan Shiekh oo caawa u hoydey Xerada Ciidamada Itoobiyo ee Baydhabo ka dib markii la hor istaagay

 

Baydgabi–30 Maarso.2014–Pi– Madaxweyne Xasan Sheikh Maxamuud ayaa maanta markuu yimid Baydhabo ilaa hada wuxuu ku xayiran yahay xarunta Ciidamada Itoobiya ka dib markii uu Magaalada kala kulmey soo dhaweyn la’aan iyo mudaharaad lagu diidan yahay imaatinkiisa.

 

Wararka aan hada heleyno waxay sheegayaan in Madaxweynuhu uu u cid dirsadey Gudoomiyaha Baarlamaanka Mudane Jawaari kasoo galabta soo gaaray Baydhabo lakiin wax guula ma soo kordhin imaatinka gudoonku oo labadooduba iyo wafdiyadii la socdey waxay go’doon ku yihiin Xerada Ciidamada Itoobiya ee Magaalada Baydhabo.

 

Xaaladu aad ayay u cakiran tahay waxayna dhabarjab weyn oo siyaasadeed ku tahay Madaxweyne Xasan Sheikh tasoo laga cabsi qabo inuu Madaxweynuhu ku laabto Muqdisho isagoon Baydhabo gudaha u galin ama uusan la kulmin masuuliyiinta labada Maamul ee isdiidan ee magaalada ka jira.

 

Nicholas Kay Ergayga gaarka ah ee Qaramada Midoobey ayaa caawa bartiisa Twitter-ka wuxuu ku soo qorey in si deg deg ah loo dajiyo xiisada Baydhabo ka taagan isla markaasna la wada hadlo.

 

Puntlandi

Baydhabo

 

Share this post


Link to post
Share on other sites
Dr_Osman   

Weren't these people saying how they were going to do jihad against Ethiopia? Now looks like they love Ethiopia, what's changed? Only thing that's changed is the leadership of Somalia. Kkkkkkk

 

ethiopia

italy

Share this post


Link to post
Share on other sites
Dalmar1   

La hawla wala quwata sxb your thread is unparalleled and quite frankly ridiculous!!!

 

You're becoming just another habaar xunjuf, but please at least don't lie (like habaar xunjuf) when starting a thread.

 

Sxb everyone who follows the news knows that Madaxweyn Hassan is and has slept over in the Hotel-Bakiin oo bartamaha Baydhabo ku yaal and not in AMISOM base.

 

Next time please iska xishood and state facts no lies, OK sxb!

Share this post


Link to post
Share on other sites
Dr_Osman   

Wararkii ugu Dambeeyay Baydhabo: Jawaari oo Tagaya ADC-da Iyo Madaxweynaha oo Weli ku Sugan Xerada Ciidamada

 

 

Posted on March 31, 2014

 

Hadalheynta Q, Raad Raaca, RBC, Wararka

 

 

Jawaari_134Baydhabo (RBC) Iyadoo wadahadalo dheer oo xalay oo dhan socday ay ka dheceen xerada ciidamada ee 60aad ee Baydhabo ayaa saaka waxaa lagu wadaa in Guddoomiyaha baarlamaanka Maxamed Cismaan Jawaari iyo xildhibaano ay tagaan xarunta ADC ee xarunta u ah maamulka lixda gobol ee uu hogaamiyo Madoobe Nuunow.

 

Wararka ayaa sheegaya in wada xaajood xalay lala yeeshay odayaasha iyo siyaasiyiinta raacsan Madoobe Nuunow ay ku adkeysteen in cidii iyaga la kulmeysa ay ugu timaado xarunta ADC oo ah meeshii lagu doortay Madoobe Nuunow ayna joogaan ergooyinkii odayaasha ahaa ee isaga doortay ay ugu yimaadaan.

 

Kooxda Madoobe Nuunow ayaa diiday in wafdiga madaxweynaha ay ugu tagaan xerada Ciidamada 60aad ee duleedka Baydhabo halkaasoo madaxweynaha iyo guddoomiyaha baarlamaanka xalay ku hoydeen. Weli waxaan la ogeyn in xal laga gaaray in wafdiga guddoomiyaha baarlamaanka marka ay booqdaan xarunta ADC ka dib ay u gudbi karaan hotelka Bakiin ee ay degan yihiin kooxda kale ee maamulka saddexda gobol dhisatay.

 

Kooxda Madoobe Nuunow ayaa illaa shalay ku adkeysanayey in aysan damaanad qaadi karin in madaxweyne Xasan Sheekh ay tagi karaan hotelka Bakiin, waxaana taasi ay ahayd mida keentay caqabada ugu weyn ee ka hor timid booqashada madaxweynahe ee Baydhabo.

 

Warar hadda soo baxaya ayaa sheegaya in Jawaari uu ka hadli doono xarunta ADC si arrinta loo dejiyo, ka dibna labada dhinac la isugu geyn doono xerada 60aad ee madaxweynaha uu ku sugayo.

 

Jawaari oo xalay yimid Baydhabo markii uu madaxweynaha u yeeray ayaa laga filayaa inuu isu soo dhoweeyo dhinacyada kuna qanciyo inay madaxweynaha la kulmaan.

 

Waddooyinka magaalada ayaa xiran saaka waxaana dhooban ciidamada AMISOM ee kuwa Itoobiya iyo kuwa ilaalada madaxtooyada iyo kuwa nabadsugida oo illaa shalay ku sugnaa Baydhabo. Ganacsiga, waxbarashada, gaadiidka iyo dhaqdhaqaaqa magaalada Baydhabo ayaa hakad ku jira 24 saac ee la soo dhaafay.

 

Dadka siyaasadda ka faalooda oo dhaliil muujiyey

 

Durba waxaa soo baxay dhaliilo booqashada madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ee Baydhabo loo jeedinayo, taasoo dadka ka faalooda siyaasada ay ku micneeyeen mid aan laga fiirsan oo ay ahayd in wasiirada iyo waaxyaha farsamada ee maamulka wasaaradaha arrimaha gudaha iyo federaalka ay soo xalliyaan arrimahan, madaxweynuhuna tago marka ay wax kasta soo dhamaadaan.

 

Fashilka ugu weyn ayaa ah in madaxweynaha dalka oo 24 saac ku sugan Baydhabo uusan illaa hadda gudaha u gelin Baydhabo isla markaana uusan la kulmin dhinacyadii uu dartood u tagay Baydhabo, waxaana shalay markii uu madaxweynaha ka degey garoonka Baydhabo hareeyay dibadbaxyo waaweyn oo dadka ay waddooyinka ka xirteen markii ay maqleen in madaxweynaha uu tagayo hotelka Bakiin oo ay degan yihiin kooxda maamulka saddexda gobol, arrintaasoo ahayd midii loogu banaanbaxay Shariif Xasan toddobaadkii hore.

Share this post


Link to post
Share on other sites
gooni   

dr,ninyahow soomaalida ama wada cay ama wada amaan puntland kaliya haka dhigin asharaaf aan waligood amxaaro dhunkan

lakiin waxaan fahmin la'ahay odaygaan sujuudsan ma ixtiraam baa halkaa gaarsiiyay?

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this