Sign in to follow this  
Dalmar1

Dowlada Soomaaliya oo Sheegtay in Biri Muqdisho lagu Aasayo AUN Tubeec

Recommended Posts

Dalmar1   

Dowlada Soomaaliya oo Sheegtay in Biri Muqdisho lagu Aasayo AUN Maxamed Suleebaan Tubeec.

Mar 15, 2014 - jawaab

 

 

 

Post Views = 102

Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa sheegaytay in aas qaran magaalada Muqdisho loogu sameeybayo Allaha u raxmadee fannaankii caanka ahaa, Maxamed Suleymaan Tubeec, oo Talaadadii ku geeriyooday dalka Jarmalka.

Guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cismaan Jawaaro oo la hadlay maanta raadiyaha afka dowladda ku hadasha,waxaa uu shaaca ka qaaday in maalinta berri ah la keenayo Muqdisho Allaha u naxriistee Maxamed Suleymaan,isagoona inta ku daray aas qaran loogu sameeyn doonno gudaha dalka, iyadoo aaskiisa ay ka qeyb geli doonaan mas’uuliyiin kala duwan iyo bahda fanka Soomaaliyeed.

Mudane Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari ayaa sheegay in Allaha u naxriistee Maxamed Suleymaan uu kaalin weyn kasoo qaatay gobanimada dalka, wuxuuna xusay in maalinta berri ah Meydiisa la keeni doono magaalada Muqdisho.

Tubeec wuxuu ahaa fannaan si weyn looga yaqaanno gayiga Soomaaliya, wuxuuna ku caan-baxay magaca ‘Boqorka Codka’.

Wuxuu fanka billaabay 1950-meeyadii.

Tubeec wuxuu leeyahay heeso badan oo isugu jira waddani, jaceyl, guubaabo ammaan, duco iyo heellooyinka qaraamiga ah.

Wuxuu ka tirsanaa hobollada Waaberi ee hoggaanka u ahaa fanka iyo suugaanta Soomaaliya.

Heesaha uu qaaday waxaa ka mid ah Nasteexo, Alla Maanta ayaanta, Heesta Sanadka iyo Waqti.

 

Nagala Soo Xiriir

Alldhacdo@gmail.com

« WARBIXINTA KA HOREYSAY

Xog:- Maxay Yihiin Wasiirada uu C/weli Sheekh Axmed u dirayo Kismaayo

 

Share this post


Link to post
Share on other sites
Mooge   

lol. Why does qoslaye wants to "help" him now? the so called goverment could have provided help to him when he was begging for help. now they want to spend all that money for preparations, and burial when the money they want to spend could have helped him when he was sick. when we have these people as leaders, somalia is lost.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Maadaama diyaaradda Turkiga soo qaadeyso meydkiisa, Xamar ayee kasoo dajinee. Marka salaadda janaasada lagu tukado waala sii galbin karaa meydka oo meesha reerkiisa rabaan lagu duugaa, waana saa filaayo inay noqoneyso ama u dhaceyso.

 

Eebbe ha u raxmado marxuumka.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this