Sign in to follow this  
malistar2012

Dastuur uu yeelanayo maamul goboleedka Shabeelooyinka oo berri la ansixinayo (Wa

Recommended Posts

kow.jpg

 

 

 

Shir lagu ansixinayo dastuurka uu yeelan doono maamulka labada shabelle oo berito lagu qaban doono Magaalada Afgooye Odayaal ka tirsan beelaha dega Gobolada Shabeelaha dhexe iyo Shabeelaha hoose ayaa maanta shir ku yeeshay Magaalada Muqdisho waxaana ay ka soo saareen warsaxaafadeed lagu iclaamiyay shir berito ka dhici doono afgooye kaasoo lagu ansixin doono dastuurka uu yeelan doono maamulka labada shabelle.

 

Shirka waxaa ka hadlay odayaasha kala ah:- Suldaan saleebaan Iikow Nabadoon Axmed Jowhar Ugaas Abroone Maxamed Nabadoon Cumar Ibraahin Cosobow Sidoo kale waxaa ka hadlay siyaasiga C/laahi Geedi Shadoor kaasoo ka mid ahaa xildhibaanadii hore.

 

Odayaasha iyo siyaasiyiinta ayaa warsaxaafadeed ay soo saareen waxay ku iclaamiyeen in berito degmada Afgooye lagu qaban doobo shir lagu ansixinayo dastuurka uu yeelan doono maamulka labada shabelle ee la doonayo in lagu dhawaaqo. Gudoomiyaha bulshada rayidka Ex banadir kana mid ah gudiga qaban qaabada shirweynaha labada shabelle Xaaji Muxudiin Xasan Afrax ayaa saxaafada u aqriya warsaxaafadeed lagu iclaaminayo shir berito ka dhacaya Afgooye.

 

Warsaxaafadeedka ayaa sidan u qornaa:- Gudiga qabab qaabada shirweynaha maamul u sameynta gobolada shabeelaha hoose iyo shabeelaha dhexe waxay si xushmad leh idinkugu casuumayaan inaad ka soo qeybgasho shir weynaha golaha guud ee shacabka labada shabelle.

shir weynahaan ayaa dhacaya Axada 09 march 2014 oo uu ka dhacayo degmada Afgooye. Iyadoo la tixraacayo shirarkii isdaba joog ahaa ee socday 8-dii bilood ee la soo dhaafay oo ka soo bilaabaneysa 6-dii June 2013 oo ay isugu yimaadeen madax dhaqameedka, siyaasiyiinta, bulshada rayidka iyo dhamana qeybaha kala duwan ee bulshada sida dhalinyarada rag iyo dumar oo ay ujeedadeedu ahayd sidii maamul goboleed waafaqsan dastuurka looga hirgelin lahaa shabeelaha hoose iyo shabelaha dhexe.

Iyadoo ay gudigii diyaarinta dastuurka soo gabagabeeyeen diyaarna ay u yihiin inay hor dhigaan 800 ee argada mataleysa shacabka labada shabelle si loo ansixiyo.

 

Sidaas daraadeed waxaan ugu yeereynaa dhamaan eragada 800 inay ka soo qeybgalaan shir weyne guud oo lagu ansixinayo dastuurka uu yeelanayo maamul goboleedka labada shabelle.

Sidoo kale waxaan si xushmad leh u casuumeynaa kana codsanenaa inay nagala soo qeyb galaan.

 

1-Dowlada faderaalka oo muhiim ah inay doorkeeda hogaamineed u qaadato inay arkaan rabitaanka shacabka labada shabelle.

 

2-maamulgoboleedada dalka ka jira oo maamulka aan sameyneyno uu yahay mid kaalin muhiim ah ka qaadanaya dib u dhiska dalka oo ay dani noogu wada jirto islamarkaana xoojineysa midnimada iyo xornimada dalka soomaaliya.

 

3-beesha caalamka gaar ahaan IGAD, AMISOM,UNSOM,EU,ARAB LEAGUE,UK, US iyo dhamaan wadamada deriska nala ah.

 

Waxaa la farayaa dhamaan wasiirada, xildhibaanada iyo siyaasiyiinta kale ee ka soo jooda labada shabelle inay ku yimaadaan xarunta shirka oo ah degmada Afgooye mudo 24 saac gudahooda.

 

Waxaan rajeynayaa inaad ka soo wada qebgeli doontaan oo aan maalinta sabtida ah 09 march aad imaad doontaan degmada Afgooye uu ka dhacayo shirkaan muhiim u ah Soomaaliya.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Holac   

Isn't the SFG pressuring the Baidoa conference participants to accept three State formation which includes Lower Shabelle? What is this new Constitution you speak of?

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this