Sign in to follow this  
malistar2012

A week of Celebration continues for the new Native Governor mayor of Xamar

Recommended Posts

Guddoonka cusub ee gobolka Benaadir oo wacad ku maray ciribtira Al-Shabaab

 

 

Guddoomiyaha cusub ee gobolka Benaadir ahna duqa Muqdisho Mudane Xasan Maxamed Xuseen Muungaab ayaa maanta xariga ka jaray xarunta degmada Boondheere kaddib dib u dayactir iyo qalabeyn lagu sameeyay, isagoo wacad ku maray in guud ahaan degmooyinka gobolka laga sifeyn doono haraadiga Al-Shabaab.

 

Munaasabad lagu furayay xarunta degmada Boondheere oo dib u dayactir lagu sameeyay, islamarkaana lagu qalabeynayay xafiisyada degmadaasi ayaa waxaa ka qeyb galay guddoomiyaha cusub ee gobolka Benadir ahna duqa Muqdisho Mudane Xasan Maxamed Xuseen Muungaab, qaar ka mid ah ku-xigeenadiisa, guddoomiyeyaasha degmooyinka qaarkood, ururrada haweenka Qaranka iyo kan gobolka, saraakiil ka tirsan ciidanka qalabka sida, faanaaniin iyo qeybaha bulshada ee degmada Boondheere.

 

Guddoomiyaha degmada Boondheere Cabdullaahi Xirsi Wardheere Istakiin oo munaasabadda hadal ka jeediyay ayaa sheegay in xarunta dib u dayactirka iyo qalabeyntiisa ay gacan ka geysteen mashruuca Danguud oo kaashanaya gobolka, waxaana uu xusay in shacabka degmada ay diyaar u yihiin la shaqeynta hay’adaha amniga iyo maamulka Gobolka.

 

Guddoomiyaha Gobolka Benaadir ahna Duqa Muqdisho Mudane Xasan Maxamed Xuseen Muungaab oo ugu horeyn xarigga ka jaray xarunta degmada Boondheere oo dib loo dayactiray ayaa uga mahadceliyay intii gacanta ka geysatay howlahaasi, isagoo xusay in maamulkiisa uu dhiiri gelinayo ka shaqeynta horumarinta degmooyinka gobolka benaadir.

 

Sidoo kale Mudane Xasan Maxamed Xuseen Muungaab ayaa hoosta ka xariiqay in hadafka maamulka gobolka uu yahay sidii ay wada shaqeyn buuxdo u dhexmari lahayd, hay’adaha amniga, maamullada degmooyinka iyo shacabka gobolka ku dhaqan, isagoo xusay in dhagar qabayaasha Al-Shabaab laga ciribtiri doono degmooyinka ay ku dhuumaaleysanayaan.

 

Guddoomiyaha gobolka Benaadir ahna duqa Muqdisho ayaa tani u noqoneysa kormeerkiisii ugu horeeyay ee uu ku tego degmada Boondheere tan iyo markii uu shalay xilka si rasmi ah ula wareegay.

 

 

 

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this