Sign in to follow this  
SomaliaRising

Maamulka Hargeisa Berbera and Burco bans Universal TV

Recommended Posts

Xukuumadda Somaliland oo Xayiraad kusoo rogtay TV-ga UNIVERSAL

Isniin, Feberaayo 03, 2014 (HOL) — Wasiiirka warfaafinta iyo wacyigelinta Somaliland ayaa sheegay inay xayiraad ku soo rogeen Telefishanka UNIVERSAL, isla markaana aanu ka hawlgali Karin guud ahaan dhulka Somaliland.

 

Wasiirka warfaafinta Cabdilaahi Cukuse, ayaa sheegay in telefishankaasi caadaystay dacaayado ka dhan ah Somaliland, isla markaana ku kacay falal qaranimada iyo anshaxa saxaafaddaba lidi ku ah.

 

Sidoo kale, waxa uu sheegay inay maxkamad la gali doonaan telefishanka iyo mulkiilihiisa, maadaama oo uu sheegay inay ku xadgudbiyeen anshaxa saxaafadda iyo qaranimadda Somaliland.

 

“Laga bilaabo maanta oo Isniin ah 3 bisha Febaury waxa laga joojiyey TV-ga Universal inuu ka hawlgalo gudaha Jamhuuriyadda Somaliland, isla markaana TV-gaas iyo mulkiilihiisaba dacwad lagaga furayo Maxkamadaha Dalku leeyahay iyadoo loo marayo xeerarka caalamiga ah ee saxaafadda”ayuu yidhi Cukuse.

 

Waxa uu intaas ku daray in TV-ga Universal uu soo dhaafay dhamaan xuduudihii u yaallay saxaafadda kana baxay heshiisyadii uu kaga hawlgalayey ciidda Somaliland, isagoo ay Gabbaad ka dhiganayso dawladda Soomaaliya oo faro-faraynta ay Somaliland ku hayso soo marsiisa Telefishinkaasi, ka dib markii ay laaluush ahaan u siisay dhisme balaadhan oo dadweynaha dalkaa ka dhexeeyey oo oo ku yaalla magaalada Muqdisho ayuu ku yidhi shirkiisa jaraa’id.

 

Arrintan ayaa ka dambaysay ka dib markii Telefishankaasi soo daayey barnaamijka la yidhaa faaliyaha Qaranka oo uu filim kartoon ka sameeyey madaxweynaha Somaliland.

 

Sidoo kale, xoghayaha guud ee SOLJA Maxamed Rashiid Muxumed Faarax, oo aanu xayiraata telefishanka wax ka waydiinay ayaa sheegay in filim kartoonadda iyo madadaaladda siyaasigu aanay dambi ahayn, isla markaana warbaahintu horaba filim kartoono u samayn jirtay.

 

Xoghayaha ayaa sheegay in aanu daawan barnaamijkaasi, balse ay rusqadda kala noqon karto xarun warbaahineed maxkamadda oo qudha, isl markaana lagu xayiri karo marka mabaadiida guud iyo arrimaha qaranimada wax laga sheego, balse madaxda laga faaloon karo, isla markaana aanay dambi ahayn in filim kartoon laga sameeyo.

 

Si kastaba ha ahaatee, barnaamijkan faaliyaha Qaranka ee ay ka soo qaadeen madaxweynaha Somaliland oo ay ka waraysanayaan waxyaalaha lagu xanto ayaa dadweynaha Somaliland siyaabo kala duwan uga hadleen, isla markaana dadweynuhu ka faaloonayeen, iyadoo ay iskugu jireen dad taageersan iyo kuwo naqdiyeyba.

 

Barkhad-ladiif M. Cumar, Hiiraan Online

barkhadladiif@hiiraan.com

Hargeysa, Somaliland

 

 

 

Communism or democracy?

Share this post


Link to post
Share on other sites

Mamulka Hargaisa, Burco and Berbera controls las canod as well. So why not call it mamulka Hargaisa, Burco, Berbera, Las canod, Erigavo, Borama and all your peoples little villages around east Sool. Its Sweet to keep you under my boot.

 

looool

Share this post


Link to post
Share on other sites

CidanSultan, they dont control Laascaanood. There is no separatist militia in Laascaanood. The brethren from Laascaanood and Buuhoodle are in disagreement,soon they will unite. The first sign of unity is made visible today when Laascaanood officials went to Puntland state.

When all of Laas Aanoodis wakes up and recognize their real enemy then on that day the separatist ethiopian loyalists will loose L.A.

Share this post


Link to post
Share on other sites

^^^^^ hahahahahahaa....

 

Saxib baaacaaaaacda iska daaa... Like i said to you before: Duriyada took on the entire somali speaking peoples including your defeated lot and kicked you back to the stone age when you had sub saharas largest army. Today as beggers and african palestinians do you think you have any chance in hell.

 

Give me 100,000 souls or i keep las canod as compensation.

Share this post


Link to post
Share on other sites

this is disappointing, ruunti. sad to see my favourite wariye, and Universal's Somaliland correspondent Sagal Mustafe Xasan Nuur's career prematurely destroyed.

 

wariye-sagal-mustafe-xasan-nuur.jpg

 

 

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this