Sign in to follow this  
malistar2012

Madaxweyne Xasan sheekh oo la Dar Daarmay Ciidamada Xooga Dalka

Recommended Posts

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo ay wehliyaan saraakiil ka tirsan ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya ayaa maanta kormeer howleed ku tagey xarunta Wasaaradda gaashandhiga ee Soomaaliya, islamarkaana soo indha indheeyay qeybaha ay ka koobantahay Wasaaradaasi isagoo kulaman la la qaatay saraakiisha sar sare ee Mileteriga Soomaaliya.

 

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo kormeerkiisan ugu kuurgalayay xaaladda ciidanka xoogga dalka iyo qaabka ay u shaqeeyaan talisyadooda ayaa hadal u jeediyay saraakiisha iyo ciidamada uu la kulmay isagoo kula dardaarmay ciidamada mileteriga iney ku ka dhabeyaan waajibaadka ay Dabka u qaateen iyo hab la dhaqanka bulshada Soomaaliyeed, wuxuuna halkaasi salaan sharaf kaga qaatay cutubyo ka tirsan ciidamada xoogga dalka.

 

Madaxweynaha ayaa u sheegay dhinaca kale saraakiisha xoogga dalka inay Ciidanka ku hogaamiyaan waddada saxda ah, si meesha looga saaro heeryada argagaxisada weli ku harsan goobo cayiman, isagoo tilmaamay in dowladdu ay dadaal dheer u geli doonto sidii ay ciidamadu u heli lahaayeen xuquuqdooda.

 

Mudane Xasan Sheekh ayaa kulankiisa kadib waxa uu soo kormeeray qaybaha ay ka koobtantahay, wasaaradda Gaashaandhigga isagoo halkaasi warbixinno uga dhageystay qaar ka mid ah saraakiisha ciidamada xoogga dalka, waxeyna saraakiishu soo bandhigeen gaadiid dagaal oo dowladda loogu deeqay, kuwaasi oo ay ku howlgeli doonaan ciidamada XDS.

 

 

IMG_2248.jpg

 

 

IMG_2253.jpg

 

IMG_2256.jpg

 

IMG_2280.jpg

 

IMG_2283.jpg

 

 

IMG_2290.jpg

 

IMG_2302.jpg

 

IMG_2303.jpg

 

 

IMG_2339.jpg

 

 

IMG_2313.jpg

Share this post


Link to post
Share on other sites

Mad_Mullah;992106 wrote:
Refreshing to see pics without Africans.

Everyone in the pictures is African, but I detect an "African" next to the big armored trucks.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this