Sign in to follow this  
malistar2012

MADAXWEYNAHA SOOMAALIYA: “Dagaallo Beeleed uma Dul-qaadanayno Qas-wadayaashana Tallaabo adag ayaa la

Recommended Posts

fiqi-shabele_4.jpg

 

 

 

Wasiirka Gaashaandhiga dowladda Soomaaliya C/xakiin Maxamuud Xaaji Fiqi oo hogaaminayay wafdi ka koobnaa Xildhibaano iyo odayaal dhaqameedyo oo howlo dhex dhexaadin u tagay deegaanada Gobolka Shabellaha Hoose ayaa sheegay inay ku guuleysteen inay qaadaan dhamaan jidgooyooyinkii yaalay gobolkaas.

 

C/xakiin Fiqi ayaa sheegay in dhamaan maleeshiyaadkii dagaalamay ay kala qaadeen, isla markaana ay dhigeen deegaanada lagu dagaalamay Ciidamo isugu jira Milateri iyo AMISOM, si ay ammaanka u xaqiijiyaan.

 

"Dhamaan Jidgooyooyinkii yiil Shabeelaha Hoose waa qaadnay, maleeshiyaadkii is hor fadhiyay waxaa ku xareynay xerooyin ciidamada milateriga ku leeyihiin Shabeelaha Hoose si loo qarameeyo"ayuu yiri C/xakiin Fiqi.

 

Wafdiga uu hogaaminayay Wasiirka Gaashaandhiga oo kormeero ku tagay deegaanka Nambar 50 iyo degmada Janaale oo ahaa deegaanadii lagu dagaalamay ayaa sheegay in safarkooda uu guul ku soo dhamaaday.

 

Sidoo kale Gudoomiyaha Gobolka Shabeelaha Hoose C/qaadir Maxamed Nuur (Siidii) ayaa soo dhoweeyay guulaha uu gaaray wafdiga dowladda u dirtay xalinta dagaal beeleedyadii ka dhacay Shabeelaha Hoose, isagoo si gaar ah Madaxweynaha ugu amaanay inuu isku xil saaray joojinta dhiiga daadanayay.

 

Xildhibaan Cumar Finish oo ka mid ahaa Xildhibaanada xubnaha ka ahaa wafdiga ayaa sheegay in safarkooda uu ahaa mid xal nabadeed, isla markaana dhinacyadii dagaalamay ay kala dhex dhigeen heshiis xabad joojin iyo in si nabad lagu wada noolaado.

 

Dowladda Soomaaliya ayaa dadaal ugu jirtay xalinta dagaal beeleedyada mudooyinkii u dambeeyay ka dhacayay deegaano ka tirsan Gobolka Shabeelaha Hoose, kaasoo ay ku dhinteen dad fara badan.

Share this post


Link to post
Share on other sites

in Hiiraan

 

"Ciidamadani la geeyay Kabxanleey, oo 28 Km u jirta Beledweyne, ayaa waxa ay ka danbeyeen markii dhawaan Wafdi ka socda DFS uu Heshiis hor dhac ah kala dhaxdhigay Beelihii halkaasi ku dagaalamay.

 

Taliska Ciidamada Booliska AMISOM ee Gobolka Hiiraan,ayaa sheegay in Tallaabadan ay qayb ka tahay Dadaalka loogu jiro Dejinta Xiisadaha Colaadeed ee ka jira Gobolka Hiiraan oo u dhaxeeya Labo Beelood oo wada dega Deegaanka Kabxanleey.

 

Wadahadallo ay Dowladda Soomaaliya garwadeen ka tahay, ayaa ka socda Magaalada Beledweyne,iyadoo halkaasi ay ku suganyihiin Odayaal matalaya Beelaha uu Dagaalka u dhaxeeyo.

 

Colaadda Deegaanka Kabxanleey oo Salka ku hayso Muran dhanka Lahaanshaha Dhulka ah, ayaa noqotay mid Xalkeeda uu dab dheeraaday kadib markii Heshiisyo badan oo horay loo gaaray ay dhaqangeli waayeen, waxaana ay taasi keentay in markale uu Dhiig daato."

 

35.jpg

 

 

Congrats to the SFG and SNA for stopping the inter clan bloodshed in Parts of Hiiraan - Shabeelaha Hoose and Shabeelaha dhex created by alshabaab and Nabadiids . The Next Phase for The SFG should be disarming all clan militias Inshallah .

Share this post


Link to post
Share on other sites
YoniZ   

Weli ma maqashay oraahda Soomaaliyeed ee ah "Millil dushii lama dhayo".

 

Xaaladan waxay u egtahay noocaas.

 

Anigaa kaa Guulwadeysnaan doona hadii uu madaxweynaha ku dhiirado in arimahan oo kale sida saxda ah loo daweeyo.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this