Sign in to follow this  
Dalmar1

M/weynaha Qaybdiid iyo wafti Maraykankan ah hogaaminayo ayaa booqday xirada Daraawiish ee Indhaqaris

Recommended Posts

Dalmar1   

The actual story of whats happening on the grounds in GALMUDUG .

 

 

M/weynaha dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee Galmudug General Cabdi Qaybdiid iyo wafti Maraykankan ah oo hogaaminayo ayaa booqday xirada Daraawiishta ee Indhaqaris.

 

Waftigan oo ka socday dalka Maraykanka ayaa waxa ay ahaayeen quburo dhanka ciidanka oo ujeedadoodu ahayd inay kormeeraan ciidamada gaashaman ee Daraawiishta Galmudug, Ciidankan ayuu tababar oga socdaa xirada Indhaqaris oo qiyaastii inka badan 45km u jirta magalada Galkacyo

 

Wasiirka arimaha gudaha iyo amniga Mudane Ahmed Baasto ayaa ka warbixiyay xaalada ciidanka Isagoo sheegay in ay wali tababar kujiraan hadana uu waqti yari u dhimanyahay, Ciidamadan oo ah kuwa gaashaamay ayaa loogu talagalay inay difaacaan deegaanka Galmudug' Taliyaha ciidamada daraawiishta Col. Xasan Timaweyne ayaa isna dhankiisa ka warbixiyay xaalada ciidanka waxa uuna sheegay inay wali jiraan ciidamo cusub oo dhawaan soo gaaray xirada loona bilaabay tababar isagoo intaasi kudaray in gaadiidka ciidanku ay diyaarsanyihiin, qaar kalena ay shaqo kusocoto.

 

Ugu dambayntii madaxweynaha dowlad goboleedka Galmudug General Cabdi Xasan Cawale ayaa halkaasi ka hadlay ogana mahadceliyay taliska ciidanka shaqada wanaagsan ee ay qabteen, Waxaana lainka doonayaa howl hufan ayuu kusoo gabagabeeyay hadalkiisii.

 

 

indhaqaris1.jpg

 

indhaqaris2.jpg

 

indhaqaris3.jpg

 

indhaqaris4.jpg

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this