Sign in to follow this  
malistar2012

Hiiraan Administration troops attack on Alshabaab bases the end of alshabab in Hiiraan

Recommended Posts

Axad, November 24, 2013 (HOL) — Taliyaha ciidamada Jabuuti Col. Cismaan Dubad ayaa faah faahin dheeraad ah ka bixiyay howlgal saacadihii hore ee maanta ay ka bilaabeen ciidamada dowladda, AMISOM iyo kuwa Itoobiya saldhigyada Al-shabaab ee gobolka Hiiraan.

 

Taliyaha ayaa sheegay in ciidamada saakay ku baxeen labo jiho oo kala ah sida uu hadalka u dhigay Bariga iyo Galbeedka magaalada Beledweyne, iyaga oo gaaray ayuu yiri saldhiyo ay lahaayeen Al-shabaab.

 

‘’Ciidamada saakay waxaa ay u dhaqaaqeen labo jiho iyaga oo ujeedadoodu tahay in ay ku beegsadaan Al-shabaab saldhigyada ay kaga sugan yihiin gobolka Hiiraan, xiligan ciidamada waxaa ay ku sugan yihiin dhinaca Galbeedka deegaannka lagu magacaabo Raan-gaabo oo ka mid ahaa saldhigyada Al-shabaab, dhinaca Bari ciidamada waxaa ay sii dhaafeen deegaannka Baar-dheere,’’ ayuu yiri taliyaha ciidamada Jabuuti ee howlgalka AMISOM.

 

Col. Cismaan Dubad ayaa sheegay in howlgalkan uu noqon doono mid bilow ah u ah qorshe la doonayo in guud ahaanba gobolka looga saaro Al-shabaab, isaga oo intaa ku darray in ilaa iyo hadda aysan jirin wax iska cabin ah oo ay la kulmeen ciidamada.

 

‘’Intii uu howlgalku socday saacadihii aynu soo dhaafnay wax iska caabin ah lama aysan kulmin ciidamada, meel kasta oo ay tagaan waa ay ka sii firxannayeen koooxaha nabad-diidka [Al-shabaab] ayuu intaa raaciyay taliyaha ciidamada Jabuuti.

 

Dadka ku dhaqan magaalada Beledweyne ayaa saakay waabarigii hore ku Idha-qaaday ciidamo ku hubeysan gadiidka dagaalka kuwoodii ugu badnaa oo u ruqaansaday saldhigyada Al-shabaab kadib Labo weerar Ismiidaamin ah oo bil gudaheed ka dhacay magaalada Beledweyne.

 

Taliyaha ma uusan sheegin in ciidamada saakay ka dhaq-dhaqaaqay magaalada Beledweyne ku wajahan yihiin degmada Buula-burte, hasse ahaatee waxaa uu sheegay in uu bilow u yahay howlgalkan qorshe la doonayo in lagu gaaro dhamaan deegaannada ku jira gacanta Al-shabaab.

 

Ilaa iyo hadda ma jiro faah faahin dheeraad ah oo ay warbaahinta siiyeen saraakiisha ciidamada dowladda ee maamulka gobolka Hiiraan ee qeybta ka ah howlgalka ka dhan-ka ah saldhigyada Al-shabaab ee gobolka Hiiraan.

Share this post


Link to post
Share on other sites

gudoomiye%20laqaanyo%20oo%20tuute%20xert

 

 

BREAKING NEWS..... WARARKII UGU DAMBEEYAY EE LAGA HELAAYO GOBOL WEYNAHA HIIRAAN AYAA SHEEGAYAA IN MAANTA CIIDAMADA MAAMULKA GOBOLKA HIIRAAN OO TIRO AHAAN GAARAYAY ILAA 6 KUN OO UU HOGAAMINAAYAY MADAXWEYNAHA MAAMUL GOBOLEEDKA HIIRAAN COL. LAQANYO. INEEY U DHAQAAQEEN DHANKA DEGMADA BUULABARDE . WARARKII UGU DAMBEEYAY AYAA SHEEGAYA IN CIIDAMADA MAAMULKA GOBOLKA HIIRAAN AAY DHAAFEEN DEEGAANKA GARAS YAANI OO AH DHUL BUURALEEY AH OO KEYN AH. IYAGOO CIIDAMADA AAY LUGEEYNAYAAN AYAY MAREEN JIINKA WABIGA

 

MADAXA MAAMUL GOBOLEEDKA HIIRAAN COL. CABDI FAARAX LAQANYO AYAA ISAGOO TUUTAHA CIIDANKA QARANKA WATO WAXAA UU SHIR JARAAID KU QABTAY DEEGAANKA LUUQ JEELOOW OO KA TIRSAN GOBOLKA HIIRAAN. WAXAA UUNA COL. LAQANYO SHEEGAY SAACADAHA NAGU SOO AADAN IN GUUD AHAAN GOBOLKA HIIRAAN LAGA CIRIB TIRAAYO CANAASIIRTA ALQAACIDA ALSHABAAB EE KUSOO GAR ******AY GOBOL WEYNAHA HIIRAAN IYO GUUD AHAAN DAL WEYNAHA SOMALIA.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Alshabaab are now hiding among small tribes in rural areas , taken advantaged from clan animosities that exist in Somalia especially in the south . SFG Troops so far in the last couple month defeated ashabaab in Mahaday district of Gobolka Sh/ Dhex and now Sh /dhex is complete clean of alshabaab,

 

Jalalaqsi iyo Buula Burte ee Gobolka Hiiraan are the last remaining districts held by Alshabaab in Hiiraan this will end this week inshallah.

 

Abuu%20Waraf%2017.png

 

Congrats to the SFG and Hiiraan admin its time to Pacify Alshabaab terrorist from the rural area of Somalia

Share this post


Link to post
Share on other sites

Ciidamad Isbahaysanaya oo fariisimo Ciidan ka Sameystay inta u dhexeysa Magaalooyinka Baladweyne iyo Buulo-burte

Isniin, November 25, 2013 (HOL)

 

— Ciidamada isbahaysanaya ee ku sugan gobolka Hiiraan ayaa fariisimo ciidan ka sameystay inta u dhexeysa Buulo-burte iyo magaalada Balaweyne, iyagoo qorsheynaya inay la wareegaan degmada Buulo-burte oo ay ka taliso Al-shabaab.

 

Dhaqdhaqaaqyadii ay shalay ciidamadan billaabeen ay kul wareegeen dhowr deegaan oo ka tirsan gobolka Hiiraan, halkaasoo ay horay ugu sugnaayeen Al-shabaab, iyadoo ciidamadu ay horay u sii socdeen saakay oo Isniin ah.

 

Saraakiisha hoggaaminaya ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa sheegaya in qorshahooda yahay sidii Al-Shabaab ay uga saari lahaayeen deegaanada ay kaga sugan yihiin gobolka Hiiraan.

 

Howl-galkan ayaa yimid kaddib markii Al-Shabaab weerarro dhowr ah ka geysteen degmada Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan, kuwaasoo ay ku dhinteen dad badan oo isugu jiray ciidammo iyo shacab.

 

“Qorshahan waa mid billow ah oo lagu doonayo in gobolka oo dhan looga saaro Al-shabaab, wuuna soconayaa inta ay taasi suuro-galayso,” ayuu ku yiri hadal uu warbaahinta siiyay taliyaha ciidamada Jabuuti ee qaybta ka ah AMISOM, Col. Cismaan Dubad.

 

Ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM ee Jabuuti ka socda ayaa waxay ku baxeen shalay dhinaca galbeed ee magaalada Baladweyne iyagoo fariisimo ka sameystay deegaanno ka durugsan Baladweyne, halka kuwa Itoobiya oo kusoo dhaqaaqay dhinaca bari ay iyaguna fariisimo ka sameysteen jidka isku xira Baladweyne iyo Buulo-burde.

 

Holwgalkan ayaa noqonaya kii ugu horreeyay oo ciidamada dowladda iyo kuwa gacanta siinaya ay ka sameeyaan gobolka Hiiraan, balse lama oga sida xaalku noqon doono iyadoo Al-shabaabna ay diyaargarow xooggan ku jirto.

 

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online

maxuseen@hiiraan.com

Muqdisho, Soomaaliya

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this