Sign in to follow this  
malistar2012

Shirweynaha dib u Heshiisiinta Gobollada Jubbooyinka oo la filayo in maanta gellinka dambe uu ka fur

Recommended Posts

dakada34.jpg

 

 

 

Sabti, November 02, 2013 (HOL) — Shirweynaha dib u heshiisiinta gobollada Jubbooyinka ayaa lagu wadaa inuu maanta gellinka dambe ka furmo xarunta Soomaaliya ee Muqdisho, kaasoo la sheegay in looga hadlayo sidii dhismaha maamulka KMG ah ee Jubba loo dhameystiri lahaa.

 

Furitaanka shirweynahan ayaa waxaa kasoo qaybgalay ergooyin caalamka ka kala imaanaya, iyadoo uu furi doono madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud. Iyadoo la sheegay in shirkan uu qayb ka yahay heshiis ay dowladda Soomaaliya iyo maamulka Jubba ku kala saxiixdeen magaalada Addis Ababa ee xarunta dalka Itoobiya bishii Ogoosto ee sannadkan.

 

Ergooyinka shirkan ka qaybgalaya ayaa la filayaa in intooda badan maanta laga keeno gobollada Jubbooyinka, iyadoo qodobbada shirkan looga hadlayo ay ka mid yihiin sidii loo dajin lahaa qariidad ku saleysan howsha uu qaban doono maamulka KMG ah ee Jubba labada sano ee soo socota.

 

“Qodobbada shirkan diiradda lagu saari doono waxaa ka mid ah horumarinta iyo nabadeynta gobollada Jubbooyinka,” ayuu yiri Inj. C/raxmaan Yariisow oo ah afhayeenka madaxweynaha Soomaaliya.

 

Shirkan oo dhowr jeer dib u dhacay ayaa wuxuu kusoo beegmayaa xilligan kaddib markii uu madaxweynuhu tagay magaalada Kismaayo, halkaasoo uu kula soo kulmay hoggaamiyaha maamulka Jubba, Sheekh Axmed Madoobe oo horay u diidanaa ka qaybgalka shirkan.

 

Bishii Oktoobar ee lasoo dhaafay ayaa lagu waday inuu shirkan furmo, balse mad-madow soo dhexgalay dowladda iyo maamulka Jubba ayaa dib u dhaca ku keenay, taasoo uu madaxweynuhu sheegay in xal waara laga gaaray.

 

Shirkan ayaa wuxuu noqonayaa kii ugu horreeyay oo loo qabto shacabka ku nool Jubbooyinka, iyadoo laga doonayo ergooyinka inay ka hadlaan sidii ay uga qaybqaadan lahaayeen horumarka iyo nabadeynta gobolladooda.

 

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online

maxuseen@hiiraan.com

Muqdisho, Soomaaliya

Share this post


Link to post
Share on other sites

Madaxweynaha Maamulka Jubba iyo wafddigiisa oo galabta lagu soo dhaweeyay magaalada Muqdisho

 

digg icon delicious icon

Madaxweynaha Maamulka Jubba iyo wafddigiisa oo galabta lagu soo dhaweeyay magaalada Muqdisho

 

November 2, 2013 // user2 // Media News, News

Madaxweynaha Maamulka Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam iyo wafddi uu hogaaminaayo oo maanta magaalada Muqdisho u yimid ka qeyb galka shirka looga hadlaayyo arrimaha Jubbooyinka ee la filayo inuu berri ka furmo Muqdisho ayaa waxaa garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde ku soo dhaweeyay masuulyiin ka tirsan DFS.

 

 

 

Masuulyiin isugu jira Wasiiro, Xildhibaano iyo saraakiil ka tirsan dowladda ayaa wafddiga Madaxweynaha Jubbaland ku soo dhaweeyay garoonka Muqdisho, waxaana masuulyiintaasi laga xusi karaa, Wasiirka Gaashaandhiga XFS iyo xubno kale.

 

 

 

Madaxweynaha Jubbaland iyo wafddigiisa ayaa la dejiyay hoteelka Jaziira oo ah goobta uu ka dhici doono shirka looga hadlayo arrimaha Jubbooyinka.

 

w1z5.jpg

 

History is being made in Mogadishu as the city regains its respect hosting many successful National conferences. Congrats to the SFG for facilitating a reconciliation conference for the inhabits of the jubboyink and Gedo . No longer do Somalis need to travel to foreign Nations to reconcile.

Share this post


Link to post
Share on other sites

IMG_5412.jpg

 

well done by the SFG and Jubba Admin this should be lesson to come

 

 

Opening speeches where touching and strong commitment for sustainable peace and stability

 

" frameborder="0" allowfullscreen>

 

IMG_5380.jpg

 

IMG_5406.jpg

 

Waxa ay dad badan is weeydiinayeen in uu shirka qabsoomayo iyo in kale xili maamulka Jubba uu diidmo xooggan kala horyimid shirka Xamar.

 

Maanta ayuu ugu dambeyn qabsoomey kadib gorgortan siyaasadeed oo gacmaha hoos la’isaga dusiyey, waxaana arrimaha sii fududeeyey xaqiiqda ah in dadka ay ka daaleen xarig-jiidka faraha badnaa.

 

Markii uu maanta furmey shirka, waxaa dhacay buuq yar oo sabab u ahaa ninkii shirka xiriirinayay oo ka tagay magaca hogaamiyaha Jubba Axmed Madoobe markii uu sheegayay madaxda soo xaadirtey. Balse markiiba raaligalin ayaa durba laga bixiyey.

 

Mid ka mid ah beelaha caasimadda ayaa sheegey in ay shirka qaadaceen, inkasta oo aananba lagu casuumin, dowladana aysan u arkin in ay ka midyihiin dadka degga Jubbooyinka.

 

Shirka ayaa laga soo saari doonaa qodobo, islamarkaasina wadada loogu sii xaari doonaa shirka xiga ee Kismaayo ee maamulka lagu dhamaystirayo.

 

KismaayoNews.com

 

Share this post


Link to post
Share on other sites

IMG_5423.jpg

 

The Man of season as a Interior Minister its his job to reconcile the citizens and provide them stability so far his doing excellent work . He did a great work solving the Shabeellaha Hoose now jubba issue is being handled well by him .

 

 

Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Amniga Qaranka mudane Cabdikariin Xuseen Guuleed oo Guddoomiye u ah gudiga qaban qaabada shirka ayaa sheegay in shirkaan uu gogol xaar u yahay shirweynaha ka dhici doono magaalada Kismaayo kaas oo lagu gaari doono xal kama danabys ah.

 

“Waxaa aad ugu faraxsanahay inuu si habsami leh looga soo wada qayb galay shirkaan, wuxuuna shirkaan daba socdaa shirkii Addis-Ababa, wxuuna qayb yahay talaabooyinka la rabo in lagu dhameeyo mad-madowga ku dhexjira dadka Jubooyinka dega, waana muhiim in shirka uu ku bilowdo qalbi furnaan iyo in qof walba doonayo in xal la gaaro, arintaas kaliya ayaa ah mida ay ku imaan karto xal waara oo laga gaaro dhibaatooyinka soo noq noqday ee Jubooyinka” ayuu yiri wasiir Cabdikariin.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Hawdian   

Waarya kaagan Malistar la yidhaaho, Cambullo gaaley ,Falfira, iyo buun dadka shirka jooga ma loo sameyey. Falilfrey fuud aweso isku fuud meel fadheeso ..kadib maangoki aafgooye. bal xasusi helib geel. shirka khair ha noqdo.:). Mala yuum qiyama soo dhow wayo reer cambulow baa somali shiir dhib u heshisheen u sameynaya.

 

 

http://oodweynenews.com/2013/11/habar-gidir-oo-qaadacday-shirka-arimaha-jubbooyinka-ee-muqdisho-ka-furmay/

Share this post


Link to post
Share on other sites

Hawdian;984398 wrote:
Waarya kaagan Malistar la yidhaaho, Cambullo gaaley ,Falfira, iyo buun dadka shirka jooga ma loo sameyey. Falilfrey fuud aweso isku fuud meel fadheeso ..kadib maangoki aafgooye. bal xasusi helib geel. shirka khair ha noqdo.
:)
. Mala yuum qiyama soo dhow wayo reer cambulow baa somali shiir dhib u heshisheen u sameynaya.

 

 

Haddaa moodeysid cambuulo, galeey iyo bun wax la isku caayo, maangaabnimadaada ayaa dadka tusineysaa. Dhirtaan dhulkeena ayee ka baxaan iyagoo 'organic' ah, muruqeena ayaa lagu maalaa, xoogeena lagu kasbadaa, waana raashiin caafimaad badan, not the imported bariis iyo baasto aad moodid kuwa aad ku faanoysid. Laba jir walba iskaga hadlaayo meeshaan.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Hawdian   

@Miiskeenka - Anigu waxan soo jeedeyey taalo oo ah cuntadi reerka lagu yacqaney ha la sameyo shiirka taasi maha ceeb ee wa culture. Taas waan kaabaxey- Tan labaad xamar horta iyada ha lu sameyso dhib. u heshiseen oo dawalaHAG iyado maxkamada ha ee si saarto .Malistar propganda haa joojiyo. waayo Dowlada uu shegayo iyada ummadey xamar ku dhibeyso ha joojiso. X. Dahir awey, IndhaCade , kuwii Doctors without borders diiley iyo qaar kalo badan ha lageeno Maxkamada. Justice for all or qofkasto wuxu jacayl ha sameyo.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Haatu   

Hawdian;984398 wrote:
Waarya kaagan Malistar la yidhaaho, Cambullo gaaley ,Falfira, iyo buun dadka shirka jooga ma loo sameyey. Falilfrey fuud aweso isku fuud meel fadheeso ..kadib maangoki aafgooye. bal xasusi helib geel. shirka khair ha noqdo.
:)
. Mala yuum qiyama soo dhow wayo reer cambulow baa somali shiir dhib u heshisheen u sameynaya.

 

 

May God protect us from the Galguduud lot. Dadkan qalalaaso jeclaa. Wasn't 20 years enough for them?

Share this post


Link to post
Share on other sites

National-unity-mural.-Mogadishu-2013-290

 

Shirka Dib U Heshiisiinta Shacabka Jubbooyinka Oo Maalintii Labaad Ka Socda Muqdisho

 

 

Maalintii Labaad ayaa magaalada Muqdisho waxaa ka soconaya shirweynaha dib u heshiisiinta shacabka Jubbooyinka, iyadoo ajandaha looga hadlayo maantana uu yahay turxaan bixinta hishiiskii Adis’ababa iyo doodo loo qabanayo ergooyinka.

 

Shirweynaha nabadeynta shacabka Jubbooyinka oo shalay ka furmay Muqdisho ayaa maalintii Labaad ka soconaya Muqdisho waxaana ajandaha shirka ee maanta uu yahay in ergada shirka ka qeybgaleysa loo turxaan bixiyo loona faahfaahiyo heshiiskii Adis’ababa ay ku kala saxiixdeen dowlada iyo maamulka KMG ah ee Jubba.

 

Shirka ayaa waxa shir gudoominaya wasiirka arrimaha gudaha iyo amniga Qaranka ahna gudoomiyaha guddiga qaban qaabada shirka C/kariin Xuseen Guuleed wuxuuna sheegay in qeybta hore ee shirka ergada loogu faahfaahin doono heshiiskii Adis’ababa Ajandaha labaad ee shirkana uu noqon doono doodo loo qabanayo ergada ka qeybgeleysa shirka.

 

Shirka ayaa waxaa shalay furay R/wasaaraha Federaalka Soomaaliya, Cabdi Faarax Shirdoon waxaana ka qeybgalaya boqolaal ergo ah oo ka kala socota deegaannada Jubbooyinka, waxaana ay dad badani quud dareynaynayaan iney ka soo baxaan go’aanno wax ku ool ah oo shacanka Jubbooyinka u herseeda nabad iyo horumar.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Saalax   

Hawdian;984398 wrote:
Waarya kaagan Malistar la yidhaaho, Cambullo gaaley ,Falfira, iyo buun dadka shirka jooga ma loo sameyey. Falilfrey fuud aweso isku fuud meel fadheeso ..kadib maangoki aafgooye. bal xasusi helib geel. shirka khair ha noqdo.
:)
. Mala yuum qiyama soo dhow wayo reer cambulow baa somali shiir dhib u heshisheen u sameynaya.

 

 

 

 

:D

 

Contradicting.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this