Sign in to follow this  
Dr_Osman

Belgium - Save Somalia From Clannish President. Demonstate Against The Hate.

Recommended Posts

Dr_Osman   

Mudaaharaad Culusoow looga soo horjeedo oo Biljam ka dhacaya (Fadlan ka soo qeyb-gala Soomaalida Yurub iyo Biljam degan Mudaaharaadka)

 

Written by Administrator

Saturday, 07 September 2013 14:56

 

Mudaharaadka Ujeedada ku qoran waxaa ka soo qaybgelayaan Ummada Somaliyeed ee ka soo hor jeeda xadgudbyada Madaxda Dawlada Fedaraalku ku hayaan habsami u socodka dib u heshiisiinta Ummada Somaliyeed oo ay ugu weyntahay Dastuurkii Umadda Somaliyeed oo is bedel aan sharci ahayn lagu sameeyey, waxaa iyaguna mudaharaadka ka qayb qaadanaya Ummada walaalaha ah ee reer Jabuti oo iyaguna ka cabanaya Xadgudubka Madaxda Jabuuti ku hayaan arimaha Somaliya iyo dhibka ay isla wadankooda ku hayaanba oo gaaray heer aan la qiyaasikarin.

 

 

WUXUUNA U DHACAYAA SIDAN HOOSE

 

* Wuxuu dhacayaa ............................ 16/09/2013

* Saacada isu imaatinka.................... 11am

* Sacada socodku bilaabanayo ................ 11.30am

*Saacada Mudaharaadku joogsanayo...... 13.3pm

 

*Wuxuu ka dhacayaa .....PLACE POELAERT 1000 BRUSSELS

 

*UMMADA HALKAAN KU CASUUMAN WAXAAN KA CODSANAYNAA IN AY WAQTIGA ILAALIYAAN ARINTU U NOQOTO MID MIRIHII LAGA RABEY DHASHA.

*SHBAKADAHA WARARKA WAXAAN KA CODSANAYNAA IN AY BAAHIYAAN MUDAHARAADKAN.

 

qofkii Su'aal qaba hala soo xiriiro Xafiiska Gudiga qabanqaabada

 

TEL.0032488282351 iyo 32484593825

Shacabkamedia-Beyra-Puntland

Runta Kama-Xıshoono

Email:Shacabkamedia@live.com

 

mudaaharaad.jpg

banan-bax2.jpg

banaanbax33.jpg

Share this post


Link to post
Share on other sites
Dr_Osman   

I urge all somalis in europe to participate in the protest, the more people there the better chance someone will listen. It's important you do your bit for your nation and save it from going back to 1991 civil war with this clannist nut job we have as a president.

 

Get in there adeer

banan-bax2.jpg

Share this post


Link to post
Share on other sites
Carafaat   

Dottore, ina madaxweynaha wadan ajanabi lagaga mudaraahado waa ceeb. Dhinaca kale HAG ayaa waxan biloowday, marka layaab malaha ina lagu deydo.

 

 

tarzan-300x213.png

Share this post


Link to post
Share on other sites

XILDHIBAANAD SAADO CALI: "Waa Been Wararka Sheegaya in aan doonayo inaan iska casilo Xubinnimadayda Baarlamaanka"

 

Sabti, September 07, 2013 (HOL) — Iyadoo dhowaan qaar kamid ah shabakadaha wararka ee Soomaalidu ay Internetka ku baahiyeen, warar sheegaya in Saado Cali Warsame oo kamid ah xildhibaannada baarlamaanka federaalka ee Soomaaliya ay xilkaas iska casili doonto, ayaa waxaa arintaas ka jawaabey xildhibaanadda oo la hadashay qaar kamid ah war-baahitna maxalliga ah ee Puntalnd.

 

Xildhibaan Saado Cali ayaa sheegtay in warkaasi uu yahay mid been abuur ah oo aysan waxba ka jirin, islamarkaana ay baahiyeen dad ay ku tilmaantay warxumo tashiil jecel in ay mas'uuliyiinta dowladda ku been abuurtaan.

 

Dad aysan magacaabin oo ay sheegtay in ay xilalkooda gudan waayeen, kana xun yihiin firfircoonida iyo shaqada qaar ay iyadu kamid tahay ayey ku eedaysay in ay warkaas faafiyeen.

 

"Soomaalidu waxaas ayaa la yiri uun bay taqaan, waxa halkaas ina dhigeyna waa iyada. Xamar baan joogaa waajibgeyga qaran ayaanna gudanayaa. Qofka warkaas yiri waa mid shaqadiisii gabay oo dadka kale ee waajibkooda gudanaya kasoo horjeeda" xildhibaan Saado ayaa tiri iyadoo hadalkeeda raacisay: "qof wax uusan hubin ku hadlay anigana wax ima yeelin shacabkana wax yeelin, isag uun baa isyeelay".

 

Ugu dambeyntii waxay Saado Cali Warsame ugu baaqday shacabka Soomaaliyeed in ay gacamaha is qabsadaan, oo ay ka tanaasulaan qabyaaladda, meelna uga soow wada jeestaan cid kasta oo qarannimada iyo midnimadooda liddi ku ah.

Dadka reer Puntland oo ay xustay in ay yihiin kuwo mar walba u heellan sidii ay Soomaaliya mar kale ugu noqon lahay qaran jira, dadaal badanna ku bixiyey sidii dowladda xilligan jirta loo dhisi lahaa, ayey u dirtay baaq ah in howsha ay halkaas kasii wadaan, dadaalkoodana ay sii laba jibbaaraan.

Saado Cali Warsame oo kamid ah hobolladda ugu magaca dheer kuwa Soomaalida, waxay muddooyinkii u dambeeyey ka dhex muuqatey saaxada siyaasadda ee dalka, kaddib markii ay xubin ka noqotay baarlamaanka cusub ee Soomaaliya ee la dhaariyey bishii August ee sanadkii 2012.

 

Maxamed Salaad Xaaji Dirir, Hiiraan Online

xaajidirir@hiiraan.com

Boosaaso, Puntland

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this