Sign in to follow this  
Carafaat

Xoosh: Dasuurta Sadex Qodob baa laga bedalay oo la ogaa, Faroole hada arrimo kale baa heysta

Recommended Posts

Carafaat   

Cabdiraxmaan Xoosh Jibriil oo ahaa Wasiirkii Dastuurka ee Federaalka Kumeelgaarka ah ee qaabilsanaa arrimaha Dastuurka ee dowladii hore ee soo diyaarisay dastuurka Federaalka ayaa ka hadlay eedaynta Madaxweynaha Puntland Cabdiraxmaan Faroole ku eedeeyey in la bedalay 24 qodob oo kamid ah Dastuurka.

 

Qodobada uu Baarlamaankii hore ee Kumeelgaarka wax ka bedalay ayaa la sheegaa inay ku jiraa qodobada:

 

1-Dhismaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka

2- Mudada Xilka Madaxweynaha

3- in dib loo eego Caasimada Soomaaliya

 

Wasiirkii hore ee Dastuurka ayaa sheegay in wax laga bedalay sadex qodob oo la xariira Dastuurka midka ugu muhiimsan uu yahay qodobka Baarlamaanka golayaashiisa, oo ah Aqalka sare iyo Aqalka Hoose.

 

Aqalka Sare (Senatorada) waxaa soo dooranaya Maamul gobaleedyada ee Federaalka, waxaana dastuurka ku qornaa in Madaxweynaha ay dooranayaan labada Aqal ee Baarlamaanka ee kan sare iyo kan Hoose.

 

Arrintaas buu yiri baa keentay in qodobkaas laga saaro maadaama hadii aan saas la yeelin aan la qaban karin doorashadii Madaxweynaha iyo waliba in Dowlada ay ka baxdo Kumeelgaar- nimada.

 

Dhamaan qodobadan ayuu sheegay in la ogaa xiligii wax laga bedalay oo ay joogtay dowladii hore ee Shiikh Shariif Axmed iyo Prof.Cabdiweli Gaas, qodobadaasina dib loogu dhigay inta lasoo dhisayo Dowlad gobaleedyada maadaama ay dood ka imaan karto mustaqbalka.

 

Wasiirkii hore ayaa meesha ka saaray in ay jiraan qodobo kale oo Dastuurka laga saaray wuxuuna xusay in Madaxweynaha Puntland Cabdiraxmaan Faroole uu hada doodan keenay xili ay heystaan culeys siyaasadeed oo ka jira gudaha Puntland, isla markaana doonayo inuu arrintan u weeciyo dhinaca Federaalka.

 

Dhageyso Wareysigii oo dhameystiran:

 

http://horseedmedia.net/2013/08/07/xoosh-dasuurta-sadex-qodob-baa-laga-bedalay-oo-la-ogaa-faroole-hada-arrimo-kale-baa-heysta-dhageyso/

Share this post


Link to post
Share on other sites
Samafal   

Xoosh is a lawyer and as such he should refute in writing and respond to the following points raised by Faroole point by point as he would before court of law:

 

Faroole has penned down these articles as the ones that have been fiddled with. As of today I haven't seen any one refuting them and bringing any counter urgument in writing as he did:

 

Qodobada laga Bedelay Nuqulkii Dastuurka ee Rasmiga (Provisional Federal

Constitution of Somalia, signed in Nairobi on June 22, 2012) Waxaa diyaariyay

Dowladda Puntland, March 9, 2013

1. Qodobka 9,aad, ee ka hadlaya Magaalo madaxda qaranka, waxaa lagu kordhiyey

(Magaalo madaxda Jamhuuriyada Soomaaliya waa mugdisho), halka nuqulkii lagu

heshiiyey dhigayo,( maqaamka magaalo madaxda federaalka soomaalia waxaa go’aan

laga gaari doonaa dib u eegista dastuurka)

2. Qodobka 16-aad cinwaanku wuxuu u qoranaa sidatan: ”Xorriyadda abuuridda iyo ka

mid noqoshada Ururrada”, waxaana loo bedeley: Xorriyadda ka mid noqoshada.

3. Qodobka 26,aad, ee ka hadlaya hantida. Waxaa laga saaray faqrada sadexaad ee

nuqulkii rasmiga, ahaa, taasoo u qoran sidan: 3. faqrada 1, iyo 2, ee qodobkan

laguma dhaqayo arrimaha ku xusan qodobka 49,aad,

4. Qodobka 44aad ee ka hadlaya dhulka, hantida iyo deegaanka. Ee nuqulkii rasmiga

ahaa wuxuu ka koobnaa 6 faqradood, ama prograph, waxaa laga tirtiray faqrada 5,aad,

oo u dhigan sidan: 5, kala qeexida awoodaha dawlada federaalka iyo dowladaha

xubinta ka ah dowlad federaalka ee la xiriira maamulka iyo maaraynta waxay ku

tilmaaman yihiin lifaaqa,

5. Qodobka 49aad: faqradda koowaad xarafka (b) waxay u qorneyd sidatan: ”Heerka

dawladaha xubinta ka ah dawladda Federaalka oo ay hoos imaanayaan Dawladaha

degaanka”, waxaa loo beddeley sidatan: Heerka Dawladaha xubinta ka ah Dawladda

federaalka waxaa ka kooban tahay xukuumaddu ka tirsan Dawladda Federaalka

iyo Dawladaha Hoose.

6. Qodobka 50aad ee ka hadlaya, tirada iyo xuduudaha dowladaha xubinta ka ah

dowlada federalka, faqradiisa 5,aad oo u dhigan sidan: 5, xuduudaha dowladaha

xubinta ka ah dowlada federaalka waxay ku salaysnaan doonaan xuduudihii gobolada

ee jiray 1990-kii, (waxaa loo bedelay 1991’kii).

7. Qodobka 52-aad, faqradda 5-aad, xarafka (b) waxaa lagu kordhiyey ereyga hay-ado.

8. Qodobka 55aad ee nuqulka rasmiga kana hadlaya Kala qaybinta Awoodaha, waxaa

lagu siyaadiyey ( oo ay awooddeeda iyo mas’uuliyaddeeda yeelaneyso Xukuumada

Federaalka).

9. Qodobka 69aad. Nuqulka rasmiga ah ee dastuurka, kana hadlaya, Xeer-hoosaadka

Golaha shacabka, faqradiisa 4,aad, waxay u qoran tahay sidan: 4. Mashruuc sharci oo

Goluhu diiday dib looguma soo celin karo Golaha ilaa ay ka soo wareegto lix-bilood

maalinta Goluhu diiday,(waxaa loo bedelay 30,maalmood).

10. Qodobka 72aad ee ka hadlaya Aqalka Sare , waxaa laga saaray ama laga tirtiray

faqrada u danbaysa xarafka (J), in ay gutaan waajibaadka kale ee dastuurku ku farad

yeelayo si loo sugo in dastuurku si habsami ah u hirgalo.

2

of

4

11. Qodobka 76-aad faqradda 4-aad waxay u qorneyd sidatan: ”Mashruuc sharci oo

Goluhu diidey dib looguma soo celin karo Golaha ilaa ay soo wareegto lix bilood

maalinta Goluhu diidey”. Waxaa lagu beddeley sidatan: ilaa ay soo wareegto 30

(soddon) maalmood.

12. Qodobka 80-aad, faqradda 1-aad xarafka (b) oo u qornaa sidatan: ”Qoridda iyo soo

jeedinta”, waxaa loo habeeyey sidatan: Qoridda iyo diyaarinta sharci qabyo ah oo

cusub oo aan la xiriirin miisaaniyad sanadeedda.

13. Qodobka 81aad ee ka hadlaya Curinta Sharciyada, waxaa lagu siyaadiyey ama lagu

daray faqrad cusub, oo aan horey ugu jirin nuqulka rasmiga ah ee dastuurka. Oo ka

kooban A iyo B, una dhigan sidan: 2. Sharciyada qabyada ah waxaa Golaha sare e

barlamaanka federaalka ah u soo bandhigi kara( A) ugu yaraan hal wakiil oo ka

socda dowladaha xubinta ka ah federaalka ama (B) Guddi kasta oo ka mid ah aqalka

sare ee barlamaanka federaalka ah.

14. Qodobka 82-aad, faqradda 3-aad oo u qorneyd sidatan: ”In la helo qodob saamaxa

iswaafajin iyo isu soo jiidka labada Aqal, haddii aan wax heshiis ihi dhicin”. Waxaa loo

beddeley sidan: Haddii labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka ah uu dhex

yimaado khilaaf ku saabsan sharci qabyo ah, mid kastaa oo ka mid ah labada

Aqal ayaa guddi wadajir ah oo ka kooban labada Aqal ugu baaqi kara in uu isku

dayo in uu xalliyo khilaafaadka iyo in uu labada Aqal u soo jeediyo sharci qabyo

ah oo la iswaafajiyey iyada oo laga duulayo iskaashiga dawladaha ee ay

dhigayaan Qodobbada 51-aa iyo 52-aad.

15. Qodobka 89-aad, faqradda koowaad oo u qorneyd sidatan: ”Madaxweynaha

Jamhuuriyadda Federaalka waa in ay doortaan labada Gole ee Baarlamaanka oo wada

fadhiya”. Waxaa lagu kordhiyey: Waxaa guddoominaya fadhiga Guddoomiyaha

Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka ah.

16. Qodobka 91aad ee ku saabsan Muddada xil-haynta Madaxweynaha Federaalka

Somaalia, waxaa ku qornaa Madaxweynaha federaalku wuxuu xilka haynayaa muddo

shan (5) sano, (waxaana loo bedelay 4 (afar) sano)

17. Qodobka 109-aad, faqradda 5-aad xarafka (h) oo u qoran sidan: ”Xubnaha Guddiga

Adeegga garsoorka waxay shaqeynayaan muddo dhan afar (4) sano oo la

cusbooneysiin karo hal xilli”. Waxaa laga dhigey xilhaynta shan (5) sanno (eeg

qodobka 109 (A) faqradda 4-aad ee dastuurka lagu beddeley kan asalka ah).

18. Waxaa kaloo lagu kordhiyay Qodobka 109-aad (qodobbo kale oo loo bixiyey qodobka

109B iyo qodobka 109C oo ka hadlaya aasaaska iyo awoodda maxkamad dastuuri ah.

Qobaddaas oo wadajirkooda ka kooban labo bog iyo bar kuma qorna Dastuurka asalka

ah, eeg bogga 65-aad ilaa bogga 67-aad ee dastuurka lagu beddeley kan asalka ah).

19. Qodobka 111-aad (J), faqradda 3-aad xarafka (b) oo ku saabsan guddiga Is-cafiska

iyo dib-u-heshiisiinta, waxaa laga tegey qaybtan: ”wuxuuna ku shaqeynayaa dhinaca

shaqo ka fariisinta shuruudo iyo nidaam la mid ah kan Garsooraha shaqada lagaga

qaado ama fariisiyo oo mar keliya ah, taas oo ah mid la mid ah muddo xileedka xubin

3

of

4

ka tirsan Maxkamadda Sare, sida lagu xusey ……….. ee ku saabsan sababaha iyo

habraacyada loo maro xil-ka-qaadista garsoore”.

20. Qodobka 131aad. Waxaa la soo geliyey qodob cusub oo aan dastuurka nuqulka

rasmiga ah hore ugu jirin kuna saabsan xaalad deg degga ah, kana kooban 7

faqradood.

21. Qodobka 199aad ee ka hadlaya wax ka bedelka dastuurka, faqradiisa 3,aad waxaa ku

qoran ugu yaraan 440.000 oo muwaadiniin ah ayaa lagu bilaabi karaa habraaca wax ka

bedelka dastuurka, (waxaa loo bedelay 40,000)

22. Qodobka 199-aad, faqradda 5-aad ee ku saabsan guddiga wax-ka-beddelka

dastuurka oo la magacaabayo waxaa laga dhigey 10 (toban) xubnood Aqalkasta.

(Tiradaas oo aan ku xusneyn Dastuurka asalka ah.)

23. Article 204 oo cinwaankiisu yahay Qodobo Qubane ah waxaa lagu daray Qodobka 2-

aad oo u qoran sidan: Dhaqangalka qodobada la xiriira Aqalka Sare ee

Baarlamaanka Federaalka meelaha lagu xusay Dasturkaan, dib ayaa loo dhigay

inta laga gaarayo samaynta dhammaan Dowladaha Xubnaha ka ah Dowladda

Federaalka iyo inta kuwa matalaya loo dhaarinayo xilka iyagoo ah xubno ka

tirsan xubnaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka. Inta uu laalan yahay

samaynta Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka, Golaha Shacabka ayaa

qabanaya dhammaan waajibaadka iyo howlaha Dastuurkan siisay Aqalka Sare

wuxuuna u shaqaynayaa sida Baarlamaan ka kooban hal Aqal, si daacadnimo ku

jirtana maanka ugu hayaa mabaa’diida asaasiga ah ee awood-qeybsiga ee

nidaamka Federaalka lagu qeexay Qodobka 3-aad, Farqadiisa 3-aad ee

Dastuurkan iyo danaha gobollada Soomaaliyeed marka laga gaarayo go’aanada.

24. Qodobka 207-aad, faqradda 2-aad xarafka (b) waxaa laga tegey orahdan: ”inuu

jawaab gaar ah ka bixiyo su`aasha ama su`aalaha”

25. Qodobka 210aad ee Ciwaankiisu yahay Qodobbada is-khilaafsan, oo labo (2)

faqradood ka kooban, ayaa meesha laga saaray.

4

of

4

Jadwalka

Dastuurka lagu beddeley kan asalka waxaa ku qoran jadwal ka kooban:

• Jadwalka (A) waxaa la dhigay Jadwalka ©, iyadoo Jadwalka (A) lagu sawirey

calanka Soomaaliya sida ku xusan qodobka 6-aad faqraddiisa koowaad ee Dastuurka

asalka ah.

• Jadwalka (B) waxaa la dhigay Jadwalka (D), iyadoo Jadwalka (B) lagu sawirey

astaanta Jamhuuriyadda si waafaqsan qodobka 6-aad, faqradda 2-aad ee Dastuurka

asalka ah.

• Jadwalka © oo ku saabsan: ”Kala guurka”: Isbeddallada la soo jeediyey in lagu

sameeyo Dastuurka xilliga koowaad ee Barlamaanka federaalka Soomaaliya, (wuxuu

ka koobnaa 17 (toban iyotoddoba) faqradood, waxaa laga tegey oo aan la qorin:

faqradaha 9-10-12-13 iyo 17, eeg jadwalka (A) ee dastuurka asalka ah, boggiisa 88-aad

iyo kan 89-aad).

• Jadwalka 1(D) oo ka hadlaya: ”Shuruucda mudnaanta koowaad leh in la sameeyo

xilliga koowaad ee Barlamaanka Federaalka ah”, (wuxuu ka koobnaa 31 (soddon iyo

koow) faqraddood waxaa laga tegey toddoba faqradood oo kala ah faqradda: 11- 12-

16-19-21-22 iyo 24, eeg Dastuurka asalka ah jadwalka (B), boggiisa 89-aad ilaa 91-

aad).

Share this post


Link to post
Share on other sites
Samafal   

Naxar, the issue of contest is not grammatical error, semantics nor interpretation. The issue is the actual wording of the Constitution that has been agreed upon has been changed.

Share this post


Link to post
Share on other sites

I am well aware of that Samafale, but the Modus operandi of Somali politicians Is obfuscation. This guy xoosh will never attempt to get to the bottom of it and clarify things and faroole knows he will get nothing. If faroole is serious, rather Just throwing the charge out there, Why doesn't he seek some sort of parliamentary action. Surely members representing his state would be open to consultation regarding this despute.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Carafaat   

Naxar,

 

Good point. According to Xoosh, Faroole knew about these changed but is trying to use is as leverage and distraction from own opposition at home.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Miyir   

Huge difference between what Xoosh says(changed only 3)and what Puntland says(change is more then 30)

 

me think is centralist VS Federalist war.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Carafaat   

As one can read most of these changes are minor textual, semantics and clarifications of interpretations. In order to make the document more coherent, this was implemented by a committe which was agreed upon by the stakeholders. Faroole was part of the stakeholders but is trying to ceate distraction from own opposition.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Miyir   

Carafaat;973176 wrote:
As one can read most of these changes are minor textual, semantics and clarifications of interpretations. In order to make the document more coherent, this was implemented by a committe which was agreed upon by the stakeholders. Faroole was part of the stakeholders but is trying to ceate distraction from own opposition.

are you really that dense?

Share this post


Link to post
Share on other sites
Somalia   

Carafaat;973176 wrote:
As one can read most of these changes are
minor textual, semantics and clarifications of interpretations
. In order to make the document more coherent, this was implemented by a committe which was agreed upon by the stakeholders. Faroole was part of the stakeholders but is trying to ceate distraction from own opposition.

Even if that's the case, SO WHAT, even the tiniest change can be interpreted differently, wtf.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Constitution or constitution federalism will never work in Somalia. A viable Somali state and these tribal fieldoms cannot co-exist. Sooner or later Somalis will have to go back to the drawnboard and start all over again.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Carafaat   

Ciyaalke reer Puntland waxaan leeyahay, iska dhaafa sheekadan yaree adeero Faroole attentionka iskaga duwiyo.

 

Try to be more on the content. What is it that you exactly want? Try to formulate your exact expectations, so we can have a proper discussion on the content.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Puntland's constitution

 

3. The Puntland territory comprises: the airspace; the soil and the subsoil; the territorial waters, its contiguous zone and the Exclusive Economic Zone at sea up to a distance of 200 nautical miles from the mean low water mark, and with the Continental Shelf.

4. The territorial sovereignty of Puntland is supreme and cannot be ceded or violated.

All persons holding Puntland nationality constitute the people of Puntland.

 

2. Every person born in the territory of Puntland or whose parents or one of them were born in the territory of Puntland shall be deemed as a national of the Puntland State.

3. The nationality acquired in accordance with this article shall be protected by the Law.

4. The Law will define the procedures for acquiring and losing nationality.

It is not possible to have this type of a state (Puntland) and a national viable state (somalia). It is just not possible, it is one or the other.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this