Sign in to follow this  
malistar2012

Puntland admin stops aid from reaching Talex and Gal-dogob

Recommended Posts

Maamulka Puntland oo ka celiyay Dekedda Boosaaso Markab siday Raashin ay ku deeqday Hay'adda Bisha Cas ee Turkiga

Sabti, August 10, 2013 (HOL) — Dowladda Puntland ayaa dib u celisey markab sidey raashin ay ku deeqday hay'adda Bisha Cas ee dalka Turkiga. Markabkan ayaa dhowaan soo gaarey dekedda magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari.

 

Guddi wasiiro ah oo ay dowladda Puntland arinta markabkan u saartay ayaa go'aamiyey in deeqdan raashinka ah dib loogu celiyo magaalada Muqdisho oo markii horeba laga soo diray.

 

Wasiirrada guddigan xubana ka ah oo kala ah: wasiirka amniga, wasiirka maaliyadda, wasiirka arimaha gudaha iyo dowladaha hoose, wasiirka dekedaha iyo gadiidka badda iyo wasiirka warfaafinta iyo Isgaarsiinta ayaa war-saxaafadeed ay si wada jir ah usoo saareen arintan ku faahfaahiyey.

 

Deeqdan raashinka ah oo u badan Bariis, islamarkaana ku wajahneyd degmooyinka Isku-Shuban, Taleex iyo Gal-dogob ayey wasiirradu ku tilmaameen in ay tahay mid lagu khalkhal gelinayo ammaanka iyo xasiloonida Puntland.

 

Waxay sidoo kale sheegeen in Puntland aan lala soo socodsiin, lagalana tashan go'aanka deeqdan raashinka ah ee ay bixisay hay'adda Bisha Cas ee Turkigu loogu soo diray deegaanada Puntland.

 

“Qaabka sharci-daradda ah ee raashinkaan lagu soo diray iyo baalmarista Dowladda Puntland waa mid xadgudub ku ah Dowladda Puntland iyo shuruucda dalka..." War-saxaafadeedka ayaa sidaas lagu sheegay.

 

Arrintan ayaa kusoo aadeysa xilli dhowaan ay dowladda Puntland shaacisay in ay xiriirka u jartay dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya. Puntland ayaa tallaabadaas ay qaaday sabab uga dhigtay xadgudub ay sheegtay in xukuumadda Muqdisho ay ku sameysey dastuurka dalka iyo heshiisyadii ay labada dhinac horay u wada gaareen.

 

Maxamed Salaad Xaaji Dirir, Hiiraan Online

xaajidirir@hiiraan.com

Puntland, Soomaaliya

Share this post


Link to post
Share on other sites

Deeqdan raashinka ah oo u badan Bariis, islamarkaana ku wajahneyd degmooyinka Isku-Shuban, Taleex iyo Gal-dogob ayey wasiirradu ku tilmaameen in ay tahay mid lagu khalkhal gelinayo ammaanka iyo xasiloonida Puntland.

:confused:

Share this post


Link to post
Share on other sites
The Zack   

They did the right thing. Just because you are bringijg bariis doesn't mean you can disrespect the locals. Next time contacts the local authorities for anything you are bringing.

Share this post


Link to post
Share on other sites

xaaji

 

what if the Aid was intended for Bossaso - Garowe - Galkacyo i think Puntland admin would have not stopped the Aid reaching those regions . Puntland prays on the weak let the people eat .

Share this post


Link to post
Share on other sites
gooni   

Cadde muuse waxaa la weydiiyay in uu aqbali lahaa macaawinadaas ayadoon lasoo war gelin haduu asagu madax weyne yahay wuxuuna ku jawaabay waxaan fiirin lahaa markabka waxa saaran haduu raashin yahay waxaan u qaybin lahaa meelaha baahidu ka jirto mana siyaasadeeyeen dad fikir leh yaa talo loo dhiibtaa!!

 

Markubku wuxuu kusoo xadgubay xuduudii labada dawladood u taalay cilaaqkooduna ma fiicnayn sidii loogu dhawaaqay khaatumo waxaan ula jeedaa jubaland.

 

Turkigu waa inuu safaarado geeyaa puntland somaliland jubaland ximan iyo xeeb galmudug,wixii macaawinaana uu halkaas usii mariyaa dulqaadna sameeyaa inta dastuurka heshiis laga gaarayo

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this