Sign in to follow this  
Xaaji Xunjuf

Ghanian government appoints Dr Muha Dahir farax as ambassador for Humanitarian Affairs for Ghana

Recommended Posts

Dr. Muha Daahir Faarax Jire Oo Haatuf Uga Warantay Siday U Aragto Xilka Safiir-nimo Ee Dawlada Ghana U Magacawday

 

Accra, August 8, 2013 (Haatuf) - Wasiirka arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga ah ee Wadanka Ghana Miss Hanna Tetteh oo ka wakiil ah Madaxweynaha dalkaas Mr. John Mahamma ayaa Shalay u magacawday safiirka dalka Ghana ee arrimaha bini'aadminimada Drs Muha Daahir Faarax Jire oo ah Suxufiyad reer Somaliland ah. Dr Muha Daahir Faarax Jire Oo xalay Wargeyska Haatuf khadka Telefoonka kula soo xidhiidhay iyada oo Ku Sugan Magaaladda Accra ee Caasimadda Dalka Ghana ayaa ka warantey sida ay u aragto xilkaas loo magaacabay, taas oo soo dhawaysay, sheegteyna inay u hagar bixi doonto wax u qabashada dadka tabaalaysan. Munaasabada loo qabtey Suxufiyadaas ayaa waxa ka soo qayb galley madaxda hay’adda u qaabilsan dalka Ghana arrimaha bini'aadminimada gudaha iyo dibadda ee CAT loo yaqaano, qaar ka mid ah diblomaasiyiinta dalalka dibadda u fadhiya magaalada Accra iyo masuuliyiin kale ayaa warsaxafadeed ay wasaaradda arrimaha dibadda ee dalka Ghana soo saartay waxay ku tilmaantay Drs Muha Daahir Faarax Jire Xidig geeska Afrika u dhalatay, kana soo dhex iftay arrimaha warbaahinta iyo gudbinta wararka ee qaaradda Afrika. Sidoo kale Afhayeen u hadlaysay waaxda gargaarka bini'aadminimada dalka Ghana ee CAT ayaa sheegtay in xilkani ay dawladda Ghana usoo bandhigtay xidigtani yar ee qaaradda Afrika ka soo dhex baxday, iyadoo muujisay karti, iyo hawlkarnimo isla markaana markii shanaad hadda ku soo noqotay dalka Ghana "Waxay noo tahay sharaf weyn in Drs Muha Daahir Faarax Jire ay xilkani naga aqbasho, waxaana ay u tahay farxad weyn CAT iyo wasaaradda arrimaha dibadda ee dalka Ghana" ayaa ay ku tidhi warsaxafadeedkaasi. Mrs Muha Daahir Faarax Jire oo iyaduna munaasabadda lagu magacaabay hadal ka jeedisay ayaa sheegtay in ay inta karaankeeda ah dhabarka u ridan doonto hawshani loo xil saaray "Ghana waa iftiinka dimuqraaidyadeed ee qaaradda Afrika, waxay ii tahay sharaf weyn inaan markii shanaad imaado Accra isla markaana booqdo meelo badan oo dalka Ghana, waxaanan weligay aanan iloobi doonin soo dhawaynta, iyo wanaaga ay dadka reer Ghana iyo xukuumadda Madaxweyne Mahamma ay ii muujisay muddadii aan halkani joogay, xilkani maaha mid fudud la i saaray, waxaan isku dayi doona inaan ka shaqeeyo la dagaalanka faqriga iyo sidii caruurta agoomaha ah ee qaaradda Afrika ay u heli lahaayeen gacan iyo taageero" ayey tidhi Drs Muha Daahir Faarax Jire. Ka Dib markii la magacaabay ayey Drs Muha Jire ka qayb gashay munaasabad ay qaramada midoobay iyo hay’adda CAT ugu qaybinayeen cunto iyo daawooyin xarunta agoomaha ee magaalada Accra, iyadoo furtay goobtaasi isla markaana hawshii qaybinta raashinka iyo daawooyinka ka shaqaynaysay. Dhinaca kale Waa markii ugu horaysay oo qof dhalasho ahaan ka soo jeeda Somaliland xil diblomaasiyadeed looga magacaabo dal ka mid ah dalalka dunida gaar ahaana hormoodka qaaradda Afrika. Dr. Muha Daahir Faarax Jire ayaa muddo dheer waxay ka hawl gallaysay xarunta midawga Afrika ee Addis Ababa, iyadoo horana u noqotay madaxii suxufiyiinta qaaradda Afrika, sannadkii 2011-kii ayaa guddoomiye ku xigeenkii Midawga Afrika dhawaan wuxuu guddoonsiiyey shahaadada Doctorate PHD, wixii intaasi ka danbeeyeyna waxay iskaga dab qaadaysay dhammaanba qaaradda Afrika.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this