Sign in to follow this  
Siciid1986

Somaliland: Armed Forces Ranks And Insignia To Be Issued

Recommended Posts

President Silanyo approved promotions for Somaliland Army; Military ranks combined with salary increases.

 

 

 

83.jpg

 

Madaxweynaha Somaliland Oo Dhaqan Geliyay Xeerka Bixinta Darajooyinka Ciidammadda

 

 

Madaxweynuhu waxa uu digreetadiisa ku sheegay in 10 kun askari la siin doono darajadda oo u dallacay min alifle Illaa Sareeye Gaas

 

Korodhka Gunooyinka Darajadda waxa La dhaqan gelin doonaa September 2013

 

HARGEYSA (Somaliland.Org)-Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa caawa soo saaray Xeer madaxweyne oo uu ku dhaqan galiyay bixinta darajooyinka ciidammadda kala duwan ee dalka, iyadoo darajooyinka loo qeybin doono toban kun oo askari oo u dallacay darajooyinka Alifle illaa Sareeye Gaas.

 

Madaxweyne Axmed Siilaanyo waxa uu Taliyeyaasha ciidammadda faray inay bixiyaan darajooyinkan munaasibadda Ciidul fidriga, isagoo sheegay in korodhka gunnooyinka darajooyinkana laga bilaabi doono bisha September 2013-ka.

 

Sidaasna waxa lagu bayaamiyay war-saxaafadeed uu caawa soo saaray Afhayeenka madaxtooyadda Somaliland Md. Axmed Saleebaan Dhuxul, waxaanu war-saxaafadeedkaasi oo dhamaystirani u dhignaa sidan:-

 

“Madaxweynaha JSL, Mudane, Axmed Maxamed Maxamuud (Silaanyo) waxa uu caawa dhaqan geliyey xeer madaxweyne oo sumadiisu tahay JSL/M/XERM/249-1948/082013 oo ku salaysan bixinta Derejooyinka Ciidamada kala duwan ee qaranka Jamhuuriyada Somaliland.

 

Madaxweynuhu

Markuu Arkay: Qodobka 90aad, Faqradiisa 4aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;

 

Markuu Arkay: In ay lagama maarmaan tahay in Dhamaan Ciidamada Qaranka la siiyo Derajooyin ay mutaysteen;

 

Markuu Tixgeliyey:Magacaabidii Guddida Hirgelinta Derajo-bixinta iyo talo bixintoodii;

 

Markuu Tixgeliyey:Tallo soo jeedintii Guddida Nabad-gelyada Qaranka ee Derajo Bixinta khusaysa;

Markuu Garwaaqsaday: Xilka naf-huridda iyo heeganka joogtaysan ee Qarankan u hayaan;

 

Markuu Ku-qancay In bixinta derajada Ciidamadu ay kor u qaadi doonto Milgaha iyo Sharafta Ciidamadeena iyo Haybadda Dawladnimo;

 

WUXUU GO’AANSADAY

 

Dhamaystirka Derajada Ciidamada kala duwan ee Qaran in ka badan 10,000 oo Askari oo u dallacay derajooyin kala duwan ee u dhexeeya Alifle ilaa Sareeye-Gaas, isla markaana Madaxweynuhu wuxuu go’aamiyey in Dhamaan Ciidamada loo kordhiyo Gunno Derajo iyadoo lagu salaynayo Derajada iyo dallacaada kala duwan, korodhka Gunnada Derajada oo ka bilaabmaya September 2013. Waxaa la farayaa Taliyeyaasha Ciidamada kala duwan in derajooyinka si rasmi ah loo bixiyo munaasabadda Ciidal-Fidriga.”

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this