Sign in to follow this  
MoonLight1

Deg-Deg: Alshabaab admit killing Afgani Macalin Burhaan.

Recommended Posts

This was the news 2 day ago.

 

Baraawe:-War soo gaaray saaka Warqabadka Halgan.net ayaa sheegay in Ibraahim Xaaji Jaamac Miicaad oo ahaa ku xigeenkii amiirka ururka Al-shabaab Axmed Cabdi Godane ay xaaladiisa nololeed ay ka soo baxayaan warar kale duwan. Ilo wareed lagu kalsoon yahay ayaa Halgan.net u sheegay in Ibraahim Xaaji Jaamac Meecaad noloshiisa shaki badan la gelinayo oo wararka hordhac ah ee ka imaanaya Baraawe ay sheegayaan in la dilay isaga iyo Macalin Burhaan.

 

Ibraahim Xaaji Jaamac Miicaad Ibrahim Afgan ayaa qaabka uu u geeriyooday ay ka soo baxayaan warar is khilaafsan wararka qaar ayaa sheegaya in uu u geeriyooday dhaawac ka soo gaaray dagaal dhexmaray ilaaladiisa iyo ciidamo daacada u ah Amiirka Al-shabaab Axmed Cabdi Godane oo iyagu si gaadmo ah u weeraray guri uu ku sugnaa ee ku yaalay Baraawe halka wararka kale ay sheegayaan in la saaray Maxkamad ka dibna la dilay labo maalin ka hor inta uusan Sh Xassan Daahir Aweys ka bixin Baraawe.

 

Ibraahim Xaaji Jaamac Miicaad Afgaan ayaa ahaa aasaasayaashii ururka Al-shabaab waxaan uu masuulka ka ahaa kooxda Amniyaadka waxaan uu ku xigeen u ahaa Amiirka ururka Al-shabaab Axmed Cabdi Godane isagoo ahaa wadaadkii ka danbeeyey in Amiir ururka al-shabaab Axmed Cabdi Godane uu aado Koonfurta Soomaaliya kuna biiro Mucaskaraadkii ay dhalinyarada Ururka Al-shabaab ay ku tababaran jireen iyagoo ahaa saaxiibo gaar ah.

 

Ilo wareedyo u gaar ah Halgan.net ayaa wada in ay xaqiijiyaan wax ka jira in la dilay Ibraahim Xaaji Jaamac Miicaad iyo Macalin Burhaan inagoo xiriiro kale duwan la samayn doona qaraabadii iyo eheladii Ibraahim Xaaji Jaamac Miicaad Afgaan iyo Macalin Burhaan si aan uga helno faahfaahin dheeri ah.

 

C/casiis Maxamed

Halgan.net

Share this post


Link to post
Share on other sites

This Alshabab news conference was held just before Xasan Dahir landed in Muqdisho for fear of him spilling the beans of what really happened in Barawe.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this