Sign in to follow this  
Che -Guevara

Ibrahim Afghan and Ma'alin Burhan Dead?

Recommended Posts

Daqane   

Waxaa saacadba saacada ka dambeysa isa soo taraya wararka sheegaya in Xarakada Al-Shabaab ay qaarajisay saraakiil sare oo ka tirsanaa, kuwaasoo ay ka mid yihiin Ibraahim Xaaji Jaamac (Afghan) iyo Sheekh C/xamiid Xaashi Colhaye (Macalin Burhaan) oo lagu soo qabtay howlgal ka dhacay dabayaqaadii todobaadkii hore degmada Baraawe.

 

Ibraahim Afghan oo shabaabka dhexdiisa looga yaqaanay Abuubakar Al-Seylici ayaa ahaa ku-xigeenka hogaamiyaha Al-Shabaab, isagoo mar soo noqday gudoomiyaha Al-shabaab ee gobolka Jubada hoose, waxaana sidoo kale la sheegaa inuu ka mid ahaa asaasayaashii Al-Shabaab.

 

Mid ka mid ah bogaga sida weyn u taageera Al-Shabaab oo la yiraahdo somalimidnimo.com ayaa soo daabacay in la khaarajiyey saraakiil sare oo ka tirsanaa kooxdaas kuwaasoo uu ku jiray Ibraahim Xaaji Jaamac (Afghan) oo ka mid ahaa rag Maraykanku uu madaxooda dul-dhigay malaayiin dolar iyo Macalin Burhaan oo isna ka mid ahaa saraakiisha Al-Shabaab.

 

Raggan ayaa ka mid ahaa saraakiisha sida uga weyn uga soo horjeeday mudooyinkan Amiirka guud ee Al-Shabaab Shiikh Axmed Abuu-Subeyr ka dib markii ay dhaliileen hogaankiisa kuna eedeeyeen keligii telisnimo iyo waxyaabo kale, waxaana Ibraahim Afghan uu dacwad ka dhan ah amiirka Al-shabaab u qoray hogaamiyaha Al-Qaacida ayman Al-Zawaahiri.

 

Boggan taageera Al-Shabaab ayaa sheegay in galabnimadii Shalay oo Arbaca ahayd, June 26,2013 uu Waaliga Shabeelada Hoose Sheekh Maxamed Abuu Cabdalla iyo Masuuliyiin kale ay kulamo la qaateen Xaasaskii labada Sheekh oo midkiiba uu ka tagay sadex Xaas iyo dhowr iyo Toban Caruur, waxayna u sheegeen inay Asayda qaadaan, iyagoo u xaqiijiyey dilka raggooda.

 

Sidoo kale boggan ayaa qoray in Sidoo kale ay la kulmeen masuuliyiintan Hooyadii dhashay Sheekh C/xamiid Xaashi Colhaye (Macalin Burhaan), iyagoo u sheegay in wiilkeeda la dilay.

 

Shiikh Xasan Daahir Aweys oo ka mid ahaa saraakiisha ka soo horjeeday amiirka Al-shabaab ayaa markii gacanta lagu dhigay qaar ka mid ah saaxiibadiis dooni uga baxsaday degmada Baraawe isagoo ka degay xeebaha gobolka Mudug ka dibna isku dhiibay maamulka Ximan iyo Xeeb oo uu hadda gacanta ugu jiro.

 

Raga kale ee la sheegayo in xoogaga hoostaga Amiirka Al-shabaab ay ku raad joogaan ayaa waxaa ka mid ah Shiikh Fuaad Maxamed Shongole, Shiikh Mukhtaar Roobow Cali (Abuu Mansuur) Cumar Xamaami oo isna loo yaqaan Abuu-Mansuur Al-Amriiki iyo qaar kale oo intooda badan Maraykanku uu dul dhigay malaayiin dolar.

 

Illaa hadda ma jiro war ka soo baxay hogaanka Al-shabaab oo ku saabsan dilka saraakiishan sare hase ahaatee bayaan ka soo baxay Al-shabaab howlgalkii Baraawe ka hor ayaa waxaa lagu sheegay iney bilaabayaan ciribtirka kooxo loogu yeeray iney kala qeybinayaan Mujaahidiinta.

 

Xafiiska Warqabadka Dayniile.com

Webmaster@dayniile.com

Tafatiraha Wabka Dayniile.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
NGONGE   

^^ Not sure about celebrating but all must be happy to see the end of these mufsideen fe al ard.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Maqane   

Rahima;965744 wrote:
What are you guys celebrating? The death of
qof muslim ah
?

This answer (video below) makes your du'a invalid.

 

 

Rahima;965744 wrote:
Ilaahay ha u naxariisto labadaba.

You need to learn more about Islam sis Rahima instead of being over sensitive. Waxaas waa wax lacaadaystay in la yiraahdo markasta and you need to get rid of it.

 

 

 

 

Btw: the video waa jawaab laga bixiyay dilkii ay Al Shabaab-ta u gaysteen wadaadka goortii uu jeediyay Qudbadan iyo kuwa kale.

 

-->>

Share this post


Link to post
Share on other sites
Rahima   

^ Are you saying that they were not Muslim? That would be the only reason to not say ilaahay ha u naxariisto.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Maqane   

Rahima;965751 wrote:
^ Are you saying that they were not Muslim? That would be the only reason to not say ilaahay ha u naxariisto.

As i said watch the last 178s of the video below and if that doesn't make any sense to you then you're/were rather one of their supporters.

 

Share this post


Link to post
Share on other sites
Rahima   

I haven't watched it and it really doesn't matter. Islam 101- all Muslims deserve upon their death that we say ilaahay ha u naxariisto no? If Abdullah Ibn Omar prayed behind Hajjaj Ibn Yusuf surely even if you can't bring yourself to say ilaahay ha u naxariisto, you can at the very least not comment. Celebrating the death of a fellow Muslim is wrong.

 

But then again are you saying that they were not Muslim?

 

Something is very wrong here walaahi.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Maqane   

Rahima;965756 wrote:
I haven't watched it and it really doesn't matter

This makes everything clear.............

 

Rahima;965756 wrote:

But then again are you saying that they were not Muslim?

Yes, to me they (Al Shabaab iyo kuwa lamid ah oo noocaas oo kale ah)'re not Muslims if that answers your question. Better understand the word "Muslim" before you even talk about it.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this