Sign in to follow this  
Tillamook

Aabbow la'aantaa, bohol baan ku dhici lahaa...

Recommended Posts

Waabaan gabar la sheykeysan jiray.

 

Aad bay ii qancisay, waayo qurux deeda iyo asluub teeda ayaan si fooqal caqli ah u jeclaaday.

 

Marka maalmaha maalin kamid ah, ayaan Aabahey la socodsiiyey iney gabar qalbigeygii ay af duubtay oo aan mar waliba aan iyada ka fakaro. Ayna igu noqotey, falaar lagu gamay wadnahayga oo aan hurdadii, cunnadii iyo noolasheydii kale oo dhan aan iyada darteed uga habsamey.

 

Aabahey waa shaqsi naxariis badan oo wuxuu igu yiri, "i dhagayso! hadal keyga yaanu ku dhaafine,...wali labaatan jir ma aadan noqon... Bal gabarta dhowr bilood la sheekayso, reer keeda si fiican isku barta, iska hubi qofta waayo guurku mahaa shey fuduud oo lagu dagdago! Hadaad lix bilood ka bacdi wali is rabtaan, faataxada ayaan idiin soo mareyaa."

 

Lix bilood ayaa na soo dhaaftey... markaas ayaan odeygii Aabahey ahaa ku noqdey oo arintii baan mar kale kusoo hadal qaadey.

 

Aabahey: "Si fiican ma uga soo fakartey? Wali guur miyaad rabtaa, mana hubtaa inaad diyaar u tahay?"

 

Aniga: "Haa Aabe macaane"

 

Aabahey: "Waayahay. Hadaad gabarta aad la dhacsantahay oo aad iska hubisay, diyaar baan u ahay inaan kuu doono oo reerkii ay ka dhalatey aan kuu soo weydiiyo"

 

Calaaya kuli xaal, odeygii Aabaheyga ahaa sidii buu iigu dooney gabartii oo aan u guri galey markaan kow iyo labataan sano jirsadey, maantana, alxamdulilah, Eebe wuu ii barakeeyey guurkeygii... laakin hal arin baa jirtay oo aan Aabahey ka qariyey waagaas oo ahayd...gabartuu ii dooney oo aan guursadey iyo tii uu ii gala dardaarmay ayaa labo qof kala ahaa.:D:D:D

Share this post


Link to post
Share on other sites
Aaliyyah   

aabe la'aanti bohol ba lugu dhacaya taas baa dhab ah.

 

Laakin aabe dardarankisi madan maqlin oo haduu ogaan laha abaha dhawr bilood oo kale buu ku qaban lahaa lol laakin ilahi ku barakeeyey baa mahad leh oo waad nasiib wacneed. :D

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this