Sign in to follow this  
GaadhHaye

Visa Requirement to Somalia

Recommended Posts

One of the Somali tribal websites who is a staunch supporter of the secessionists is reporting the Somali

Federal governments is enforcing a new policy of visa requirement from holders of non Somali passports who

want to travel to Somalia. Eight Somali-American families in Washington DC area who originally came from

the Hargeisa-Buroa-Berbera Triangle i.e. secessionists were recently turned back at the airport by Ethiopian

Airlines :cool:who ordered them to go to the Somali embassy in Washington DC to obtain travel visas for their U.S.

passports. Destination: Berbara.

 

Do not waste time on cantarbaqash; have a good look at the bold highlighted section,,,

 

http://www.qarannews.com/2013/06/yusuf-budle-oo-sheegay-in-wasiirka-arrimaha-dibedda-ee-sland-aanu-la-lahayn-dalalka-ingiriiska-iyo-maraykanka-xidhiidh-diblomaasiyadeed/

 

This website has a habit of moving/changing addresses of articles. For verification visit it now before they play

with it.

 

Yusuf Budle Oo Sheegay In Wasiirka Arrimaha Dibedda Ee S/Land Aanu La Lahayn Dalalka Ingiriiska Iyo Maraykanka Xidhiidh Diblomaasiyadeed

 

Writen by Qaran News | Published: Jun 22nd, 2013 at 12:27 AM

email to a friendprintsharesubscribe

 

 

Yusuf Budle oo sheegay in Wasiirka Arrimaha Dibedda ee S/land aanu la lahayn dalalka Ingiriiska iyo Maraykanka xidhiidh Diblomaasiyadeed ee uu leeyahay xidhiidh sirdoon oo keli ah.

Tan iyo intii Xisbiga UCID u magacaabay Mudane Yusuf Budle jagada xoghayaha arrimaha dibedda iyo xidhiidhka caalamiga, waxa uu si aad ah iskugu hawlay siddii uu u dabo geli lahaa meesha ay wax u marayaan xidhiidhka Somaliland ay la leedahay dalalka Caalamka, gaar ahaan dunida reer galbeedka. Waxa ay ahayd bishan June 4teedii markii uu Mudane Yusuf hor geeyay dacwad cabasho ah guriga Baarlamaanka ee dalka Maraykanka (US Congress), si uu uga dhaadhiciyo cadaalad darada lagu hayo S/land marka ay timaado dhinaca saami qaybsiga dhaqaalaha uu dalka Maraykanku, gaar ahaan Wasaarada Arrimaha Dibeda ee Maraykanku (US State Dept) ku bixiso arrimaha somaliya iyo somaliland.

 

Hadaba Yusuf Budle oo aanu arrintaas wax ka weydiinay ayaa sheegay in si fiican xidhiidhku u socdo, welina ay balantii hor tegitaanka madaxda Congress-ka ee Maraykanku ay sideedii tahay, laakiin ay heleen raadad sheegaya in Wasiirka Arrimaha Dibedda ee S/land Dr. Maxamed Cabdillaahi Cumar aanu haba yaraatee la lahayn, weligiina la yeelan xidhiidh dublomaasiyadeed dalalka Maraykanka iyo UK, inta ay ogyihiina dhamaanba xidhiidhkii iyo booqashooyinkii uu ku tegi jiray safaaradaha UK iyo Maraykanka ee addis Ababa iyo Nairobi, iwm ay dhamaantood ku salaysnaayeen xidhiidh sirdoon oo uu la leeyahay hay’adaha sirdoonka ee dalalkaasu.

 

Waxay ahayd muddo laga joogo shan todobaad (badhtamihii bishii May) markii Xisbiga UCID looga sheegay magaalada London in aanay dawladda Ingiriisku garanayn meesha ay wax ka qaldan yihiin, maadaama ay madaxda S/land intooda badan, gaar ahaan wasaarada Arrimaha Dibedda oo ay ka mid yihiin Wasiirka iyo laba safiir oo Somaliland u kala fadhiya laba dal oo muhiimi ay u sheegeen muddo sanad ka hor ah in ay S/land ogoshahay la midowga walaalahooda Soomaaliyeed, haddii la saxo waxyaabaha qaldan, waa sida ay u dhigeen madaxda Ingiriiskuye. Arrintan oo run ahaantii ku keentay yaxyax madaxda xisbiga UCID, keentayna in ay dib uga sii faagtaan taageeriddii ay awal la ag taagnaayeen dawladda Somaliland ee uu hogaanka ka yahay Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud siilaanyo.

 

Mudane Yusuf Budle oo aanu weydiinay wararka sheegaya in dad u dhashay S/land oo sita dhalashada Maraykanka loo diiday in ay tagaan Berbera, ilaa ay qaataan fiise Soomaali ah, oo laga qaatay safaarada Somaliya ay ku leedahay dalka Maraykanka, waxa uu ku jawaabay: Haa way jirtaa laakiin ma aha dadka waaweyn ee ay baasboorka Maraykanka ugu qoran tahay in ay ku dhasheen Somaliya, laakiin waa ciyaalka ay dhaleen ee la socda ee ay baasboorkooda Maraykanka ugu qoran tahay in ay ku dhasheen USA. Waxa inta aan ka war qabno laga soo celiyay Airport-yada ilaa 8 qoys oo u dhashay Somaliland loona diiday in ay dalka ka baxaan iyaga oo aan fiise kasoo qaadan safaarada Somaliya ee Washington. Arrinkan waxa aanu kala xidhiidhnay safiirka Somaliland u fadhiya dalkan Maraykanka waxaanu noo sheegay in aanu waxba ka qaban karin ayna ku qasban yihiin in ay qaataan fiisahaas loo sheegay in ay qaataan ee Somaliya. Waxa kale oo aanu la xidhiidhnay madaxda diyaarada Ethiopian Airlines ee Washington oo ah diyaarada keliya ee dadkan ku qasabtay arrinka fiisaha, waxaanay noo sheegeen in arrinkaasu yahay amar cusub oo bishii May 2013 horaanteedii lagaga soo amray Addis Ababa, aanayna waxba ka qaban karin. Kadib waxa aanu u gudbinay cabashadan madaxda wasaaradda Duulista iyo Hawada iyo weliba Wasaarada Arrimaha Dibedda ee Somaliland, si ay arrinkan wax uga qabtaan ilayn iyagaa dawladdii ahe. Illaa hadana arrinkii wax laga qabtay maanaan arag, dadkii reer Somaliland ahaana waxa igu maqaala ah in qaar ka mid ahi ay fiisihii ka qaateen safaarada Soomaalida ee washington, sidaana ku tageen Somaliland.

Mudane Yusuf Budle ayaa waxa uu noo sheegay in ay xisbi ahaan ku talo jiraan in ay sameeyaan gole cusub oo loo bixindoono : Golaha Dublimaasiyada Qaranka Somaliland” oo ay jeclaan lahaayeen in ay ku casumaan qof kasta oo raba in uu wax ku taro qadiyada aqoonsi raadinta Somaliland iyada oo aan loo eegayn xisbiga uu taageersan yahay iyo reerka uu kasoo jeedo, sida hadda caadada u noqotay xukuumadda Somaliland. Golahaasu waxa uu ka shaqayndoonaa aqoonsi raadinta Somaliland iyo weliba saaxiibo u samaynta dalkeena. Haddii uu qofku rabo in aanu magaciisu soo shaac bixin ee uu si hoose noola shaqeeyo diyaar ayaanu u nahay, haddii uu rabo in uu si badheedh ah oo shaacsan noola shaqeeyana diyaar ayaanu u nahay. Waxa aanu ka hadlaynaa waa badbaadinta dalka iyo dadkeena, wixii kale oo dhan waa soo racraac ayuu yidhi Mudane Yusuf Budle.

 

UCID Media Group

Share this post


Link to post
Share on other sites

Good news , its time to rehabilitated Snm Family , erase all the hate in the their heart towards Somali Nation and people . This is the reality no matter what Silaanyo and the Gang say Somali Sovereignty is not negotiable .

Share this post


Link to post
Share on other sites
Saalax   

Your metal scrap looting ministers and president of Somalia can't even visit Somaliland and yet you're dreaming of this. :D

Share this post


Link to post
Share on other sites

Salax

 

DHAGEEYSO:- Wasiirka Arimaha dibadda Somaliland oo ka hadlay siyaasiin dhankooda kasoo jeeda oo xilal ka helay dowladda Soomaaliya.

 

it all comes down to this sxb .........................

 

 

Your People our people from the North Politicians and citizen are migrating to the Nation Capital Xamaer caadey for Work and better living are you gonna stop them .

 

Your metal scrap looting ministers and president of Somalia can't even visit Somaliland and yet you're dreaming of this

 

One region at time sxb we have all the time to reach Hargesa via Talex :cool:

Share this post


Link to post
Share on other sites

Malistar you cannot even unite 2 sub clans in your backyard, markasu naf ka dayaya inan yar oo Hargeysa laga aqoon oo shaqo laga siiyey Malaysia :D Its strange you are preoccupied with Somaliland. While your country needs you the most now you have no police force and neighboring countries are violating your leaders.

Share this post


Link to post
Share on other sites

malistar2012;963648 wrote:
Good news , its time to rehabilitated Snm Family , erase all the hate in the their heart towards Somali Nation and people . This is the reality no matter what Silaanyo and the Gang say Somali Sovereignty is not negotiable .

Job welldone!!! Somali nationalists’ next campaign is to lobby the Federal Parliament to enact new legislature banning

holders of second citizenship to run for state assembly or run for president of state or be nominated for minister or

director general. People who are currently employed in such positions such as Siilaanyo and some of his gangs should

be given a grace period of thirty days to abandon their second non Somali citizenship and hand the foreign passports

to the countries that originally gave them.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this