Sign in to follow this  
Saalax

Is Erdogan the Prime Minister of Mogadishu?

Recommended Posts

Saalax   

:D

 

Thursday, June 20th, 2013 at 03:03 pm

Bannaanbax lagu taageereyey R/wasaaraha dalka Turkiga oo Muqdisho ka dhacay

 

Muqdisho(RBC Radio) Bannaanbax ballaaran oo uu soo abaabulay maamulka gobolka Banaadir kaasoo lagu taageerayey R/wasaarahada dalka Turkiga Rajab Dayyid Ordagan ayaa maanta lagu qabtay fagaaraha Daljirka dahsoon ee magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya,bannaanabaxa ayaa waxaa ka qaybgalay boqolaal ruux oo gacmaha ku sitay calamada dalalka Soomaaliya iyo turkiga.

Dibadbaxayaasha ayaa gacmaha ku watay Sawirka R/wasaaraha dalka Turkiga Rajab Dayid Ordogan,waxayna ku dhawaaqayeen erayo ay ku cabirayeen in Ordogan uu yahay Nin abaal weyn u galay dalka Soomaaliya,waxayna sheegeen iney ka xun yihiin Dibadbaxyada ka dhanka ah ee ka socda dalkaas.Maama Abisho oo ka mid ah bulshada Rayidka ah ee ku dhaqan magaalada Muqdisho oo dibad baxa hadal ka jeedisay ayaa sheegatay in R/wasaare Ordogan uu yahay qofkii indha caalamka kusoo jeediyey Soomaaliya xili la hilmaamay dalka Soomaaliya,waxayna intaa ku dartay in Rajab Dayyid Ordogaan uu ahaa qofkii ugu horeeyey ee si dhab ah ugu soo gurmaday shacabka Soomaaliyeed markii ay ku dhufatay abaarta ba’ani sanadkii 2011ka.Bannaanbaxayaasha ayaa ugu baaqay shacabka dalka Turkiga ee dhigaya mudaharaadyada ay kaga soo horjeedaan xukuumadda uu hogaaminayo R/wasaare Dayyid iney joojiyaan isla markaane aysan dhibaato u horseedin dalkooda,waxayna *****lka ka qaadeen in mudaharaadyada iyo iska hor imaadyada ka socda dalkaa ay keeni karaan dhibaato ku dhacda dalkaa,Dibadbaxayaasha ayaa dhanka kale R/wasaaraha dalka Turkiga ugu baaqay inuu wada hadal ku dhammeeyo wxiisadaha siyaasadeed ee ka taagan dalkaas.

 

 

 

 

RBC Radio

Xafiiska Wararka Muqdisho

 

 

http://www.raxanreeb.com/2013/06/bannaanbax-lagu-taageereyey-rwasaaraha-dalka-turkiga-oo-muqdisho-ka-dhacay/

Share this post


Link to post
Share on other sites

^^The alliance was too weak to begin with.

 

Separatist thought Hassan Sheekh will give them recognition , Hassan thought Hargeysa will surrender easily

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this