Sign in to follow this  
xiinfaniin

The News that HiiraanOnline Would not Report, 40 Militia Has been Captured

Recommended Posts

40 have been arrested in relation to this morning's attempt to assassinate prominent Jubbaland politicians.

 

 

War Deg Deg ah— Maleeshiyadii dhaawacdey Yasiin Raadaar oo gacanta lagu dhigey

 

Kismaayo–18 Juun.2013–Puntlandi.com– Sida ay warka rasmiga ku heleen Howlwadeenada Puntlandi waxaa ga´canta lagusoo dhigey Maleeshiyaadkii isku dayay iney khaarajiyaan Yaasiin Raadaar oo ah Masuul sare oo ka tirsan Maamulka dowlada Jubaland oo dhawaciisa hada lagaarsiiyey Nairobi.

 

Cidaamada Jubaland garab ka mid ah ayaa ka dambeyey soo qabashada kooxdii dhawacdey Raadaar, waxaana hada lagu hayaa Xabsi aan la shaacin meesha uu yahay, waxaase loo badinayaa in Xabsi ku dhexyaal xero Ciidan lagu hayo.

 

Howlgalka oo ahaa mid qarsoodi ah waxaa qabashada nimankaan oo ahaa 7 qof ka dib ciidanku xabsiga dhigeen ugu yaraan 40 Maleeshiyo ah.

 

Goor dhow waxaan idiin soo gudbineynaa Warbxin dheer oo ku saabsan sidii loo dhawacay Yaasiin Radaar iyo sidii loo soo qabtey ragii dhawaca geystey iyo Waliba sheeko Xiiso leh oo nimanka Dhawac gaystey ay isku dayeen iney sameeyaan Markey dhawaceen Yaasiin Raadaar ka dib.

Share this post


Link to post
Share on other sites

War Deg Deg ah–Yaasiin Raadaar oo Xaaladiisa Caafimaad soo wanaagsanaatey loona qaadey Nairobi

 

Kismaayo–18 Juun,2013–Pi– Sida ay Puntlandi u xaqiijiyeen dhakhaatiirtii Kenyanka ahayd ee gacanta ku hayay Yaasiin Raadaar oo maanta Maleeshiyaad dhawaceen ayaa Xaaladiisa Caafimaad aad u wanaagsan tahay, Waxaana loo duuliyey Nairobi, halkaasoo qaliin dhinaca madaxa ah loogu sameyn doono.

 

Laba xabadood ayaa Madaxa uga dhacay ay midi ka dustey halka midi ay fariisatey Madaxa balse ma ay fadhido meel khatar ah ayuu yiri Dhakhtarkii Kenyanka ahaa ee gacanta ku hayay.

 

Maamulka Dowlada Jubaland ayaa durbadiiba diyaarad khaasa ka dalbey Nairobi, intii ka horeyseyna waxaa lagusii Daweynayay Mudane Yaasiin Raadaar Isbitaal Mobil ah oo Ciidamada Kenya ku leeyihiin Garoonka Diyaaradaha Kismaayo.

 

Marka Diyaarada la saarayay aad ayuu u wanaagsanaa wuuna sheekeynayay ayuu yiri sargaal ka tirsan Xafiiska Madaxweyne ku xigeenka Jubaland.

 

Wixii soo kordha Xaalada caafimaad ee Yaasiin Raadaar kala soco Puntlandi.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

AMISOM oo Raadaar dawayneysa

18 Jun 18, 2013 - 9:07:25 AM

Magaalada Kismayo ayaa laga soo sheegayaa in xaalada caafimaad ee Yaasiin Nuur Raadaar ay wanaagsantahay oo ka mida saraakiisha maamulka Jubaland ka dib markii saaka uu ku dhaawacay magaalada nin ay isku hayb yihiin oo ka tirsan ciidanka.

 

Isbitalka ciidanka Kenya ee garoonka diyaaradaha ayaa lagu dawaynayaa ,waxana ka socda magaalada baaritaanka ninkii falkan gaystay oo la aqoonsaday ,iyadoo ay sheegeen masuuliyiinta Jubaland dhowaan inay gacanta ku soo dhigi doonaan.

 

Raadaar ayaa ka mid ahaa saraakiisha Raaskambooni ee qaybta ka ahaa hawgalkii Al-shabaab looga xoreeyay Jubooyinka ,isagoona ka dib gudoomiye ku xigeen u ahaa Shiikh Axmed Madoobe ka hor intaan la isla dhex marin in kursiga wasiirka arrimaha gudaha Jubaland loo wado,waxana ilaa iyo haatan aan la ogayn sababta ka danbeysay in askariga uu rasaas ku furay masuulkiisa.

 

Dalka Kenya ayaa la filayaa in loo qaado berito hadii ay dhakhaatiirtu ku taliyaan oo wax looga qaban kari waayo Isbitalka AMISOM ee Kismayo.

 

DF Somalia ayaa horey madaxda iyo masuuliyiinta Jubaland ugu edeeyeen inay ka hurinayso gobollada Jubooyinka colaad beeleedyo ,iyadoona dadka wada dega goboladaasi hub iskugu dhiibtay sida la sheegay.

 

GAROWE ONLINE

Share this post


Link to post
Share on other sites

Kismaayo–18 Juun,2013–Puntlandi.com– Malayshiyaadkii dhawaca u geystey Yaasiin Raadaar ayaa weerarkoodu ahaa mid qorsheysan oo lagasoo abaabuley meelo Magaalada ka baxsan, Yaasiin Radaar ayaa maanta isku dayay inuu ciidan dhowra oo jidgooyo sameyey ayna isaga isku hayb yihiin uu lasoo hadlo, markuu u tagay wax yar ka dib waxaa dhinaca gadaale uga yimid laba nin óo isla maleeshiyaadka ahaa oo meel ku gabanayay waxayna rasaas ooda uga qaadeen Yaasiin Radaar iyo ilaaladiisii ka dibna way kala yaaceen, waxaana halkaas ku dhawacmey Yaasiin radaar oo laba xabo Madaxa uga dhaceen.

Kooxdii falka geystey waxay markiiba bilaabeen iney dib isu urursadaan waxayna ka dul dhaceen koox kale oo ay U shegeen kana dhaadhiciyeen in Yaasiin Raadaar la diley oo ay dileen Ciidanka Raaskambooni, Waxayna markiiba bilaabeen iney si qarsoodi ah isu urusadaan, ka dibna waxay isugu tageen guri ay horey usii calaamadsadeen, iyagoo aminsan in Yasiin Radaar geeriyoodey.

 

Dhawacii Yaasiin radaar waxaa markiib loo cararay Dhinaca Garoonka Diyaaradaha oo uu kuyaal Isbitaal gaara oo Amsiom leeyihiin, Madaxweyne Xigeenka Jubaland Mudane Cabdullaahi Fartaag wuxuu durbadiiba isugu yeerey Saraakiisha Ciidanka wuxuuna Amar ku bixiyey in isaga loo daayo soo qabashada nimankaan falka geystey, waxaana Nimanka xabada ridey aqoonsadey mid kamid ah ilaaladii Raadaar.

 

Xero Ciidan oo ku taal Magaalada ayaa markiiba Madaxweyne Xigeenku war galiyey wuxuuna amrey in lasoo qabto maleeshiyaadka falka geystey dhamaantood sida ugu dhakhsaha badan.

 

Ciidanka Xerada oo u tabaabusheysanaya iney bilaabaan howlgalkii ay kusoo qaban lahaayeen Maleeshiyaadka ayaa waxyar ka dib waxaa Xeradii is qabsadey sawaxan, ka dib markii ay Xerada soo galeen Baabuur gaaraya sadex oo Maleeshiyo ka buuxdo kuwasoo ku dhawaaqaya “Raadaar Waxaa diley Raaskaambooniyiintii” Waxaa durba la gartey in Sadexda Baabuur ay saaran yihiin Ragii Dhawaca u geystey Radaar ee ciidanku ay doonayeen iney soo qabtaan, waxaana markiiba la isku hareereeyey Baabuurtii, ka dib markii ciidanku ay Xabado digniin ah kor u rideen.

 

Kooxda dhawacdey Yaasiin Radaar waxay Xerada usoo aadeen iney Marin habaabiyaan Ciidanka ku xereysnaa oo ay iyaga,Yasiin Radaar iyo Ciidankuba ay halbeel wada yihiin ayna uga dhaadhiciyaan in Yasaain radaar ay dileen Beel kale oo magaalada degta, si iyadoon wax la hubsan Xabad la isugu bilaabo.

 

Nasiib wanaag Ciidankla Xerada waxay durba heleen Warka Rasmiga ah, waxayna haysteen amar kasoo baxay Madaxweyne Xigeenka amarkasoo oranaya waa in ragaas la soo qabtaa Nolol ama dhimasho, intii loo tabaabusheysanayay sidii lagusoo qaban lahaa ayay iyagii iskeeneen, sidaasaana lagu qabtey Ragii ka dambeyey isku dayga, waxaana hada ku socda Baaritaan ku aadan Cida ka dambeysey Weerarkaan qorshaysan.

 

durba waxaa xerada soo gaarey Madaxweyne xigeenka iyo Saraakiisha Ciidanka Jubaland waxaana markii loo waramay loogana sheekeeyey qisadii dhacdey la ogaadey in Arintu ay ahayd mid qorsheysan Yasiin Radaarna la doonayay in la khaarajiyo si Dagaal iyo Qas magaalada looga abuuro.

 

Yasiin Radaar hada waxaa lagu daweynayaa Isbitaal ku yaal Nairobi, oo goor dhawayd la geeyey, kala soco Puntlandi oo xaaladiisa caafimaad la socda, wixii soo kordha.

Share this post


Link to post
Share on other sites
cadnaan1   

Lol puntlandi the waagacusub of puntland waaye Hal run ah ma shegaan kuwaas....wixii war oo Runta u dhaw oo ku saabsan jubooyinka waa kismaayonews.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
cadnaan1   

Xiin... Waxaan u malaynayaa waxaad ka midtahay qorayaasha pubtlandi waxay jabiyeen recordkii beenta dayniile iyo waagacusub meel cidlo ayaa lagu dhaafay.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Ciidanka Xerada oo u tabaabusheysanaya iney bilaabaan howlgalkii ay kusoo qaban lahaayeen Maleeshiyaadka ayaa waxyar ka dib waxaa Xeradii is qabsadey sawaxan, ka dib markii ay Xerada soo galeen Baabuur gaaraya sadex oo Maleeshiyo ka buuxdo kuwasoo ku dhawaaqaya “Raadaar Waxaa diley Raaskaambooniyiintii” Waxaa durba la gartey in Sadexda Baabuur ay saaran yihiin Ragii Dhawaca u geystey Radaar ee ciidanku ay doonayeen iney soo qabtaan, waxaana markiiba la isku hareereeyey Baabuurtii, ka dib markii ciidanku ay Xabado digniin ah kor u rideen.

 

Kooxda dhawacdey Yaasiin Radaar waxay Xerada usoo aadeen iney Marin habaabiyaan Ciidanka ku xereysnaa oo ay iyaga,Yasiin Radaar iyo Ciidankuba ay halbeel wada yihiin ayna uga dhaadhiciyaan in Yasaain radaar ay dileen Beel kale oo magaalada degta, si iyadoon wax la hubsan Xabad la isugu bilaabo

 

xiin are you serious what a crap ...........................wow amazing STORY

Share this post


Link to post
Share on other sites
Dabrow   

Apophis;962681 wrote:
This madness must end ruunti. It's time both sides had a reconciliation with give and take coming from Madoobe and Hassan Sheikh.

This is what I have said before and it will remain my position. Altought Xiin might believe its best to oppose the Somali goverment but this option is not valid in the eyes of many somalis and international community. Im sure Madoobe will come to his senses and of course both sides need to compromise. Hope for a speedy recover for Yaasiin Radaar, its still unknown who did that crime. Hopefully the criminal will be caught.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Nonsense.

 

No one opposes Somali government , it is so called Somali government that is opposing the establishment of Jubbaland state. untill Hassan Sheekh reverses his infamous speech of 'marna ma qoonsanayno wixii kasoo baxa shirka Kismayo', Ahmed and his men are justified.

 

As for the gangs that are disrupting the peace in the city, it will be over soon insha allaah. It is one thing to avoid clan animosity and needless conflict, it is however another to allow leaders to be targeted in a broad day light. From what I have heard, this is chapter will be closed soon insha allah

Share this post


Link to post
Share on other sites

Apophis

 

This madness must end ruunti. It's time both sides had a reconciliation with give and take coming from Madoobe and Hassan Sheikh.

 

 

 

Xiin

This is the birth pangs of a new Somalia ---the madness will not be done away completely , but will sure be managed.

More bad advice from the Pirates seems like pirate are Pushing Sh Modoba of the cliff never trust the Pirates .............

Share this post


Link to post
Share on other sites
Somalia   

Dabrow;962726 wrote:
This is what I have said before and it will remain my position. Altought Xiin might believe its best to oppose the Somali goverment but this option is not valid in the eyes of many somalis and international community. Im sure Madoobe will come to his senses and of course both sides need to compromise. Hope for a speedy recover for Yaasiin Radaar, its still unknown who did that crime. Hopefully the criminal will be caught.

Do not oppose us, if you do, we will start killing people, Kacaanist to the core. :(

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this