Sign in to follow this  
Dr_Osman

The Pedofile Enclave Health Minister Walks Out On Somalia Health Conference

Recommended Posts

Dr_Osman   

Xiriirka Federaalka & Somaliland oo sii xumaaday iyo Wasiirka Caafimaadka Somaliland oo ka baxay Shirka ka dhacayey Switzerland

Waxaa Todobaadkan Magaalada Geneva ee Dalkan Switzerland soo wada gaaray laba wafdi oo ay kala hogaaminayeen Wasiirada Adeega Bulshada Dowlada Federaalka ee Somaaliya Drs. Maryan Qaasim Axmed iyo Wasiirka Caafimaadka Somaliland Dr. Xuseen Maxamed Maxamud (Xoog).

| on May 20, 2013

 

Ujeedada Mas’uuliiyntan ay u yimaadeen Dalkan Switzerland ayaa waxa ay aheyd in ay si Wadajir ah ugu qeyb galaan kulan sanadle ah oo ay soo qaban qaabiso Hay’ada WHO ee Qarmada Midoobey u qaablisan Caafidmaadka oo looga hadlo Caafimadka Adduunka kaasi oo ka dhaca Magaalada Geneve.

 

Qorshaha dhabta ah ayaa ahaa in Wafuuda ka socota Somaliland iyo Puntland ay ka mid noqdaan wafdiga Wasiirada Adeega Bulshada ee Dowlada Federaalka ee Somaliya ayna wada fadhiistaan miiska loogu tala galay Dalka Soomaaliya.

 

Balse Maanta oo uu shirka furmay oo lagu waday in ay wafdiga ay Hogamineyso Wasiirkada Adeega Bulshada ay shirka ka soo qeyb galaan waxaa aan ka soo qeyb galin furitaanka shirka Wasiirka Caafimaadka ee Somaliland Dr. Xuseen Maxamed Maxamud (Xoog) ka cudurdaartay ka qeyb galka Shirka isagoo sheegay in ay jiraan xaalado shaqsiyeed.

 

Balse ilo lagu kalsoonyahay ayaa noo xaqiijiyay in Wasiirka Caafimaadka Somaliland Dr. Xuseen Maxamed Maxamud uu ka qeyb galka shirka loogu hadlayo Caafimaadka Aduunka uu kaga baaqday kadib markii Maamulka Somaliland ee Hargeysa ay sidaasi ku amreen.

 

Arintaan ayaa la xiriirtay xiriirka aan wanaagsaneyn ee xiligaan u dhaxeeya Beesha Caalamka, Dowlada Federaalka iyo Somaliland.

 

Somaliland ayaa dhowaan sidoo kale waxa ay diiday in ay ka qeyb gasho shirkii London ee looga hadlayey taageera caalamka ee wadanka Soomaaliya.

 

Goor dhow Naga filo Wareysiyo arintaan la xiriira.

 

Cabdiqani Cali Dalmar

Horseed Media

Geneva-Switzerland

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this