Sign in to follow this  
Xaaji Xunjuf

Somaliland government tells the Admin Mogadishu independence will be preserved with our Might.

Recommended Posts

Xukuumadda Somaliland Oo Jawaab Ka Bixisay Hadalkii Deel-qaafka ahaa ee Madaxweynaha Soomaaliya

 

May 20th, 2013

 

“Somaliland caadifad kumay dhalan, ninkii yidhaahda caadifad bay ku dhalatayna waa nin xaqiiqada indhaha iska qabanaya”

 

Hargeysa (Somaliland.Org)- Madaxtooyada Somaliland ayaa jawaab adag ka bixisay hadalkii qiimihiisu hooseeyey ee Madaxweynaha maamulka Muqdisho Xasan Sheekh Maxamuud ku yasay shalay madaxbannaanida Somalialnd ee uu ku tilmaamay caadifad waqtigeedii laga soo gudbay.

 

Wasiirka Madaxtooyada Somaliland Md. Xirsi Cali Xaaji Xasan, ayaa ku tilmaamay dhawaaqaasi ka soo yeedhay Madaxweynaha Soomaaliya mid riyo ah oo ka fog mabda’a gooni-isu-taagga Jamhuuriyadda Somaliland iyo dareenka ay qabaan shacabka reer Somaliland oo ku adag madaxbannaanida dalkooda.

 

“Shacabka reer Somaliland waxay xuska 18-ka May muujiyeen dareenkoodii, waxay la hadleen qof kastoo niyaddiisu hoosaysay ama welwel ku jiray oo u baqayey Somaliland, waxa kale oo ay la hadleen Soomaaliya oo aan weli ka quusan midnimadii, laakiinse dadka reer Somaliland ay muujiyeen in midnimadu ahayd waxay markii hore iyagu ula tageen, markii dambena iyagu go’aansadeen inay la soo noqdaan madaxbannaanidoodii.”

 

“Waxaan leeyahay masuuliyiinta Soomaaliya ee dareenka shacabka Somaliland sida khaldan uga jawaabaya ee caadifadda ku tilmaamay wuxuu kaasi la mid yahay kii hore u dafiray dareenkii reer Somaliland markii 1960-kii la isku daray ee yidhi dadka reer Somaliand waxba loogama baahna ee quudhsaday ee kellifay inay qoriga qaataan, dhiiggooda daadiyan iyo waqtigii dheeraa ee ay u dagaallameen xornimadooda, waxaan hubaa iminka inay u dagaallami donaan jiritaankooda, dhiiggooda, dhaqaalahooda iyo xornimadoodba, waxay hore ula dagaallameen maamulkii Siyaad Barre oo ahaa xilligaa dawladihii Afrika ugu xoogga waynaa.

 

Dadka reer Somaliland dareenkoodu waa kaa ay muujiyeen, Somaliland caadifad kumay dhalan, ninkii yidhaahda caadifad bay ku dhalatayna waa nin xaqiiqada indhaha iska qabanaya. Waxaannu leenahay Somaliland jibbo kumay iman, cidi kumay khasbin ee dareen bulshada ka yimi oo ah mabda’ aasaasi ah inay madaxbannaanaadaan oo aan cid ka noqonayn, haddii ictiraafku inta uu doono gaadhayo, waxaanuna aamisannahay ictiraafku waa himilo qaran, waanuna gaadhi doonnaa annagoo isku duuban sidii aannu himiladayadii hore ee in aannu dalkayaga xorreyno u gaadhnay. Sidaa darteed, nin kasta oo dareenkiisu muujinayo inuu quudhsado madaxbannaanida bulshada reer Somaliland waxaan leeyahay dadkani waa kuwii inay ka sii adkaadaan oo waxbartaan oo ka sii fara badataan oo dhaqaale iyo dawlad ay helaan mooyee aanay waxba ka dhicin,” ayuu yidhi Wasiir Xirsi oo hadal ka jeediyey xalay xaflad Jaamacadda New Generation ku xusaysay dabbaaldegga 18-ka May.

Wasiirka madaxtooyaddu waxa uu beesha caalamka ugu baaqay inay ixtiraamaan rabbitaanka shacabka Somaliland, waxaannu yidhi, “Waxaan beesha caalamka u sheegayaa dareenka bulshadayadu waakaa, maaha wax aannu annagu ku khasabnay ee wax ay dooneen ayaanu ku hoggaaminaynaa, kuna shaqaynaynaa oo ugu adeegaynaa.

 

“Waxa kale oo aan leeyahay bulshada reer Somaliland aan dhabar-adaygno oo isku duubnaano, aan u samirno waqtiga, dhallinyarada guud ahaan Somaliland waxaan leeyahay Somaliland waxa loo soo maray dalkan dadaal intaa ka badan, waxa la soo geliyey tacab badan haddii ay tahay xornimadii 1960-kii iyo dib-ula soo noqoshadii xornimadaba,” ayuu hadalkiisa raaciyey Wasiirka Madaxtooyada Somaliland Md. Xirsi Cali Xaaji Xasan.

Share this post


Link to post
Share on other sites

“Somalia Waxaan U Soo Jeedin Lahaa In Aanay Ku Riyoon Somaliland”

 

May 20th, 2013

 

HARGYESA (Somaliland.Org)- Guddoomiyaha Golaha Wakiiladda Somaliland ahna Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee WADDANI Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) ayaa jawaab ka bixiyay hadalkii ka soo yeedhay Madaxweynaha Somaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ee uu ku diray Qaranimadda iyo Jiritaanka Somaliland.

 

Guddoomiyaha Golaha Wakiiladda Cabdiraxmaan Cirro oo maanta Shir Jaraa’id ku qabtay Xafiiskiisa ayaa Shacabi-weynaha Somaliland uga mahad-naqay siddii waddaniyadda lahayd ee ay uga qayb-qaateen xuska laba iyo laabaatan guuradda dib ula soo noqoshadda qaranimadda Somaliland ee 18 May.

 

Guddoomiyaha Golaha Wakiiladda Cabdiraxmaan Cirro waxa hadaladiisii ka mid ahaa “Waxa aan ku celinaya ama Madaxweynaha Somalia ha noqdo ama Wasiir Somalia ah ha noqdo ee in aanay arimaha Somaliland mid iyaga u taala ahayn oo ay ka arimin karaan iyaga (Somalia)ayaa looga baahan yahay inay mideeyaan wax Somaliland kaga jirana ma jirto,si cad ayaanu arinta u canbaareyneyna oo wax kasta oo Qaranimadda Somaliland ka soo horjeeda cida ku kacda waanu canbaareyneyna waayo Somaliland waa dal Somalia ka duwan oo gobanimadoodii qaatay marka waxa aanu Qaramadda Midoobay ka codsaneyna inay Ixtiraamto Axdiga iyaga u yaala oo si cad ayay u qeexaysa inay umad kasta xaq oo dawladd iyo Nidaam shaqeynaya lihi ay aaya hooda ka tashan karaan”

 

Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee Wadani Md Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi(Cirro) waxa uu intaas ku daray “Xukuumadda Somalia-na waxa aan u soo jeedin-laha in aanay ku riyoonin inay Xukuumadda Somaliland ay qayb ka tahay waxanu dal kasta xaq u leeyahay in uu is daafaco marka lagu soo xad gudbo oo ilaashado Xuduudahiisa,lana hadlo qaramadda Midoobay iyo dawladdaha jaarka la ah,Marka Somaliland dhinac kasta way ka dagaalamaysa runtii mana qabo arimaha ay wadaan inay yihiin qaar ay ku guulaysan karaan runtii oo anigu waxa aanan hubin uun in gabi ahaan lagu wixii lagu heshiiyay burburay balse dhaawac wayni wuu soo gaadhay qodobadii shirkii Ankara ka soo baxay,Somaliland-na inay is difaacdo ayay xaq u leedahay si Diblomaasi ah inay dawlad kasta iyo qaramadda midoobayba la hadasho ayay xag u leedahay waanay sameyneysa sidaasi”

 

Gddoomiye Cirro oo hadalkiisa sii wata, waxa uu yidhi “Faysal Saaxiib ayaanu nahay mana jecli in aan arintiisa aad ugu dheeraado laakiin Mawqaf kaygu waxa weeyaan in uun wax kasta oo wax u dhimaaya Qaranimadda Somaliland in layska ilaaliyo,aniguna labad xil een isku hayo bal u fiirsada oo tiro koob ku sameeya cid kastaaba laba xil ayay isku haysa waana iska gabo gabo cidii Xiiseyneysaana ha soo diyaar garowdo,in kasta oonan anigu arimaha Somalia xogogaal u ahayn Heshiiskii sida aad aragteen laba dhinac ayuu aha oo ay wada galeen Jamhuuriyadda Somaliland iyo Federaalka ah oo Cali Khaliif iyo Xildhibaano kaleba way saluugeen marka Qolada Somalia waxa aan odhanlaha uun Mooshinadda Xildhibaanadaas iyo Baarlamaankooda Muqdisho ka socdaana iyaga ayay gaar u yihiin laakiin waxa aan filayaa uun inay arintaasi(Mooshinka Muqdisho ka socda) inay Culeys weyn ku tahay Xukuumaddaasi”

 

Guddoomiye Cirro waxa kale oo uu Shacbi-weynaha Somaliland uga mahad celiyay Sidii Wadanayada lahayd ee ay uga qayb qaateen xuska laba iyo labaatan guuraddii Qaranimada Somaliland ee 18-ka May ee ay u muujiyeen dareenkooda dhabta ah ee gooni isu-taaga Somaliland.

Share this post


Link to post
Share on other sites

I think if Oodweyne, Saalax, Xaji Xunjuf were given a choice, "Be banned from SomaliaOnline in exchange for Somaliland's Independence" or "Stay in SomaliaOnline and and forfeit Somaliland's claims to Independence", they would choose the former. :D

Share this post


Link to post
Share on other sites

Classified;952863 wrote:
I think if Oodweyne, Saalax, Xaji Xunjuf were given a choice, "Be banned from SomaliaOnline in exchange for Somaliland's Independence" or "Stay in SomaliaOnline and and forfeit Somaliland's claims to Independence", they would choose the former.
:D

lool duh your so smart ma is tiri

Share this post


Link to post
Share on other sites

Classified;952863 wrote:
I think if Oodweyne, Saalax, Xaji Xunjuf were given a choice, "Be banned from SomaliaOnline in exchange for Somaliland's Independence" or "Stay in SomaliaOnline and and forfeit Somaliland's claims to Independence", they would choose the former.
:D

if Somaliland was given recognition tonight i would no longer post on SOL it will be inappropriate to post on a site that you re not from

Share this post


Link to post
Share on other sites

Qaranimadda Jamhuuriyadda Somaliland Waxba Laga Waydiin Maayo Nin Beebeeyadda Ciidamadda AMISOM Magan U Ah, Nin Aan Quusanina Isagaa Quus Ah - Boqor Muxumed Geelle

(Hadhwanaagnews) Tuesday, May 21, 2013

Kampala-(HWN)-Waxaan leeyahay nimaan quusta aqoonin isagaa quus ah. S/Land Allah mooyee aadami uma baahna

 

Kampala-(HWN)-Boqor Muxumed Geelle Seed, oo ka mid ah madaxdhaqameedyada Somaliland ayaa sheegay in madaxweynaha Somalia Xasan Sheekh Maxamuud uu ku riyooday midnimadii Soomaaliya ee dhamaatay, kuna tilmaamay hadalada ka soo yeedhay doraad kuwo aanu u miidaan dayin, isagoo intaa ku daray inuu yahay nin beebeeyada ciidamada amisom ee Muqdisho ku sugan u magan ah.

 

 

Boqor Muxumed Geelle Seed oo shalay wargeyska Haatuf khadka Telephone-ka kula soo xidhiidhay isagoo jooga magaalada Gabilay, ayaa sidoo kale

 

shacbiga Somaliland iyo ciidamada dalkaba hambalyo iyo bogadin uga diray sidii hagar la?aanta ahayd ee ay uga qayb qaaten xuska 22 guurada ka soo wareegtay ku dhawaaqistii madaxbanaanida Somaliland ee Sabtidii doraad looga dabaaldegay dalka gudiisa iyo daafaha dunida.

Boqor Geelle isagoo arrimahaa ka hadlaya waxa uu yidhi ?Marka ugu horaysa waxaan shacabka Somaliland ee ku kala dhaqan dalka gudihiisa iyo dibadiisaba aan hambalyo iyo bogaadin uga dirayaa sidii ay shucuurtooda wadaninimo ugu muujiyeen xuska 22 guurada ka soo wareegtay ku dhawaaqistii madaxbanaanida Somaliland ee doraad la xusay, sidoo kale ciidamada kala duwan ee dalka ayaan iyagana hambalyo u dirayaa. Hadalada xanafta leh ee ka soo yeedhay madaxweynaha Somalia ee uu ku sheegay in dawladiisu ay doonayso in Somaliland iyo Somalia ay dib u midoobaan, waxaanu u aragnaa hadalo hawaawiya iyo kuwo riyo ku dhisan, qaranimada Somaliland waxba kama sheegi karo nin magan u ah beebeeyada ciidamada amisom ee Somalia ku sugan, oo xaafada kaliya oo muqdisho ku taala aan xukumin, waxaan leeyahay nimaan quusta aqoonin isagaa quus ah. Somaliland Alle mooyee aadami uma baahna, sidaa darted waxaanu leenahay shakhsiyadka Somalia eek u riyoonaya midnimo dambe oo Somaliland iyo Somalia dhexmarta, kala quusanee qoomamo la?aada?.Xigasho/Haatuf.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this