Sign in to follow this  
MoonLight1

Shacabka ku nool gobollada Waqooyiga Soomaaliya dib ha u liqaan hankooda.

Recommended Posts

Madaxweynaha Soomaaliya oo ka Hadlay Arrimaha Jubbooyinka iyo Gooni-isku-taagga Maamulka Somaliland

 

Sabti, May 18, 2013 (HOL) — Madaxweynaha Somalia, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa markii ugu horreysay ka hadlay arrimaha ka taagan Jubbooyinka, isagoo sheegay in waxyaabaha ka taagan ay qayb ka yihiin waxyaabihii ay muddada ka digaysay dowladda.

 

Sidoo kale, Xasan Sheekh ayaa ka hadlay Somaliland, isagoo xusay in midnimada Soomaaliya ay tahay mid muqadas ah, loona baahan yahay in shacabka ku nool gobollada Waqooyiga Soomaaliya ay dib u liqaan hankooda.

 

"Waxyaabaha ka dhacaya Jubbooyinka waa arrimihii ay dowladdu ka digayso muddooyinkii lasoo dhaafay, waxaana caddaatay in shirarkii Jubbooyinka ka socday iyo wixii kasoo baxayba aysan ahayn wax loo dhamaa," ayuu yiri Xasan Sheekh oo ka hadlayay xaflad lagu furayay xarun lagu xannaaneeyo agoonta oo laga furay degmada Wadajir ee gobolka Banaadir.

 

Xaruntan lagu xannaaneynayo agoobta oo lagu magacaabo ANADOL ayaa waxaa maalgelisay dowladda Turkiga, iyadoo loogu talogalay in lagu xannaaneeyo saddex 300 oo agoon Soomaaliyeed ah si ay u helaan nolol wanaagsan iyo waxbarasho.

 

Madaxweyne Xasan ayaa sheegay in shacabka ku nool Jubbooyinka ay yihin dad nabadeed; sidaasi darteedna aan loo baahnayn in colaad la geliyo, isagoo sheegay inay wali jirto fursad xal looga gaari karo arrimaha ka taagan Jubbooyinka.

 

Dhanka kale, madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh oo soo hadal qaaday arrimaha Somaliland ayaa sheegay in la gaaray xiliga la xajin lahaa midnimda ummadda Soomaaliyeed; ayna tahay in meel la iska dhigao waxyaabihii lasoo dhaafay lagana fikiro mustaqbalka dalka iyo dadka Soomaaliyeed.

 

Madaxweynuhu wuxuu sheegay inaysan jirin wax colaad ah oo dadka ku nool Koonfurta ay u qabaan dadka waqooyiga Soomaaliya ku nool, sidoo kalena loo baahan yahay in laga shaqeeyo sidii midnimada loo adkeyn lahaa.

 

Hadalka madaxweynaha ayaa kusoo beegmaya xilli Somaliland ay u dabaal-degayso maalinta sanad-guuradii 22-aad ee kasoo wareegtay markii ay ku dhawaaqday Somaliland inay ka go'day Somalia inteeda kale.

 

Ugu dambeyn, madaxweynuhu wuxuu ka hadlay arrimaha federaalka; isagoo sheegay in dowladda Somalia ay ogoshahay in Somalia laga hirgeliyo federaalka; balse loo baahan yahay in laga fikiro sidii lagu dhaqangelin lahaa.

 

 

Hiiraanonline

Share this post


Link to post
Share on other sites

^^ And what can he do is this something new we know Hassan stance that he is opposed to Somaliland , Were you expecting something different Moonlight. The man has to be fair he cannot support Somaliland. The man is fighting a Kenyan Jubbaland project. He is confined in a small territory in the south. To the south of him there are Kenyans and Somalis building an autonomous state. To the north there is another autonomous state that he is not in control of. And to the far north west there is the Somaliland republic who already said they have nothing to do with him. The man has a big challenge lets see sidu uga dabasho walaalkeen xassan culusow:D

Share this post


Link to post
Share on other sites

NEWS!!!! Just reinforces a belief widely held in Somaliland that Somalia is devoid of reason and would rather jump into the frying pan than face the facts.Instead concentrate the huge tasks ahead & inform your public whether Kismayo is Kenya or under Mogadishu!

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this