Sign in to follow this  
Xaaji Xunjuf

Somaliland republic celebrates 22nd Anniversary of Independence+PICTURES and festivals

Recommended Posts

Madaxweyne Siilaanyo Oo Khudbad Quluubta Dadweynaha Soo Jiidatay ka jeediyay Xuska 18-ka May

 

May 18th, 2013

 

“Shalay Annagaa Soomaalinimada dan moodaynay ee waa nala nacsiiyey, Annagaa bilaa shuruud iyo is aamin ku tagnay, waa nalagu kalifay in aan idinka aamin baxno”

 

“Somaliland waa xaqiiqo jirta, sax iyo xaq toonana maaha in beesha caalamku iska indho iyo dhago tirto xaqiiqdaa aan hummaaga lahayn”

“Wax kasta oo ay nagu kalifto Madaxbanaanida iyo Qaranimada Somaliland waa lama taabtaan”

 

“Kulamadii Somaliland Iyo Soomaaliya waxa ka soo baxay heshiisyo summad u ah jiritaanka qaranka Somaliland”

 

Hargeysa (Somaliland.Org)-Madaxweynaha Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa khudbad dheer oo siyaasiya u jeediyay shacbiga Somaliland Munaasibadda 22-guurada ka soo wareegtay dib ula soo noqoshadii xornimada Somaliland darteed.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Madaxweynaha Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo oo dadweynaha khudbad uga jeediyay barxada hore ee xarunta Madaxtooyadda Somaliland, waxa uu kaga hadlay arrimo badan oo ay ka mid tahay waxqabadka xukuumadda, siyaasadda, cilaaqaadka Somaliland iyo beesha caalamka.

Khudbadii Madaxweyne Axmed Siilaanyo oo dhammaystirani waxay u dhignayd sidan:-

 

“Dhamaan Bulshada reer Somaliland waxaan ugu Hambalyeynayaa farxada maalinta Qaranimada JSL ee 18-ka May. Guud ahaan waxaan dadkayga ku bogaadinayaa gudo iyo dibedba dabaal degga sannad guurada 22aad ee aasaaskii Jamhuuriyadda Somaliland. Waxaan Ilaahay uga mahad celinayaa Nabad-gelyada iyo Nimcada uu ina siiyey iyo horumarka uu ina waafajiyey.

 

Waxaan idiin cadaynayaa in waddanka Somaliland yahay:

 

• Waddan xor ah, Nabdoon isla markaana Dimuqraadiya.

• Waa waddan ina deeqa oo inagu fillan.

• Waa waddan ay dadkiisu gacmahooda ku dhisteen.

• Waa waddan ay dadkiisu ilaashanayaan.

• Waa waddan ay Dunidu ixtiraamto.

 

Walalayaal waddan kasta waxa wax ka dhiga dadkiisa, waxaa horumar gaadhsiisa Ummadiisa, waddan wuxuu taabbo-galaa oo horumar ku talaabsadaa marka dadkiisu meel u wada jeesto, isku duubnaadaan una midoobaan Qaranimada.

 

Horumarka dalku waa halbowlaha koowaad ee aynu higsanayno, waxaad ogtihiin halka uu dhaqaalaha wadanku marayey , waanad ka war-haysaan halka aanu gaadhsiinay, balse wali fari kama qodna, weli waxaanu u faydanahay sidii uu dhaqaalaheenu u gaadhi lahaa meel halkaa ka sii fiican. Waxaanan garwaaaqsanahay baahida jirta iyo heerka ay nolosha bulshadu marayso iyo duruufa kala duwan ee ay ku nool yihiin dadkaygu, waxaan garawsanahay, oo ogahay xilka iyo masuuliyada iga saaran, cidina igama jecla inay gaadhaan nolol aad u fiican, waxbarasho, caafimaad, cunto iyo biyo ku filan, waxaanse ka xumahay in dadkaygu maanta dayaceen Xoolihii, Deegaankii iyo waliba Beerihii!

 

Sidee baynu ku horumaraynaa hadaynaan ku tacbin dhulkeena? Hadaynaan u samrin oo u dhididin Dhulkeena?

 

Walaalayaal, dunida maanta waynu isu furanay oo wufuud badan iyo dalxiisayaal kala duwan ayaa maalin walba ina soo booqda, Soomaalidu waxay tidhaa “hugaagu wuu kula marti tagaa”.

 

Waxaanu dib-u-dhis, dib-u-habayn iyo dhismayaal cusub oo bilic leh ku kordhinay xafiisyada wasaaradaha dawlada badankooda.

 

Waxaanu ka bilownay Caasimada wadooyin casri ah, si aynu ula tartano caasimadaha dalalka jaarka ah iyo kuwa dunida, insha Allaahu goboladana waanu gaadhsiin doonaa. Waxaanu dardar gelinay dhismaha wadooyinka laamiga ah ee magaalooyinka isku xidha.

 

Waxaan idiinku baaqayaa inaad gacan ka gaystaan oo aydaan waxba kala hadhin mashaaricdaas kala duwan ee aynu ku talaabsanay fullintooda.

 

Beesha caalamka waxaan leeyahay, dadkaygu waxay u tashadeen aayahooda, dalkaygu wuxuu lasoo noqday Madax-banaanidiisii iyo Qaranimadiisii, Somaliland waa xaqiiqo jirta, sax iyo xaq toonana maaha in beesha caalamku iska indho iyo dhago tirto xaqiiqdaa aan hummaaga lahayn.

 

Madaxweynaha

 

Bulshada Somaliland waxay xaq u leedahay “Self Determination” sida Bulshada Caalamka intiisa kale. Dalkani maaha wax xalay dhashay, wuxuu leeyahay taariikh, waxaa dadkiisii u soo galeen halgan dheer, dedaal-kaas oo ay ku hanti-yeen gobanimadii 1960-kii, gumaystihii dalkooda kaga kiciyey gacmahooda iyagoo Rabi-good la kaashanaya.

 

Midnimada maanta la hadal hayo, dadkanaa (Reer Somaliland) horseed u ahaa iyadoo ay niyad wanaag iyo walaalnimo qalbigooda ka buuxdo. Nasiib daro, maalintii la is raacay shan maalmood dabadeedba Midnimadii waa lagu hungoobay, waxaanay ahayd 5-tii July markii uu Yuusuf Ismaaciil Samatar Gaandhi Khudbad uu jeediyey *****lka kaga qaaday xaqiiqdii Jirtay in ahayd in is-raacii aanu u dhicin sidii laga filayey Midnimadiina lagu Hungoobay! .

 

Waxay ahayd dhacdo aan la dafiri karin in Dastuurkii laysku raaci lahaa ee Somaliland iyo Soomaaliya ku midoobi lahaayeen dadkii Reer Somaliland ay 90% ugu codeeyeen Maya “NO”, iyagoo Diidmo qayaxan kala hor yimid, balse nasiib darro dhagahaa laga furaystay, taasi waxay dhaxalsiisay inqilaabkii dhalinyaradii Saraakiisha ahaa ee reer Somaliland ay Xilligaas sameeyeen. Kaas oo bannaanka soo dhigay tabashadii iyo dareenkii reer Somaliland.

 

Gilgilashadaasi ismay taagin ee waxaa ku xigay Mudaharaadkii Macalimiinta ee loo yaqaanay “Bakayle-qalad” iyo is-casilaadii Wasiiradii reer Somaliland ee Xilka ka hayey xukuumadii Muqdisho.

 

Waxaanay ahayd Nasiib-daro in aan la tix-galin dareenkaa ee sida imikaba caadada u ah Soomaaliya in dad Suuqa jooga oo aan metelin Bulshada Lagu Buuxsado kuraasta, waxay ahayd quustii ay dadka reer Somaliland israacii kaga talax-gabeen.

 

Muddo yar ka dib, waxaa bilaabmay qalalaasihii iyo afgembigii dawladii digteetarka ahayd, cid dambana tallo lama waydiin, waxaana lagu war helay iyadoo dadka la isku xidh-xidhay laguna xasuuqay JAZIIRA, ganacsatadii qoorta laysugu dabay oo la dhigay Burco, Malko Durduuro, Kal-sheekh iyo goobo badan oo aan tiro lagu soo koobi karin.

 

Waxay ahayd nabar xanuun badan iyo wax naxdin leh, oo aan la ilaawi karin diyaradiihii Hargeysa ka kacayey ee duqaynayey maatadii Hargeysa ay ka baro kiciyeen illaa intii ay dhaafeyeen xuduudka Ethiopia.

 

Waxaan leeyahay madaxda Bulshada Soomaaliya hindisaha Midnimada anagaa keenay nalama khasbin Shalay annagaa Soomaalinimada dan moodaynay ee waa nala nacsiiyey, anagaa bilaa shuruud iyo is aamin ku tagnay, waa nalagu kalifay in aan idinka aamin baxno, waanu soo tijaabinay Midnimada Kalsooni dambe naguma hadhin diyaarna uma nihin riyadii beenowday ee 5tii Somaliyeed.

 

Wax kastoo ay nagu kalifto Madaxbanaanida iyo Qaranimada Somaliland waa lama taabtaan Go’aanka bulshaday ku timi, gummaca mujaahidkay ku dhalatay, gargaarka Eebbey ku dhisan tahay.

 

Haddaba walaalayaal midnimo hadhay oo 5 Somaliyeed soo noqon mayso ee yaynaan walaalnimada seegin, Somalida Djibouti waa Dawlad Ilahayna haw Barakeeyo Dawladnimadooda, Soomalida Kenya Dawladooda wax ha la qabsadaan Ilaahayna ha isu barakeeyo, Soomalida Ethopia Dawladooda wax ha la qaybsadaan Illahayna ha isu barakeeyo. Somaalilandna halkeeda Alle ha u barakeeyo, dhammaanteen walaalo iskaashada aan ahaano sida walaalaha carbeed.

 

Waxaynu dhidibada u taagnay qaran dimuqraadi ah, oo ku dhisan nidaamka axsaabta badan. Madax banaanida Garsoorka, Golayaasha sharci dejinta iyo xukuumada kaas oo ku salaysan mabadiida Caalamiga ah ee dhawrista xuquuqda aadamaha, Maamul wanaaga, Horumarka iyo la dagaalanka musuqmaasuqa.

 

Waxaynu dib-u-dhis iyo horumarin ku samaynay maamulka dawladnimo, amniga, difaaca qaranka iyo adeegyada bulshada.

 

Inaga oo ka bilownay wadamada aynu jaarka nahay waxaynu adduunyada kula dhaqanay jaar wanaag, wax wada qabsi iyo in aynaan faro galin ku samayn arrimaha u gaarka ah dalalka kale.

 

Dhammaan talaabooyinkaasi waxay ay dhabada u xaadhayaan inaynu ka midho dhalino qadiyada madax banaanida Jamhuuriyadda Somaliland, waxaynu ku talaabsanay inaynu usoo bandhigno beesha caalmka jiritaankeena, heerka aynu gaadhnay iyo sida ay inooga go’aan tahay hanashada madax banaanideenu.

 

Waxaynu ka badheedhnay, in aynaan cidna uga waaban in aynu tagno, kana qayb-galo gole kasta oo lagaga hadlayo arimaha Somaliland, talaabadaasi waxay inoo soo kordhisay:

 

• Inay qadiyadeenu gaadho fagarayeyal badan oo aanay hore u gaadhiin.

 

• Inay qadiyadeenu noqoto mid caalamku xog-ogaal intii hore ka badan u yahay maanta.

 

• Inay abuurmaan dalal badan oo danaynaya gogolna u fidiyay wada hadalada Somaliland iyo Somalia.

 

Waxaa kulamadaas ka dhashay kana soo baxay heshiisyo caalamku goob joog ka yahay oo summad u ah jiritaanka qaranka Somaliland.

 

• Inaan faro-galin lagu samayn karin qaranimada JSL wax walbana lagu dhamaysto wada hadal iyo wada xaajood ku dhisan nabad gelyo iyo is ixtiraam.

 

• Waxaynu kasbanay daneeyayaal cusub oo maalgashi ka bilaabay dhulkeena.

 

Gudo iyo dibed, maanta arrimaheenu waxay galeen marxalad cusub oo aynu ku xaqiijinayno horumarka dalkeena iyo hanashada madax banaani buuxda oo aynu gaadhno, geed dheer iyo geed gaabanba waynu u fuuli, god kasta oo ay inala gashaba waynu ka saari doonaa Insha Allaahu.

 

Gabo-gabo

 

Nabad galyada, Midnimada ummada iyo difaaca qaranimadu waa aasaaska dawladnimada, waxaan salaan, bogaadin iyo mahad naq u soo jeedinaya Ciidmada kala duwan ee hadh iyo habeen utaagan illaalinta nabad gelyada iyo difaaca qaranimada dalka.

 

Waxaan taa mid la mid ah u soo jeedinayaa wax-garadka, madax-dhaqameedka, Culimada, Dhalinyarada haweenka iyo dhammaan muwaadiniinta ku garab taagan gudashada xilkooda.

 

Waxaan ugu baaqaya Shacabka reer Somaliland inay isu taagaan dib u dhiska iyo horumarka dalkooda, inay dhexda u xidhaan una midoobaan ka difaaca gobanimadooda, cadawga gudaha iyo ka Dibeda.

 

Waxaan ugu baaqayaa inay dhawrtaan sharaftooda, gobanimadooda, dhaqankooda iyo diintooda, marxalad kasta oo ka hortimaadana ay kaga gudbaan wadajir iyo midnimo. Waxaan balan qaadayaa inaan dalkayga iyo dadkayga ku hogaamiyo dariiqa horumarka, dhawrista xuquuqda, amniga, difaaca qaranka iyo qabyo tirka madax banaanida dalka Insha Allahu. Waxa aan eebe inooga baryayaa in aynu ku gaadhno munaasibadan teeda kale nabad-gelyo, Horumar, Ictiraaf iyo Midnimo, in Illahay qaranka ka dhigo mid waara oo dadkiisu ku noolaado Gobonimo, Barwaaqo, Sharaf iyo Horumar. Mahad Eebaa Leh, idina waad mahadsantihiin.”

 

Dhinaca kale, Kumanaan dadweyne ah ayaa maanta qarqiyay jidadka waaweyn ee magaaladda Hargeysa kuwaasi oo sitay calanka Somaliland oo ay ka dhigteen koofiyado, garamo, jeeni qaar, toobad iyo istiikaro.

 

Sidoo kale waxa socod gaardis ah ku maray jidka badhtamaha magaaladda Hargeysa sadexda ciidan qaran, shaqaalaha dawladda, ururadda bulshadda, jaamacadaha iyo ardayda dugsiyadda sare.

Share this post


Link to post
Share on other sites
D.O.C   

Xaaji Xunjuf;951794 wrote:
" frameborder="0" allowfullscreen>

Waar kan dresska milatariga xidhan ee heesayaa miyaanu ahayn nuuuuuuuuuuuur daalacy mise waa mid u eeeeg?

Share this post


Link to post
Share on other sites

Somaliland waits for worldwide recognition

 

 

AljazeeraAljazeera –

 

Somaliland waits for worldwide recognitionView Photo

 

Somaliland waits for worldwide recognition

 

The Horn of Africa has been ravaged by war and famine for decades, and now one of Somalia's regions, hopes to become an independent state.

 

Somaliland sits on the Gulf of Aden and is officially regarded as an autonomous region of Somalia. The two were, however, separate until 1960. During the civil war in the 1980s, 40,000 people from Somaliland were killed, and nearly half a million fled.

 

The region then declared independence in 1991. Since then, it has held four peaceful elections.

 

Ahmed Mahamoud Silany, the president, told Al Jazeera that Somaliland would like to retain its independence, despite Somalia's calls to be united with region.

 

"I think I have been very clear too, that we are going to retain our independence," he said.

 

"We would like to remain friends with Somalia, we would like to cooperate with them.

 

"But as far as our independence is concerned. It is not I who has decided, it's not my government who has decided.

 

"It the people of Somaliland, and the history of Somaliland, which has decided that Somaliland is going to be, and has always been a different country."

 

Foreign investment

 

Al Jazeera's Nazanine Moshiri, reporting from Hargeisa on Friday, said that while war has raged in Somalia for decades, Somaliland has managed to unite its people.

 

"It is now the biggest exporter of livestock to Saudi Arabia," she said. "Much of the progress has been down to Somalis sending money from abroad."

 

 

Poverty, however, remains high and because Somaliland is not recognised as an independent state, it is not eligible for international development loans.

 

The UN and the African Union have both rejected calls to recognise Somaliland.

 

"Without recognition, it cannot get the foreign investment it needs," our correspondent said, adding that aid is instead sent to Somalia.

 

On Tuesday, in response to a move by Somalia to assume full control of Somalia's entire airspace, including Somaliland, Mohamud Hashi Abdi, Somaliland's civil aviation minister, issued a ban against all UN flights from its airports.

 

"We had already signed an agreement which allows an independent panel to control the airspace," Hashi was quoted by local media as saying in Hargeisa.

 

Elsewhere in southern Somalia's Jubaland, a "warlord" assumed presidency of the region on Wednesday.

 

Ahmed Madobe was elected Jubaland's "president" by a conference of about 500 elders and local leaders, but was challenged by Barre Hirale, a former Somali defence minister.

 

"I was nominated president of Jubaland by the elders ... I call on the people to support my presidency to assist me in bringing peace," Hirale said.

 

Potential rift

 

Madobe is a key ally of Kenya, and his appointment risks opening a rift between Kenya and Somalia, according to AFP news agency.

 

With tensions already high, the move raised the risk of clashes between rival factions in the southern port city of Kismayo, a former stronghold of the al-Qaeda-linked al-Shabab, where Kenyan troops in an African Union force are now based.

 

Jubaland lies in the far south of Somalia and borders both Kenya and Ethiopia, and control is split between multiple forces including clan militia, the al-Shabab, Kenyan and Ethiopian soldiers.

 

Jubaland joins other semi-autonomous regions of the fractured Horn of Africa nation, including Puntland in the northeast, which wants autonomy within a federation of states, and Somaliland in the northwest.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Dr_Osman   

Xaji xunjfow ogow sanadka kowda august waxba lama harayno. Airforceki ayaa ka duuli doono ogow

Hubkasi iyo cidamadasi aad soo ban-dhigteen mid ka si badan baan soo bandhigayna. Wa inoo kowdi

Share this post


Link to post
Share on other sites
Dr_Osman   

Xaaji Xunjuf;951807 wrote:
Fantastic Osman hana so duqeyn uun:D

Wallahi waxba lama harayno sanadkan. Inti aanu xishoonay nagu filane.

 

Sanadkani waxaanu kow soo bandhigayna airforceka oo furi doono marchka. Waxaa ku xigi doono marineka iyo hubkooda, waxan ku xiggi doono darawishta iyo hubkooda, waxana ku xiggi doono PISTA iyo hubkooda. This year we will put on a big event

Share this post


Link to post
Share on other sites
Tallaabo   

Dr_Osman;951806 wrote:
Xaji xunjfow ogow sanadka kowda august waxba lama harayno. Airforceki ayaa ka duuli doono ogow

Hubkasi iyo cidamadasi aad soo ban-dhigteen mid ka si badan baan soo bandhigayna. Wa inoo kowdi

Lol ;)

It is all in your head Ditoore because Puntland is our good neighbour. We cooperate on many areas of mutual interest.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this