Sign in to follow this  
MoonLight1

Breaking news: Jubbaland presidential poll underway.

Recommended Posts

BEAKING NEWS—Codeyntii doorashada Madaxweynaha Jubaland oo hada soo gabagaboowdey– Axmed Madoobe oo lahadal hayo inuu guuleystey

 

War Deg Deg ah– 15 may,2013–Kismaayo-Puntlandi– Waxaa saaka si rasmi ah u bilowdey doorashadii Madaxweynaha Jubaland iyadoo Ergooyinku si buuqla’aan ah ay ugu dareereen Sanduuqyada cod bixinta, inkastoo aad loo adkeeyey ka warhelida iyo amaanka goobta doorashadu ka socoto oo aysan jirin cid si rasmi ah uga war bixin karta, hadana Howlwadeenada Puntlandi ee ku sugan goobta, waxay ku dadaalayaan iney wararka rasmiga ah helaan.

Warar rasmi ah lama hayo aan ka ahayn in Doorashadii soo dhamaatey hadana la tirinayo codka, sida aan warka ku helayno, waxaana aad loo hadal hayaa in Axmed Maxamed Islaan (Axmed Madoobe) uu cod buuxa ugu guuleystey Doorashada.

Warar kale ayaa iyana markii hore sheegayay in Cod tirintu ay socoto oo aan wali natiijada rasmiga ah lasoo gudbin ilaa hada.

Gabi ahaan Waxaa xiran khadka Teleefoonada oo amar ay ku bixiyeen Maamulka kumeelgaarka ah in la xiro ilaa doorashadu ka dhamaaneyso sidaas awgeed haka dheeraan Puntlandi.com oo ah isha kaliya ee aad ka heli kartaan Wararka Kismaayo,

Share this post


Link to post
Share on other sites

Kismaayo: (pp)- Magaalada Kismaayo ayaa waxaa gabo-gabo kudhow doorashada hogaamiyeyaasha cusub ee Jubbaland State ay yeelan doonto Sanaha soo socda, waxaana hadda si habsami u socda doorashada Madaxweynaha iyo kuxigeenadiisa.

 

Sidda Wararku nagu soo gaarayaan illaa 6 Musharax ayaa is sharaxay , waxaana loo badinayaa inuu kusoo baxo Doorashada Madaxweynaha Jubbaland State Sh. Axmed Madoobe oo ayaamahan loolankiisa siyaasadeed ka waday Guddaha magaalada Kismaayo.

 

Ammaanka guud ee magaalada ayaa aad loo adkeeyey, iyadoo goob walba ay taagan yihiin ciimo Soomaali ah iyo kuwa AMISOM ee ka socda dalka Kenya.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this