Sign in to follow this  
malistar2012

Xukuumada Somaliland oo ku eedeysay Feysal Cali Waraabe inuu u dhuuntay Madaxweynaha Somalia

Recommended Posts

Xukuumada Somaliland ayaa ku eedeysay Gudoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ee UCID Feysal Cali Waraabe inuu ogolaansho la’aan uu la kulmay Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud mar ay isku arkeen magaalada Birmingham ee dalka Britain xaflad ka socotay.

 

Wasiirka Warfaafinta Somaliland Abiib Diiriye Nuur ayaa sheegay in arrintaas wax lala yaabo ay aheyd, isla markaana ay aad uga xumaadeen.

 

“Arrin aad iyo aad u liqi weynay oo aan qaadan weynay aheyd, Feysal Cali Waraabe oo ka mid ahaa gudigii Somaliland u matalayay wada hadalada inuu la shiray Madaxweynaha Soomaaliya iyo Wasiirka Arrimaha Dibada waana arrin fajaciso nagu noqotay”ayuu yiri wasiirka Warfaafinta Somaliland.

 

Wasiirka Warfaafinta ayaa war saxaafadeed uu soo saaray ku sheegay in arrinta uu sameeyay Feysal Cali Waraabe ay aheyd mid uu qof walba oo reer Somaliland ka xumaado, isagoo cadeeyay in horay mowqif cad isaga taageen shirkii London.

 

“Feysal oo aan ogolaansho heysan oo aan xukuumada ka tirsaneyn, isagoo xisbi mucaarad ah inuu u duso oo uu u tago waa arrin fool xun”ayuu yiri Wasiirka Warfaafinta Somaliland oo u waramay laanta afka Soomaaliga ee BBC-da.

 

Dhinaca kale Feysal Cali Waraabe oo ku sugan magaalada London ayaa ka jawaabay eedeynta uu u soo jeediyay Wasiirka Warfaafinta Somaliland, isagoo tilmaamay inuu salaamay kaliya oo aanay wax kulan dhex marin.

 

“Waa isa salaanay, labo xafladood oo isku dhow baa Birmingham ku laheyn mid ay wadeen Xisbiga UCID iyo Jaaliyada Soomaaliyed halkaas, waa dad saaxibtinimo naga dhaxeysa colaad ma jirto Salaantuna wax shuruud ma lahan”ayuu yiri Feysal Cali Waraabe.

 

Feysal Cali Waraabe ayaa sidoo kale sheegay in xilligii loo dabaal degayay afka Soomaaliya ay Jabuuti isku salaameen Madaxweynaha Soomaaliya iyo Madaxweynaha Somaliland, isla markaana aanay wax dhibaato ku jirto aanay aheyn hadii la isa salaamo.

 

Warbaahinta qaar ayaa siyaabo kala duwan u fasirayay kulanka dhex maray Madaxweynaha Soomaaliya oo ay wehlisay Wasiirkiisa Arrimaha Dibada Fowziyo Yuusuf Xaaji Aadan oo ka soo jeeda Somaliland iyo Feysal Cali Waraabe, iyadoo uu horay Feysal ula kulmay Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed.

Share this post


Link to post
Share on other sites
nuune   

All the sources you listed are from Konfurians, any source from the other side, we will not believe what folks write on their computers in Stockholm and London.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Tallaabo   

nuune;949360 wrote:
All the sources you listed are from Konfurians, any source from the other side, we will not believe what folks write on their computers in Stockholm and London.

;)

But I will not be surprised if some folks in SL take offence. The Somalia/SL affair is a very sensitive subject there.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this