Sign in to follow this  
A_Khadar

Somalia 2012 human rights report

Recommended Posts

A_Khadar   

Warbixinta Maraykanka ka diyaariyey Xuquuqul Insaanka sanadkii 2012 ayaa lagu sheegay in falalka ka dhanka ah Xaquuqda iyo Xoriyatul Qowlka oo ay ku tilaabsadeen maamulada Puntland, Somaliland iyo dowlada Federaalka Soomaaliya.

 

Warbixinta ayaa waxaa sidoo kale looga hadlay falalka foosha xun oo ka dhanka ah Xaquuqda Addanaha oo ay ku kaceen xoogaga Al Shabaab oo gudaha dalka Soomaaliya ka fuliyey weeraro iyo dagaalo lagu dilay dad badan oo rayid ah. Weeraradaasi oo kamid ahaa kuwo ismiidaamin ah oo lala beegsaday xarumaha shacabka oo ay dad badan ku dhinteen.

 

Warbixintan oo ay diyaarisay Wasaarada Arrimaha Dibada ee Maraykanka ayaa sanad walba lagu eegaa falalka ka dhanka ah Xaquuqul Insaanka ee ka dhaca wadamada Caalamka iyadoo sanadkan si qoto dheer looga hadlay xaalada bini’aadamnimo ee ka jirta dalka Soomaaliya.

 

Puntland

Maamulka Puntland ayaa lagu eedeeyey inuu caburin xoogan ku hayo Saxaafada Madax banaan iyadoo warbixintan lagu soo qaatay xiritaankii Idaacada Horseed Media qeybteeda Bosaaso iyo xariga loo geystay suxufiyiin badan.

 

On October 6, Puntland police under the order of the Ministry of Information closed the offices of Horseed Media in Bosaaso for “spreading false news meant to destabilize peace and stability of Puntland.” The station remained closed at year’s end

 

Sidoo kale hanjabaada joogtada ah ee uu maamulka la beegsado siyaasiyiinta iyo shacabka dowlada dhaliila ayaa lagu tilmaamay kuwo ka dhan ah xaquuqda shacabka iyo xoriyatul Qowlka.

 

Warbixintan ayaa si gaar ah loogu soo qaatay in illaalada Madaxweynaha Puntland Cabdiraxmaan Maxamed Faroole ay rasaas ooda uga qaadeen dad shacab ah oo aan hubeysneyn mudaharaadkii ka dhacay magaalada Qardho bishii November 2012.

 

In November Puntland presidential guards shot and killed a girl and wounded at least two other demonstrators who were protesting against the visit of Puntland’s president to Qardho, Karkaar Region, and his one-year extension in office. The guards indiscriminately opened fired on a crowd of mostly women and children.

 

Waxaa warbixintan sidoo kale looga hadlay in Dowlada Puntland ay u diiday wafdi ka socday kormeerayaasha Qaabilsan Xuquuqul Insaanka ee Xafiiska Qaramada Midoobay ee UNPOS inay booqdaan xabsiyada deegaanka Puntland. Warbixintan ayaa lagu sheegay in Somaliland ay ogolaatay kormeerkaasi.

 

Puntland and Somaliland authorities permitted prison monitoring by independent nongovernmental observers. In Somaliland a prison conditions management committee organized by the UN Development Program and composed of medical doctors, government officials, and civil society representatives continued to visit prisons. Somaliland also allowed the UN Political Office for Somalia (UNPOS) Human Rights Unit to visit prisons; Puntland, however, denied access.

 

Maamulada Somaliland iyo Puntland ayaa lagu eedeeyey inay xabsiyada ku xiraan dad aan wax danbi ah lagu heyn oo arrimo siyaasadeed loo xiro, halka labada maamula xabsiyadooda lagu sheegay kuwo aad u liita oo dadka lagu xiro dhibaatooyin badan kasoo gaaraan.

 

Sidoo kale dadka aan qaangaarin (da’a yarta) ayaa la sheegay in iyagana lagu xiro goobaha lagu hayo dadka kale ee Qaangaarka ah.

 

Somaliland

Maamulka Somaliland ayaa sidoo kale warbixintan lagu sheegay in ciidamadiisa ay dad rayid ah ku dileen magaalada Saylac bishii December ee sanadkii lasoo dhaafay kadib markii ay halkaasi ka dhasheen xiisado salka ku haya natiijooyinkii doorashooyinka golaha deegaanka ee ka dhacay Somaliland 28kii November 2012.

 

Waxaa warbixintan looga hadlay xadgudubyada maamulka Somaliland ee dhanka xoriyatul qowlka iyo hanjabaada joogtada ah ee maamulkaasi uu geysto Saxaafadda Madax banaan iyo dadka shacabka ah. Warbixintan ayaa lagu soo qaatay xarigii Boqor Buur-Madow.

 

Ciidamada Somaliland ayaa waxaa warbixintan lagu sheegay in ay geysteen falal ka dhan ah Xaquuqul Insaanka kadib markii ay rasaas ooda uga qaadeen dad rayid ah oo ku mudaharaadayey magaalada Laascaanood bishii May ee sanadkii lasoo dhaafay, dadkaasi oo ay ku jireen caruur ayey khasaaro dhimasho iyo dhaawac ah. Waxaana la sheegay in dhalinyaro badan oo arday ah la qafaalay oo lagu xiray xabsiga Mandhera.

 

On May 7, Somaliland forces opened fire on peaceful demonstrators in Las Anod, Sool Region, and arrested 64 participating minors. The demonstration supported the newly formed Khatumo State, which was created out of certain regions claimed by both Somaliland and Puntland. At least one student was killed and nine people wounded, including a secondary school teacher. On May 12, the students’ parents called upon the Somaliland administration to release the detained minors, who were being held in the Mandera Detention Center, and expressed concern over their health conditions. In June Somaliland’s president reached a peace deal with the SSC militia representing the regions, which included release of the 64 minors

 

Federaalka

Ciidamada Dowlada Federaalka ayaa lagu eedeeyey inay dhankooda geysteen gabood falo ka dhan ah shacabka, wallow la sheegay in dowlada isku dayday inay dadkaasi tilaabo ka qaado hadana weli way sii socdaan falalka kufsiga iyo dhaca oo ay geysanayaan askar ka tirsan ciidamada Dowlada Soomaaliya.

 

Waxaa sidoo kale warbixintan lagu soo qaatay musuq maasuqa iyo xadgudbyada ay geystaan qaar kamid ah mas’uuliyiinta dowlada iyo in dadkaasi oo aan hada wax tilaabo ah laga qaadin ama aan sharciga lasoo hortaagin.

 

Waxaa dhinaca kale la dhaliilay Garsoorka iyo caalada Dowlada Soomaaliya, iyadoo la sheegay in dad isugu jira Askar iyo shacab lasoo qabtay oo lagu xukumay dil isla markaana lagu fuliyey dilkaasi iyadoo aan wax fursad ah loo siin inay isdifaacaan maxkamada horteeda.

 

Dowlada Federaalka ayaa la sheegay inay dhaanto dhanka Ogolaanshaha in shacabka ay isku imaan karaan oo ay si madax banaan u shir karaan, halka maamulada Somaliland iyo Puntland lagu eedeeyey inay caburiyaan shacabka oo waliba ciidamadooda geysteen dil iyo xarig.

 

The TFC provided for freedom of assembly, as does the federal provisional constitution. General insecurity effectively limited this right in many areas, and authorities in Puntland and Somaliland used force and killed protesters (see section 1.a.).

 

Warbixintan dheer oo meelo badan taabaneysa waxaad ka akhrisan kartaa linkiga hoose:

 

Reports on Human Rights Practices for 2012

 

Horseed Media 2013

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this