Sign in to follow this  
Saalax

Siyaasiyiin Iyo Waxgarad Isaga Baxay Shirka Kismaayo.

Recommended Posts

Saalax   

Siyaasiyiin Iyo Waxgarad Isaga Baxay Shirka Kismaayo.

 

Muqdisho (Ramaas) Apr.18, 2013 - Siyaasiyiin iyo Waxgarad ayaa waxa ay isaga Bexeen Shirka Kismaayo Kuwaasi oo sheegay in ay soconayaan Qorsho Ladoonayo in Dowladda Norway Loogu Fududeeyo Ceelal Shidaal oo Ku yaalla Magaaladaasi Kismaayo.

Aqoonyahanadaan iyo Siyaasiyiintaan Isaga baxay Shirka Kismaayo Ka soconaya ee Maamul Goboleedka Loogu dhisayo Gobollada Jubbooyinka oo dib ugu soo Laabtay Muqdisho ayaa Faah faahin Ka bixiyay Sababaha ay isaga soo Bexeen Shirkaasi.

Siyaasiyiintaan iyo Waxgaradkaan ayaa waxa ay Sheegeen in Shirka Kismaayo uu yahay Mid aanay u dhameen ugu horeyn dadka dada dega Gobollada Jubbooyinka dad dana Gaara kaleh Gobolladaasi Jubbooyinkana ay wataan.

Dowladda Kenya iyo Maamuulka Raaskaambooni ayaa waxa ay ku eedeeyeen in ay qorsheenayaan in dowladda Norway ay u gacan Geliyaan Gobollada Jubbooyinka iyo Gedo si Ceel Shidaalyo ku yaalla Gobolladaasi ay uga qodato halkaasi iyagoo Carabka ku dhuftay in qorshahaasi uu Saxiixay Ra’isal Wasaarihii KMG ahaa Cabdi Weli Max’ed Cali Gaas sida ay hadalka u dhigeen.

Max’ed Cali Xuseen oo ka mid ah Aqoonyahannadii Isaga baxay Shirka ayaa sheegay in umadda Soomaaliyeed uu uga digayo Shirkaasi dhibaato uu u horseedi karo Masiirka dalka sida uu yiri.

Dhawaan ayaa Shirka Kismaayo waxaa lagu Go’aamiyay in Mid ka mid ah Beelaha Dega Jubbooyinka uu U sharaxanyahay Axmed Max’ed Islaam ( Axmed Madoobe ) taasina waxa ay dhalisay in Khilaaf Xoogan uu soo kala dhex Galo Musharaxiinta Kala duwan ee u tagan qabashada Hoggaanka Maamulka Loo dhisayo Jubbooyinka.

Shalay ayaa waxaa Shir Jara’id Ku qabtay Magaalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubada Hoose Siyaasiga Max’ed Cabdi Gaandi oo Horay Xilal kala duwan uga soo qabtay Dowladihii KMG ahaa waxaana eedeyn kulul uu u jeediyay Mid ka mid ah Odayaal Dhaqameedyada kasoo Jeeda Beelaha Dega Jubbooyinka ayna ka go’an tahay in uu Noqdo Musharrax u taagan qabashada Hoggaanka Maamulka Jubbooyinka.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this