Sign in to follow this  
xiinfaniin

More MPs From Mogadishu, Puntland Delegates Arrive Kismayo

Recommended Posts

Daynile reports ...

 

 

Wafdi ka socda maamulka Puntland iyo xildhibaano hor leh oo maanta gaaray magaalada Kismaayo

 

Wufuud kala duwan iyo siyaasiyiin magac ku leh Somalia ayaa saacadihii ugu dambeeyey ku qulqulayey magaalada Kismaayo ee gobolka Jubada hoose halkaasoo uu ka socdo shirka maamul sameynta Jubbooyinka

Wafdi ka kooban illaa shan wasiir oo ka socda maamulka Puntland, uuna hogaaminayo madaxweyne ku-xigeenka maamulkaas C/samad Nuur Guuleed oo ka soo dhoofay Garoowe ayaa gaaray magaalada Kismaayo, iyadoo banaanbax lagu taageerayo shirweynaha Kismaayo uu ka dhacay magaalada Garowe.

 

Maamulka Puntland ayaa si cad u taageeray shirka maamul sameynta Jubooyinka ee Kismaayo, iyadoo wafdiga Puntland ee maanta gaaray Kismaayo la sheegayo iney wadaan deeq dhaqaale oo maamulkaasi uu ugu talo galay.

Sidoo kale waxaa maanta magaalada Kismaayo ka degay 10 ka mid ah xildhibaanada Baarlamanka Somalia oo ka yimid magaalada Nairobi iyagoo ku biiray xildhibaano 40 ka badan oo shalay gaaray Kismaayo kuwaasoo sheegay iney dhexdhexaadinayaan dowlada Somalia iyo Maamulka Kismaayo hase ahaatee u muuqda iney taageersan yihiin shirka halkaas ka socda.

 

Xildhibaanadan oo wada jira ayaa waxay qaadeen calanka cusub ee maamulka Jubba-land iyagoo ka taagay bartamaha magaalada Kismaayo sida wararku ay sheegayaan.

Siyaasiyiinta maanta gaaray magaalada Kismaayo waxaa ka mid ah Shiikh Ibraahim Shakuul oo ah ganacsade Soomaali ah oo degan, hanti badana ku leh magaalada Nairobi kaasoo sheegay inuu yahay musharax u taagan xilka madaxweynaha maamulka Jubba-land, isagoo noqday musharaxii ugu horeeyey ee isku soo taaga xilkaas.

 

Waxaa magaalada Kismaayo horey ugu sugnaa boqolaal ergo oo ka qeyb galaya shirka maamul u sameynta Jubooyinka iyo siyaasiyiin caan ah oo ay ka mid yihiin Cumar C/rashiid Cali Sharma’arke oo soo noqday raisul wasaare, C/wahaab Ugaas Xuseen Ugaas khaliif oo raisul wasaare ku-xigeen ka ahaa xukuumadii Gaas.

 

Axmed Madoobe ayaa la sheegay iney niyadiisa kor u soo qaaday taageerada uu ka helay maamulka Puntland iyo siyaasiyiin ka soo jeeda jubooyinka taasoo uu muuqata inuu uga kaaftoomay dowlada Somalia oo dhaliishay qaaabka uu shirkaas u socdo, isla markaana sheegtay ineysan aqbali doonin natiijo kasta oo ka soo baxda.

Share this post


Link to post
Share on other sites

This is good news indeed.

 

Xiinow tan in lagu kala baxay waxaad dareemaysaa, HAG and Mogadishu conspiracy and its web portals sidi ay language-kooda ubadaleen.

 

Saada Cali heesteedi madhagaysatay, kanu galbay ku kale mooye, walle runbay sheegtay mar hadii ay Dayniile, Hiiraan online, Allcaasida bilaabeen maalmaahan inay isdhiibaan oo runta sheegaan. I must welcome the fair and true reporting of Mogadishu clan based websites.

Share this post


Link to post
Share on other sites

WW,

 

I do have a feeling that most Somalis understand the legality and constitutional basis of Jubbaland State. It is also true few Somalis appreciate the regressive governance style of Saacid and Hassan of attempting to govern through decrees despite the raw experience Somalis collectively went through in the last 40 or so years . When the dust settles, many regions in the south will have come to appreciate the effort that is under way in Kismayo ...it is indeed the beginning of new Somalia.

Share this post


Link to post
Share on other sites

War dag dag ah ” Calanki Jubbaland oo la tagay iyo Damaashad socda.

Kismaayo24 News:

Waxaa manta Magaalada Kismaayo ee Xarunta Jubbada hoose ka dhacay munasabad aad u balaran oo lagu maamusayay Ansixinta Dastuurka iyo saaritaanka Calanka Jubbaland.

 

Munaasabadaan ayaa waxaa ka soo qayb galay Wufuud ka kala timid Gobolada dalka Somalia , Xildhibanada Barlamanka Somalia wufuud calami ah oo ka socota Urur Goboleedka IGAAD iyo xubno kale.

 

Munasabadan ayaa waxaa khudbado kala duwan ka jeediyay Masuliyiin ay ka mid yihiin Sh Axmed Madoobe, Sh, Maxamed Aw-libaax, prof Gandi, Gen Cali Madoobe Xubno ka socday barlamanka Somalia, Xubno ka socda Maamul Goboleedka Puntland iyo Marti sharaf kale

 

Dhamaan Masuliyiinti Meesha Ka hadashay ayaa waxaay so dhaweyeen Ansixinti dastuurka waxaayna isla qireen in manta ay tahay Maalinta rasmiga ah ee ay Jubbaland dhalatay,

 

Khudbado ka dib waxaa la saray Calanki Jubbaland waxaana goobti calanka lagu sarayay lagu soo bandhigay ciyaar dhaqamedyo kala duwan oo ay ka mid ahayeen Ciyaaraha Goobilaha iyo Dhantada,

 

Munasabadan oo aad u balarnayd ayaa waxaay ku soo dhamatay sidi logu tala galay Warbaahinta Kismaayo24 waxaay idin balan qadaysa in ay dhawaan idin soo gudbiso sawirada Munasabaadi Ansixinta dastuurka Jubbaland.

Share this post


Link to post
Share on other sites
The Zack   

Saadaalnews.com ha mogaanina.. it has very upto date audio news.

 

Calankii waa la taagay... Dastuurkii waa loo codeeyay. Taas macnaheedu waa Jubbaland waa dhalatay. Waxaa xigo doorasha madaxweynaha iyo ku xigeenadiisa. Kadibna golasha shacabka.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Baashi   

Pictures awoowe pictures.

 

The presence of the members of the parliament in Kismayo is extremely significant. PM Saacid has just lost their votes. If the clan loyalty and politics is still the name of the game, he has no support from his base. The president's hand has been strengthened. When goings get tough he has always Saacid to blame. With this scapegoat, he can pretend and rise above the fray, blame Saacid for his poor handling of the Juba issue and remind him his lack of leadership when it comes to delivering his clan.

 

Still Saacid can keep his position if he's willing inuu hub reerkiisa issugu dhiibo. Even whith that unlikely scenerio, the presence of AS in the region makes the whole play extrememly difficult. The man has nowhere to go. He's cornered.

Share this post


Link to post
Share on other sites

KISMAAYO: Sheekh Maxamed Ibraahim Shakuul oo ka degay Kismaayo, una sharaxan Jagada Madaxweyninimada Jubbaland State

 

Kismaayo: (pp)- Wafddi uu hogaaminayo Sheekh Maxamed Ibraahim Shakuul oo kamid ah Culimada ka soo jeeda deegaanada gobbolada Jubbooyinka ayaa maanta soo gaaray magaalada Kismaayo ee xarrunta gobbolka Jubbada hoose, ayadoo markii ay wafddigaasi ka soo dageen garoonka diyaarada Kismaayo ay halkaasi ku soo dhaweeyeen masuulyiin ka tirsan maamulka magaalada Kismaayo iyo qeyba kala duwan ee bulshada ku dhaqan magaalda Kismayo.

 

Intaasi kadib ayaa Sheekh Maxamed Ibraahim Shakuul oo warbaahinta kula hadlay garoonka diyaarada Kismaayo waxaa uu ku dhawaaqay inuu yahay musharax u taagan qabashada xilka madaxweynaha maamul gobboleedka Jubbaland kaasoo haatan shirkii lagu dhisi lahaa uu ka socda magaalada Kismaayo. “Kadib markii aan arkay dhibaatada soo noq noqtay ee deegaanada Jubbooyinka iyo Gedo waxaan go’aan ku gaaray in si aan dhibaatadaasi wax uga qabto aan isku soo sharaxo xilka madaxweynanimo ee maamulka Jubbaland,”ayuu yiri Sheekh Shakuul mar uu wariyaasha Garoonka Diyaaradaha Kismaayo kula hadlaayay.

 

Sheekh Maxamed Ibraahim Shakuul ayaa sidoo kale sheegay in hadii uu ku guuleysto xilka madaxweyninimno ee Jubbaland uu dadka ku nool deegaanada Jubbooyinka iyo Gedo uu qaban doono waxyaabo badan kuwaasoo ay kamid yihiin. “Haddii aan ku guuleysto xilka madaxweynanimo waxyaaba aan wax ka qaban doono waxaa ka mid noqon doona, Dhanka waxbarashada, Caafimaadka, Wasaaradaha, iyo hormarka deegaanka,”ayuu sii raaciyay.

 

Ugu dambeyntii Sheekh Maxamed Ibraahim Shakuul ayaa waxaa uu garoonka diyaarada Kismaayo kula hadlay qaar kamid ah haweenka ku dhaqan magaalada Kismaayo oo ka mid ahaa dadkii sida wanaagsan u soo dhaweeyey Sheekha.

 

Puntlandpost, Xafiiska Magaalada Kismaayo

Share this post


Link to post
Share on other sites

KISMAAYO: Wafdi Ka Socda Maamulka Puntland oo uu Hogaaminayo Wasiirka Howllaha Guud oo Maanta Soo Gaaray Kismaayo (Sawiro)

April 4, 2013 3:48 pm GMT

 

Kismaayo: (pp)- Waxaa maanta magaalada Kismaayo soo gaaray wafddi heer wasiiro ah oo ka socda maamulka dowlad gobboleedka Puntland, waxaana wafddigaan maanta ka yimid deegaanada Punttland ee soo gaaray magaalada Kismaayo hogaaminayay Wasiirka howllaha guud ee maamulka punntland Daahir Khaliif iyo wasiiro ku xigeyno ka tirsan maamulka puntland.

 

Daahir khaliif wasiirka howlaha guud ee maamulka puntland oo hogaaminayay wafddiga maanta soo gaaray magaalada Kismayo ayaa ka war bixiyay ujeedada ay maanta yimaadeen magaalada Kismaayo. “Kismaayo waxaan u nimid sidii dadka deegaanka ee dhisanaya maamulka ay ku heshiiyeen aan u dhiiri gelin lahayn islamarkaasna aan u taageeri lahayn, ayuu yiri Daahir khaliif.

 

Wafdiga ka socda dowlada Puntland ee maanta soo gaaray magaalada Kismaayo ayaa qeyb ka ah wafuud todobaadyadii ugu dambeeyay ku soo qul qulayay magaalada KIsmaayo oo uu ka socdo shirka maamul u sameynta gobbolada Jubbooyinka iyo Gedo. Dhanka sidoo magaalada Kimayo waxaa maalintii labaad ku sugan xildhibaano ka tirsan baarlamaanka dowladda faderaalka Soomaaliya kuwaasoo kulamo kala duwan la leh masuulyiinta maamulka Kismaayo iyo ergooyinka ka qeyb galeysa shirka dhismaha maamulka jubbaland ee ka socda magaalada Kismaayo.

 

Guddoomiyaha kumeelgaarka ah ee Maamulka Jubbooyinka Sheekh Axmed Islaam ayaa horay u sheegay in Wafdi ay ka sugayaan dowlada Puntland, kuwaas oo maanta ka soo degay garoonka diyaaradaha ee magaalada Kismaayo.

 

puntlandpost, Xafiiska magaalada kismaayo.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this