Sign in to follow this  
Dr_Osman

Qardho: New Bar Opens. PICS

Recommended Posts

Dr_Osman   

Qardho: Qurbajoogta Puntland Oo Loogu Baaqay Inay Dalka Maal-gashtaan [sawiro]

March 25, 2013 // Warar Somaali

 

Xaflad xariga looga jaray Baar casri ah oo leh hoolalka shirarka,

Cafeteria , Supermarket laga helaayo alaabo kala duwan ayaa waxaa laga

furay magaalada Qardho,waxaana ka soo qeybgalay furitaankaanka

Baarkaan maamulka Degmada Qardho ,Odayaal,Ganacsato,iyo marti sharaf kale oo aad u farabadan.

 

Ugu horeyntii waxaa ka hadalay Xoghaaya Dowladda Hoose Maxamuud

Maxamed Shire oo soo dhaweeyey furitaanka Baarkaan,waxa uuna qurba

joogta ka soo jeeda magalada Qardho ugu baaqay in ay maalgashi kala

duwan ku sameeyaan magalada mar hadii ay sii kordhayaan ganacsiga kala

duwan oo ay ku tilaabsaneyso magalada Qardho.

 

C/xakiin Cali Gooni Maamulaha Barkaan ayaa sheegay in u jeedada ay u

fureen in ay tahay in magalada ay hesho hoolal waaweyn oo lagu qaban

karo shirarka,iyo baar casri ah oo laga helaayo cunto kala duwan oo

stander caalami leh,waxaana barbarsocdo Hoteel iyo supermarket la

doonaayo in dadka ay ka heli karaan alaab walbo oo ay u baahanyihiin.

Ugaas Abshir Siciid Xaaji oo ka hadalay xafladaani ayaa sheegay in loo

baahnaa in magalada laga furo baar nooocaan oo kale,waxa uu tilmaamay

in uu kaalin ka qaadanaayo hormarinta ganacsiga Qardho ,waxa uu xusay

in loo baahanyahay in lagu daydo ragii furay Baarkaan.

 

Furitaanka Barkaan ayaa waxa uu ku soo aadaya xilli dhawaanahaan

Magalada Qardho laga dareemayo isbadal Ganacsi,waxaana la furay goobo

ganacsi oo aad kuu soo jiidanaayo marka aad gasho,waxa ayna isugu

jiraan Supermarket,carwooyinka dharka,goobha lagu iibiyo moobilada,iyo

shoopinka noocyadiisa kala duwan.

 

Puntland NEWS-24

QARDHO

 

DSC01325.jpg%5D

DSC01327.jpg

DSC01329.jpg

DSC01330.jpg

DSC01372.jpg

DSC013861.jpg

DSC01385.jpg

DSC01391.jpg

DSC01384.jpg

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this