Sign in to follow this  
malistar2012

Xarumihii Siyaasad UNPOS ee Somaliland oo Albaabada Loo Xiray iyo Maamulka oo ka Hadlay Arinkaasi

Recommended Posts

Wefti ka socda Jimciyadda Quruumaha ka dhaxaysa iyo Waddamada reer Yurub ee qaadhaan-bixiyeyaasha oo shalay booqasho shaqo ku yimi magaalada Hargeysa ee xarunta maamulka Somaliland, ayaa shaaca ka qaaday inay Xafiiska siyaasadda u qaabbilsan Qaramada Midoobay ee la yidhaahdo UNPOS ee Hargeysa u fadhiyey inay albaabbada u laabayaan.

 

Weftigan isku-jirka ah oo ujeeddada socdaalkooda Hargeysa ay shalay u yimaaddeen lagu sheegay mid la xidhiidha hawlaha ay Hay’adaha Qaramada Midoobay ka qabtaan Somaliland, ayaa xalay la kulmay Madaxweynaha Somaliland Axmed-Siilaanyo iyo Wasiirro Xukuumaddiisa ka tirsan, hase-yeeshee, kulanka ay Madaxweynaha la yeesheen wax war ah madaxtooyadu kamay soo saarin.

 

Wasiirka Wasaaradda Qorshaynta iyo Xidhiidhka caalamiga ah ee Somaliland Dr. Sacad Cali Shire, oo maanta warbaahinta kula hadlay magaalada Hargeysa ayaa sheegay inay xubnaha Weftiga ka socda Qaramada Midoobay oo ka soo kicitimay xaruntooda New York ee dalka Maraykanka, ay Somaliland u yimaaddeen inay Xukuumadda ku wargeliyaan inay albaabbada u xidhanayaan Xafiiskoodii arrimaha siyaasadda ee UNPOS ee ay ku lahaayeen magaalada Hargeysa.

 

Wasiirku sidoo kale, waxa uu sheegay inay waxyaabaha kale ee ay u socdeen Weftigu ay ka mid yihiin inay qiimayn ku sameeyaan sida ay Hay’adaha Qaramada Midoobay ee Somaliland ka hawlgalaa u shaqeeyaan, waxyaabaha uga hirgelay qorsheyaashii sannadkii ay hore ay labada dhinac ku heshiiyeen, waxyaabaha ka qabyoobay, waxaa sababta u ah iyo qaabka loo dhaqaajin karo mashaariicda horumarineed ee sannadkan 2013-ka la isla qorsheeyey.

 

Geesta kale, Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda arrimaha dibedda Somaliland Mawliid Maxamed Ibraahin oo isaguna warbaahinta qaarkeed uga warramay ujeeddada Weftigaasi u yimaaddeen Somaliland, waxaa uu yiri; “Weftigani waxay ka kooban yihiin lix xubnood waxay ka soo kicitimeen xaruntooda dhexe ee New-york. Waxay u socdeen waxaa la baabiinayaa oo UN-ku wax ka beddel ku samaynayaan Xafiiska siyaasadda ee Qarammada Midoobay ku lahayd Hargeysa ee la yidhaahdo UNPOS oo uu Ergayga Qarramada Midoobay ee Somaliland iyo Soomaaliya Augustina Mahiga xukumi jiray.”

 

Weftigan, ayaa maanta-ba qayb ka mid ahi ka ambobaxeen magaalada Hargeysa, kuwaasoo la sheegay inay u kicitimeen dhinaca magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug, iyaga oo shalay safarkooda ku soo maray magaalada Garawe ee xarunta maamul-goboleedka Puntland ee Soomaaliya, halkaasoo ay kulammo kula soo yeesheen masuuliyiinta maamulkaas intii aanay dhinaca magaalada Hargeysa ee Somaliland aanay imannin.

Runta Lama Shakaalo Shakina Waa La Hubiyaa

Shabakada Allcaasimada.com

Nagala Soo Xariiri Email - Allcaasimada@gmail.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Is deji, sxb. In your attempt to score a cheap cyber goal, you forgot one little detail. The whole UNPOS(United Nations Political Office) for the former Somalia has been entirely disbanded (by the same Security Council Resolution that partially lifted the Arms Embargo).

 

The particular article in that resolution reads:

 

17. Welcomes the review by the Secretary-General of the United Nations’ presence and engagement in Somalia;

 

18. Agrees with the Secretary-General that UNPOS has fulfilled its mandate and should now be dissolved, and further agrees that UNPOS should be replaced by a new expanded Special Political Mission as soon as possible;

 

Back to the drawing board for you. I fail to understand what has kindled this anti-Somaliland sentiment in you, a tireless supporter of the Mogadishu Federal Government. We haven't even turned our guns on you yet. We're still clearing the brush. Wait a while ;)

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this