Sign in to follow this  
Fresh2Death

Sir cusub oo dowlada soomaaliya laga duubay faarah abdulkadir iyo abdiqaasim salaad hasan

Recommended Posts

Sirtaan aya laga helay lataliyaha madaxweynaha Abdiqasim Salad Xasan isagoo qadka telefanka Conference kula qaatay Sxbkiis qaaska ah ahna gacanyaraha Madaxweynaha ee faarax Sakiin oo xiligii Abdiqasim Madaxweynaha aha dhanka carabaha xiriirkooda wakiil uga ahaa.

 

warbixitaan aan helnay aya sheegaysa in larabao in Isbedel weyn lagu sameeyo Madaxda Dowladda Saraakiisha iyo Maamul Goboleedyada Dhisan iyo Kuwa aan Dhisnayn oo la filayo in Hada layagleelo.

1.Isbedelka koowaad aya salkiisu yahay isbedelka ciidanka

Qorshahan aya dhawaan la bikaaciyay kadib marki taliyihii ciidan iyo abaanduulihii xilka laga qaaday kadibna waxaa week gaan la abuuray khalkhal siyaadeed ee magaalada muqdisho si dhawaan xilka laga qaadi doona Taliyaha boliska iyo Nabad sudiga, Taliyaha Asluubta iyo Kan Mariiniska.

Waxa kale oo Xilka Policeka loo wada inuu qabto General Galaal Halka Taliyaha Nabadsugida Soomaalida loo wado Abdirahman Guulwade Halka Taliyaha Mariiniska Loo Wado Kornel Maxamed Nuur Korneel Madey oo Dagan Dalka Canada.

 

Qorshahaan ayaa isaga waxa xilka looga qaadayaa Gudoomiyaha Gobolka Banaadir Maxamed nuur tarzan ayadoo waliba aano looga dhigi doono Amni xumada Magaalda Muqdisho ay ka wadaan ciidamada dhawaan laga keenay Kampala oo hoostaga Wasiirka Gaashandhiga iyo Madaxweynaha kuwaas oo qeyb kamid ah 300 si gaar ah shibil looga dhigay hubkiiina ganacta loo galiyay iyo qalabkii ay magaalada muqdisho Ku gilgili lahaayeen si saraakiisha hartay xilka looga qaado loona dhiibo Rag ka tirsan Ururka Dam Jadiid.

 

2.Waxa iyada Qorshaha kujiro In maamul Goboleed loo sameeyo Koonfurta Gaalkacyo ilaa Balcad taasoo ah 3 gobol iyo bar Magaalo madaxna looga dhigo Dhuusamareeb Xilka madaxweynaha Noqdo DR.Mohamed Raabi oo Cabdiqaasim la ilmo ader ah Halka Xilka Madaxweyne Kuxigeenkana loo Wado Prof Doodishe.

 

3.Qorshahaan ayaa waxa kujira in 6 Urur ee Puntland mid dowlada Federaalka Gacansaar la yeeshaan si Maamulka farole iyo Horseed Daaqada looga saaro kadib Puntland gacanta usoo gasho Kooxda Damjadiid Waliba Ururadada Hada jooga ayaa labo Kamid ah Wada hadal lala galay Xilkaasna waxaa loon wada Ninka tirsan Kooxda Damjadiid oo kasoo Jeeda Gobolka Bari Gaar ahaan Degmada Qardho.

 

4.Qorshan aya waxa kujiray in dhawaan Hubkii Yaalay Madaxtooyada loo daabulay Magaalada Dekeda ceel macaan iyo Agagaarkeda Halkaas oo lagu wareejiyay Saraakiil ka tirsan Alshabaab iyo Maleeshiyo beeleed kasoo jeedo Deegaamo dhowr ah, Hubkaas ayaa qeyb kamid ah waxaa loo qaaday Deegaamada Bari iyo deeganada xeebta ah ee Nugaal si halkaas loogu sameeyo ciidamo ka tirsan alshabaab khalkhalna lagu dhameeyo waqtiga ka harsan xukuumada faroole.

Hubka kale aya waxaa loo qaadaya deegaano hoos tago gobolada dhexe oo hada ciidamo lagu aruurinayo.

 

5,Qorshahaan ayaa waxa kujiro in xerooyin Ciidan laga sameeyo Magaalooyinka Buula barde ,dhuusamareeb caabudwaaqiyo jowhar halkaas oo laga sameynayo 3 xero ciidan oo lagu tababari dooni ciido gaarayo ilaa 20.000 oo xero kaste lagu tababari doono Ciidankaas oo Noqon doono ciidamada saxda ah ee xooga dalka soomaaliya Halka inta hada dowalda ushaqeyn doonta la ruqseyn doono maadama ay kuwa hada jooga kuxiran yihiin Beelo ama Qabiilo.

 

6.qorshahan ugu danbeeyo ayaa lagu wada in kooxda damjadiid ay sameeyaan dhalinyarada kasoo baxday jaamacada suudaan ee katirsan ururka lageeyo dhamaan gobolada soomaaliya si ay xafiisyo uga furtaan halkaasna ay kala shaqeeyaan ururkan doona inuu qabto dalka soomaaliya 4 sano ee soodocata.

 

7.Maamulka soomaaliland ayaa ayaga waxaa lagu wada in rag ka tirsan damjadiid lagu dari doono Ururada siyaasada soomaaliland si ay ugu milmaan hadhowna ufulayaan Danta guud ee Ururka.

Sirtaan ayaa habeenkii xalay ahaa qadka conference uga qabanaya Madaxdaas aan kor kusoo xusnay waxaan dhawana la idiin soo gudbin doonaa ayadoo dhagaysi ah

 

Wabillahi Towfiiq

 

Source: http://baligubadlemedia.com/2013/03/sir-cusub-oo-dowlada-soomaaliya-laga-duubay-faarah-abdulkadir-iyo-abdiqaasim-salaad-hasan/

Share this post


Link to post
Share on other sites
D.O.C   

It is called a reshuffle, it is an ordinary practice by government all over the world. May be it is new to this part of the world cuz once the warlords found out their jobs are on the line, they may picked up the guns and spray to all directions as they famous for.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Other Website is also reporting the same news!

 

Topnews:- Qorshaha Damjadiid ee inqilaabka Xukunka Somalia- Warbixin Sirdoon.

 

 

Xulufadda Damu Jadiid ee Madaxweyne Hassan Alasow ayaa qorsheeynaya in Isbedel weyn lagu sameeyo Madaxda Dowladda Saraakiisha iyo Maamul Goboleedyada Dhisan iyo Kuwa aan Dhisnayn oo la filayo in hada layagleelo.

 

1-Isbedelka koowaad wuxuu bartilmaameedkiisu yahay Ciidanka !

Qorshaha ayaa wejigiisa koowaad la fuliyay kadib marki Taliyihii Ciidanka iyo Abaanduulihii xilka laga qaaday. Waxaa todobaadkaan laga abuuray Muqdisho khalkhal iyo falal lagu wiiqay Nabadgelyada taas oo xulufadda Damu Jadiid uga danleedahay inay ugu qiil sameeyso xilka qaadis ay la damacsan yihiin Taliyeyaasha Boliiska,Nabadsugida,Asluubta,Mariiniska iyo Gudoomiyaha Gobolka Banadir.

 

Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed waxaa loo magacaabi doonaa Jeneral Mohamed Nuur Galaal,Agaasimaha Hay''ada Nabadsugida waxaa loo magacaabayaa Abdirahman Guulwade Halka Taliyaha Mariiniska laga dhigayo Korneyl Mohamed Nur (Korneyl Madey) oo degan Dalka Canada.

Jeneral Galaal waxaa magacaabistiisa riixay Madaxweynahii hore ee Somalia Dr Abdikasim Salaad oo ku magacaaban La taliyaha Madaxweynaha Somalia Hassan Garguurte,sidoo kalena magacaabista Abdirahman Guulwade waxay ka timid Wasiirka Madaxtooyadda Farah Topaz oo ay isku reer yihiin .

Qorshaha Damu Jadiid waxaa xilka looga qaadayaa Gudoomiyaha Gobolka Banaadir Mohamud Nur Tarzan iyadoo dhamaan xilka qaadista Madaxda sabab looga dhigayo amaan xumida Muqdisho.

Qaraxyada, Dilalka iyo amaan xumada Muqdisho waxaa fuliya Ciidamada dhawaan laga keenay Kampala oo hoostaga Wasiirka Gaashandhiga iyo Madaxweynaha kuwaas oo sedex boqol oo ka mida laga dhigay dharcad (Shibil) balse hubeeysan .

2- Qorshaha Labaad ee Dam Jadiid wuxuu yahay:- in maamul Goboleed loo sameeyo Koonfurta Gaalkacyo ilaa Balcad taasoo ah sedex gobol iyo bar Magaalo madaxna looga dhigo Dhuusamareeb .

Maamul Goboleedka Koofurta Galkacyo ilaa Balcad waxaa Madaxweyne looga dhigayaa Dr.Mohamed Raabi oo Cabdiqaasim la ilmo adeer ah halka Xilka Madaxweyne Ku xigeenkana loo Wado Prof Mohamed Doodishe oo u dhashay beesha ********* ahna Masuulka labaad ee ugu sareeyo Urur diimeedka Damu Jadiid.

3-Qorshaha sedexaad ee Dam Jadiid wuxuu yahay:- in Lixda Urur ee Puntland ka jira mid ka mida Dowladda la xirato ,la xoojiyo si xulufadda Faroole ee HORSEED loo wiiqo.

Xisbiga laga qaadan doono Puntland waxaa ka madaxa Ninka tirsan Kooxda Damjadiid oo kasoo Jeeda Gobolka Bari Gaar ahaan Degmada Qardho.

4-Qorshahaha Afaraad ee Damu Jadiid wuxuu yahay:- , In dhawaan hubkii yaalay Madaxtooyadda loo daabulay Dekeda ceel macaan iyo Agagaarkeda Halkaas oo lagu wareejiyay Saraakiil ka tirsan Alshabaab iyo Maleeshiyo beeleed kasoo jeedo Deegaamo dhowr ah, Hubkaas ayaa qeyb kamid ah waxaa loo qaaday Degaanka Bari iyo deeganada xeebta ah ee Nugaal si halkaas loogu sameeyo ciidamo ka tirsan alshabaab khalkhalna lagu dhameeyo waqtiga ka harsan Maamulka Faroole.

Hubka laga dhoofiyay Ceel Macaan oo daabuladiis socotay laba bil mudo ku dhaw wuxuu iskugu jiray Dhashiikayaal,Baasukayaal,Dabajeexyo (BKM')Hoobiyeyaal iyo AK47.waxaana hubkaas raray Sarkaal ka mida Saraakiisha gaarkaa ee Madaxweyne Hassan Garguurte qaabulsan amaankiisa laguna magacaabo Korneyl Cabdi Fataax oo u dhashay ******,Mudulod ,Reer Mantaan.

5-Qorshaha shanaad ee Damu Jadiid wuxuu yahay :- In xerooyin Ciidan laga sameeyo Magaalooyinka Buula barde ,Dhuusamareeb Caabudwaaq iyo Jowhar halkaas oo laga sameynayo Sedex xero Ciidan oo lagu tababari doono Ciidamo gaarayo ilaa (20.000) Labaatan kun xero kasta .

Ciidanka wuxuu noqon doonaa Ciidamada saxda ah ee xooga dalka Soomaaliya Halka inta hada dowalda u shaqeysana la ruqseyn doono maadama ay kuwa hada jooga ku xiran yihiin Beelo ama Qabiilo.

6-Qorshaha lixaad ee Dam Jadiid wuxuu yahay:- In Dhalinyarada kasoo baxday Jaamacada Suudaan ee k atirsan DamJadiid lageeyo dhamaan Gobolada Soomaaliya si ay xafiisyo uga furtaan halkaasna ay kala shaqeeyaan sidii Urur diimeedka u qabsan lahaa dalka afarta sano ee soo socota marka waqtigooda dhamaado .

7-Qorshaha todobaad ee Damjadiid wuxuu yahay:- In wada hadal lala furo hogaamiyaha Xisbiga Wadani ahna Gudoomiyaha Golaha Wakiiladda Somaliland Cabdiraxmaan Cirro si uu gacan uga geysto hergelinta qorshaha Damjadiid iyo hindisaha isbalaarinta dalka Somalia.

Warbixintaan waa Warbixin Sirdoon,oo aan qeyb ka mida akhristayaasha u soo bandhignay anagoo ka tagnay qodobo xasaasiya.

Hadii sidaan sheekada u dhacdo Mustaqbalka dhaw ku xasuusta Warbaahinta Waagacusub,anagoo aheyn kuwii bil ka hor idiin si sheegay in Taliye Diini iyo Abaanduule Dhegabadan laga qaadi doono xilka.

 

Source: http://www.waagacusub.com/news/20.03.13.1dam.htm

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this