Sign in to follow this  
Hibo

Isna lacag la'aan ayaa loogu xiirayaa..

Recommended Posts

Hibo   

--------------------------------------------------------------------------------

Salaamun calaa mani tabacal hudaa

 

Isna lacag la'aan ayaa loogu xiirayaa..

 

Nin da'ah, daryeel xumi ka muuqato, dulufyada uu watana aad la cajabeysid ayaa garkiisa si aad ah ugu baxay, wuxuuse waayey lacag uu isku daryeelo oo ku soo gato xataa wuxuu garka isaga xiiri lahaay. Maalin walibana wuxuu hor mari jiray nin Timo-jare ah oo baalbiyeri u furan, maalin maalmaha ka mid ah ayaa ninkii baalbiyeeriga ahaay ku yiri, "Adeer! maad garkan kugu baxay ee wasaqeysan iska xiirtid?" Ninkii kale ee miskiinka ahaay ayaa ugu jawaabay "Lacag aan isku daryeelo ma heysto" Kadib ninkii baalbiyeeriga ayaa u xabad garaacay oo yiri "Kaalay anigaa maanta kaa saddaqeysanayee" Mar alla iyo markii uu soo geliyey meeshiisii tima jaraha aheyd ayuu garka uga xiirayay sakiin aan AF laheyd oo haddana MIRIRSAN...XAX!.Alla xanuun badanaa.. Ninkii miskiinka ahaay ayaa ooyay oo illin tartiib tartiib uga qubaneysay maxaa yeelay uma adkeysan karin sakiinta aan afka laheyn ee xoog loogu xiirayo, teeda kale, ninka miskiinka ah iga daay ma oran karo maxaa yeelay LACAG ma dhiibayo oo SADDAQO ahaan ayaa horay xabadka loogu garaacay. Wax yar kadib iyadoo howshii sidaas u sii socoto oo aanba ka qasneyn tima jarahii ayaa waxaa banaanka ka cabaaday EEY (DOG) uu timaha jaraha leeyahay oo aad moodo in la garaacayo, markaas ayaa ninkii lahaa yiri, "Yaa eyga garaacaya?" Miskiinkii shibta ayuu ugu dadaalay, mar kale ayuu haddana eygii qeyliyey, sidoo kale ayuu baalbiyeerigii yiri, "Yaa haddana eyga garaacaya?" Ninkii maskiinka ahaay ayaa markan isheyn waayay oo ugu jawaabay "ISAGANA LACAG LA'AAN AYAA LOOGU XIIRAYAA." Ninkii baalbiyeeriga ahaay wuu fahmay ujeeddada sarbeebta, kadibna sakiin AF-leh ayuu kula soo cararay ninkii maskiinka ahaay oo si fiican ugu xiiray.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this