Sign in to follow this  
Xaaji Xunjuf

Somalia:Alshabaab Militia recapture Xudur Bakool

Recommended Posts

WAR DEG-DEG: Kooxda AlShabaab oo dib u qabsatay Degmada Xuddur

Wararka ka imaanaya degmada Xuddur ee xarunta gobolka Bakool ayaa waxay sheegayaan inay dib ula wareegtay gacan ku haynta degmadaasi xarakada AlShabaab iyadoo uusan dhicin wax dagaal ah oo ay galeen AlShabab.

Qabsashada degmada Xuddur ee Alshabab ayaa timid ka dib markii ciidanka maamulka dowladda ee gobolka Bakool iyo kuwa miletariga Itoobiya ee halkaas joogay ay isaga baxeen magaalada, iyagoo sida la tilmaamayo degay magaaladaasi duleedkeeda. Iyadoona aan la ogayn sababta ka danbeysa bixitaankooda .

Maamulka gobolka Bakool ee dawlada federaalka soomaaliya iyo kan degmada Xuddur ayaa la sheegay inay u dhaqaaqeen dhinaca Ceelbarde.

Goobjooge ku sugan halkaasi ayaa waxaa uu sheegay in haatan ay halkaasi shacabka ku dhaqan deegaanka ay bilaabeen inay iskaga qaxaan,waxaana wadooyinka magaaladaasi Xuddur lagu arkayey hadda qaar ka tirsan ciidamada Alshabab oo wajiga soo duubtay.

Sidoo kale waxaan la sheegay in Sh.Mukhtaar Roobow Abu Mansoor oo ka tirsan hor joogayaasha Shabaaab uu bartamaha magaaladaasi kula hadlay qaar kamida dadka deegaanka ee halkaasi ku sugan.

La wareegista degamada Xuddur ayaa imaaneysa xili 26 xildhibaan oo ka tirsan baarlamaanka federaalka soomaaliya ee ka soo jeeda gobollada Baay iyo Bakool ay shalay gaareen magaalada Baydhabo, mudanayaashaas ayaa socdaalkooda lagu tilmaamey inuu yahay mid ay u kuurgalayaan xaaladaha dhaqaale ,siyaasadeed iyo tan amaan ee gobolka.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Al-Shabaab uu gudaha u galay magaalada Xudur ee gobolka Bakool

 

ON MARCH 17, 2013

 

Ciidamada Dowladda iyo kuwa Itoobiya ee ku sugnaa magaalada Xudur ee Gobolka Bakool ayaa halkaas isaga baxay, waxaana isla maanta subaxnimadii hore gudaha u soo galay magaalada ciidamo taabacsan Xarakada al-Shabaab kuwaas oo fadhiyey meel aan ka fogeyn magaalada.

 

Maalmihii u danbeeyey waxaa dagaalo culus ay ka dhaceen gobolka Bakool kuwaas oo u dhexeeyey al-Shabaab iyo Ciidamada dowladda oo ay taageerayaan kuwa Itoobiya, waxaana ay Xarakada al-Shabaab geystey goobahaas ciidamadii ugu badnaa ee ay heli kareen, taas oo la sheegay in ay culeys ku noqotey ciidamada Itoobiyaanka iyo Dowladdu isla markaana ay isaga baxaan magaalada Xudur oo ahayd goob istaraatiiji u ah isku xirka gobolada maadaama ay isku xirto Baay, Hiiraan iyo Gedo.

 

Magaalada Xudur ayaa ahayd mid ka go’doonsan inta kale magaalooyinka kale, waxaana lagu tegi jirey diyaaradaha qumaatiga u ka aoo keliya kadib markii jidadka gala oo dhan ay xireen Xarakada al-Shabaab, isla markaana waddooyinka ay Miinooyin geliyeen.

 

Ciidamada Dowladda ee ka baxay Xudur ayaa la sheegaya in ay u dhaqaaqeen dhanka Ceel-barde ee isla gobolka Bakool.

 

Horseed Media

Muqdisho, Somaliya

Share this post


Link to post
Share on other sites

Dagaalyahannada Al-shabaab oo Hal sano kaddib dib ula wareegtay Degmada Xudur ee Xarunta Gobolka Bakool

Axad, Maarso 17, 2013 (HOL) — Xoogagga Al-shabaab ayaa maanta dib ugu laabtay degmada Xudur ee xarunta gobolka Bakool, kaddib markii ay isaga baxeen ciidamadii Itoobiya iyo kuwii dowladda Soomaaliya oo muddo hal sano ah gacanta ku hayay.

 

Degmada Xudur ayaa waxaa Al-shabaab laga qabsaday bishii Maarso ee sannadkii hore, iyadoo aan la ogeyn sababta keentay in ciidamada dowladda iyo kuwa Itoobiya ee caawinaya ay isaga baxaan degmadaas iyadoo aysan wax dagaallo ah dhicin.

 

“Mujaahidiinta Al-shabaab dib ayay u qabsadeen degmada Xudur, kaddib markii ay muddo ku go’doominayeen halkaas cadowgii haystay,” ayuu yiri guddoomiyaha gobollada Bay iyo Bakool ee Al-shabaab, Sheekh Mahad C/kariin oo shir jaraa’id qabtay.

 

Sarkaalkan ayaa sheegay in shacabkii ku noolaa degmada ay dib ugu soo laabtaan, isagoo xusay inaan dadka wax dhibaato ah loo geysanayn, iyadoo ay dadkii ku noolaa degmadaas ay isaga baxeen saakay aroortii hore.

 

Ciidamadii Itoobiya iyo kuwii dowladda Soomaaliya ee ka baxay degmada Xudur ayaa la sheegay inay aadeen dhinaca degmada Ceelbarde oo 90-km u jirta degmada Xudur.

 

Degmada Xudur ayaa waxay noqonaysaa degmadii labaad oo ciidamada Itoobiya ay isaga baxaan tan iyo markii ay Soomaaliya soo galeen dhammaadkii sannadkii 2011, waxaana ay horay uga baxeen degmada Ceel-buur ee gobolka Galguduud oo ay Al-shabaab ka qabsadeen.

 

Wararka caawa laga helayo degmada Xudur ayaa waxay sheegayaan inay xaaladdu deggen tahay inkastoo aysan dad badan ku sugnayn, waxaana ku jira gudaha degmadaas xoogagga Al-shabaab oo wata gaadiid yar oo kuwa dagaalka ah.

 

Inta badan degmooyinka gobolka Bakool ayaa waxaa gacanta ku haya xoogagga Al-shabaab, waxaana ka bixitaanka ciidamada dowladda iyo kuwa caawinaya ee Itoobiya ay imaanaysaa iyadoo maalmo ka hor la bedelay taliyihii iyo abaanduulihii ciidamada xoogga dalka.

 

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online

Share this post


Link to post
Share on other sites

The question i am asking my self why did the Ethiopians vacate the city, and why did President hassan declare yesterday that Alshabaab was completely defeated.

Share this post


Link to post
Share on other sites
D.O.C   

Xaaji Xunjuf;927739 wrote:
DOC they wont hold it it will take a few days till the ethiopians come back.

So what you saying is, it is a hide and seek game but the actors are adults.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Xaaji Xunjuf;927799 wrote:
The question i am asking my self why did the Ethiopians vacate the city, and why did President hassan declare yesterday that Alshabaab was completely defeated.

This is probably just one of those last-minute show of force by Al-Shabaab.

 

Shabaab knows they're not capable of governing any region of Somalia again. So they "re-capture" abandoned towns and use this as a propaganda tool. This is pathetic

Share this post


Link to post
Share on other sites
D.O.C   

DoctorKenney;927832 wrote:
This is probably just one of those last-minute show of force by Al-Shabaab.

 

Shabaab knows they're not capable of governing any region of Somalia again. So they "re-capture" abandoned towns and use this as a propaganda tool. This is pathetic

For the last 6 yrs i am hearing alshabab ain't got anything left and are not capable governing anywhere in Somalia, for goodness sake if that is the case, why can't you sort them out once and for all, so we can all go back. Why can't the people in dhadhab camp (the world's biggest refugee camp), and yemen return home.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this