Sign in to follow this  
xiinfaniin

Somaliland Boycotts London Conference In May, Faces Diplomatic Isolation

Recommended Posts

Somaliland oo Qaadacday Shirka London, Sheegteyna Inaysan Wadahadal Kula Jirin Dawlada Federaalka Soomaaliya (Warbixin)

 

 

Hargeysa (RBC) Madaxweynaha maamulka Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud “Siilaanyo” oo maanta dib ugu soo laabtay magaalada Hargeysa ka dib markii uu socdaal ku tagay wadanka Turkiga markii ugu horreysay ayaa wuxuu ku dhawaaqay in Somaliland ay diiday ka qeybgalka shirka London ka dhici doona bisha May ee sanadkan 2013 kaasoo looga hadlayo xaalada Soomaaliya.

 

Axmed Siilaanyo oo shir jaraa’id wariyaasha kula hadlay Hargeysa markii uu ka soo degay dyaaradii siday ayuu ugu horeyn sheegay in isaga iyo wafdi uu hogaaminayo ay booqasho rasmi ah ku tageen wadanka Turkiga.

 

“Booqashadaydadu waxay ahayd markii ugu horreysay ee aanu Turkiga tagno, runtii aad baa naloo soo dhoweeyay, waxaana ka wada hadalnay arrimo badan. Turkigu waxay ballanqaadeen inay naga caaawin doonaan xagga biyaha iyo caafimaadka.” ayuu yiri Axmed Siilaanyo oo ka hadlay socdaalkiisa Turkiga.

 

Madaxweynaha Somaliland wuxuu sheegay in Turkiga ay xusuusiyeen xiriirka kala dhexeeya labada shacab oo soo jireen ah, sida uu yiri.

 

Axmed Siilaanyo ma soo qaadin sababta uu ula kulmi waayey raysul wasaaraha Turkiga Rajeb Deyib Erdugan halka ku xigeenkiisa iyo wasirka arrimaha dibadda ay la kulmeen intii ay joogeen wadanka Turkiga.

 

Shirka London ee Soomaaliya

 

Madaxweynaha Somaliland wuxuu maanta si cad u qaadacay ka qeybgalka shir lagu wado in horraanta bisha May 2013 uu ka dhaco magaalada London ee wadanka Ingiriiska kaasoo looga hadli doono dib u dhiska Soomaaliya, Waxaana shirkaasi wada guddoomin doona madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh iyo raysul wasaaraha Ingiriiska David Cameron.

 

“Shirka Ingiriiska ka dhacaya waa martiqaad loo sameeyay dawlada Soomaaliya, martiqaad dawlada Soomaaliya loo sameeyeyna annagu kama qaybgaleyno. Shuqulna kuma lihin” ayuu yiri madaxweynaha Somaliland.

 

Mar la weydiiyey in shirka London ay kala hadleen dawlada Ingiriiska ayaa madaxweyne Axmed Siilaanyo wuxuu sheegay inaysan ka wadahadlin.

 

Wadahadalkii Dawlada federaalka iyo maamulka Somaliland

 

Mar uu Axmed Siilaayo soo qaaday halka uu ku dambeeyay wadahadalo si goos goos ah ugu bilawday dawladii ku-meelgaarka ee Soomaaliya iyo maamulka Hargeysa ayuu sheegay inuusan hada jirin wax wadahadal ah oo u socda labada dhinac. Wuxuuna sheegay in fursada ugu dhow ay ahayd shirka London balse ay iyagu ka qeybgali doonin sidaas darteed aysan jirin wax wadahadal ah oo socda hadda.

 

“Wadahadalada Somaliland iyo [Dawlada federaalka] Soomaaliya wax mudo badan socday bay ahaayeen, meelo badan baa laga soo hadalqaadaa laakiin wax waqti xaadirkan noo socda ma jiraan, hadduu jirana marka uu yimaado iyo waqtiga uu yimaado…. Kaa dalka Ingiriiska la isku arko ayaa ugu dhowaa kaana waa annagii niri martiqaad loo sameeyay dawlada Soomaaliya ayuu ahaa, martiqaad dawlada Soomaaliyana snnagu ka qaybgali meyno, shuqulna kuma lihin.” ayuu sii raaciyey.

 

Wuxuu kaloo intaa ku daray “Haddii arrimo laga wada hadlayo oo gooni ah ay yimaadaan markaa iyo hadhow baa laga wadatashan doonaa”.

 

Dawlada federaalka oo heshay ajendaha shirka

 

Hadalka madaxweynaha Somaliland ayaa soo baxay maalin ka dib markii dawlada Ingiriiska ay ajendaha shirka London ku wareejisay dawlada federaalka ee Muqdisho fadhida taasoo haddaba bilawday qeybinta martiqaadka shirkaasi oo bisha May 2013 la isugu tagayo magaalada London.

 

Raxanreeb ayaa ogaatay in ajendaha shirka London ay qeyb ka tahay in dawladaha labada wadanka ee Soomaaliya iyo Ingiriiska ay si wadajir ah u diraan martiqaadka dhammaan ergada ururada iyo dawladaha caalamka ee ka soo qeybgalaya shirka kuwaasoo ay ka mid yihiin Qaramada Midoobay, Midowga Yurub, Midowga Afrika iyo Jaamacadda Carabta.

 

Wasiirka arrimaha dibadda xukuumadda Soomaaliya Fawsiya Yuusuf Xaaji Aadan oo Muqdisho ku qaabishay wafdi ka socday dawlada Ingiriiska ayaa sheegtay in qorshaha shirka London uu ku wajahan yahay sidii dib u dhiska Soomaaliya diirada loo saari lahaa isla markaana loo gaab istaagi lahaa nabadda iyo xasiloonida hadda ku soo laabaneysa Soomaaliya.

Share this post


Link to post
Share on other sites

It appears Siilaanyo is reacting to the fact that Hassan Sheekh Administration and Cameron Government will jointly send out official invitation for the conference precipitants, which in the diplomatic parlance is a significant promotion of Somali government's standing and diplomatic position.

Share this post


Link to post
Share on other sites

LOool, he says I will not attend the conference nor talk to the Somali government looooolz, that seems to me the reaction of a scorned man by the international community.

 

The clan of 3-da Habrood in Hargeisa thought they were a country of their own.

Share this post


Link to post
Share on other sites

I have been hearing conspiracy theories but Siilaanyo is a man who is consistent and is a man of principles fighting against afweyne for a long period of time. Somaliland Kulmiye leader Somaliland President , and that Somaliland shall remain independent for ever. These were his words i trust President siilaanyo completely. The question is do you trust your president Mr Culusow ?

Share this post


Link to post
Share on other sites

Waar Mr Culosow macna malahan wuu yimid wuuna tagi sidi kuwi kahoreeyay ee Kursiga uu kufadhiyo iyo Somalia ayaa muhiim ah, taas ayuuna kuwareersan yahay Siilaanyo sidii uu 3-da habrood uu beenta usheegi jiray uu manta runta ugu sheegi lahaa.

 

Waxaanu iyo diidmadisa waa boor isku qaris iyo sidii uu idiin diyaarin lahaa inaad lahaa khabarkaa culus.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Actually Siilaanyo said there are no talks now. The talks are supposed to take place after the conference. His refusal shows that he has not been successful in convincing others to give him a different treatment from the British government.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Silaanyo is a total failure.

 

I thpught the man had the necessary political acumen necessary to reprogram the brainwashed habros, but unfortunately it seems the old man is one heck of an inept ignoramus. But on the other hand 20 odd years of constant brainwashing ain't a walk in the park either.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Why do koonfurians have this idea that Somaliland leaders brainwash its citizens remember SNM was not calling for an independent Somaliland but because it was a homegrown Somaliland movement, funded by Somalilanders. they went along with the independence of Somaliland. Because the people of Somaliland were sick and tired of Koonfurians and do not wish to share a (state goverment) with them never again. These people really think Siilaanyo and his likes wanted an independent Somaliland in 1991. They wanted some sort of a union a shared union with USC. But the people said we must have our own country and they sang this song 1991 Somaliland. And nothing has changed so its not President siilaanyos fault for not wanting to be associated with you.

 

 

Share this post


Link to post
Share on other sites

Sxb dadkan leh waa nala dulmiyay ama Somalia dooni mayno ee dhibta sheeganaya ma ahan reer SOOL,SANAAG,CAYN, AWDAL IYO SAAHIL. Nimankaa waxbaa naloo gaystay iyo dowladi Somalia ayaa naleeysay ma ay lahan. Marka reerka wax tabanaya inay boor isku qariska dayaan, SL ayaa naliyirahdaa iyo ciid isku kicinta intaad kabaxdaan, miiska wadahadalka soo fariista oo waxaad tabanaysaa iyo wixii la idiin geeystay kahadla.

 

Beenti waa dhamaatay ay Somali isu sheegi jirtay, maalmahan runtaa la isu sheegaayay, waad aragtay Abdi Qaybdiidba waxaa layiri xafada aad kajoogtid Galkacyo maamul goboleed manoqon karto, marka idinka runtaa la idiin sheegayaa oo dadka SL dagan oo dhan waxba taban mayaan Somaliyana waxba uma gaysan ee inta wax tabanaysaa dhinac isu beeyra oo waxaad tabanaysaan kala hadla dowlada Somalia.

Share this post


Link to post
Share on other sites

^^ Should you not worry about fighting the TPLF instead of bad mouthing the Somalilanders, Somalilanders are winners they take what belongs to them. Talk about misplaced priorities from our friend Apophis:D

Share this post


Link to post
Share on other sites
D.O.C   

I think Somalia is better off without somaliland, the main reason is the great intellectuals of the northerners will grab the lion share of the political power of new somalia and not to mention about the business skills they acquired centuries before the southerners had even cloth to put on. I mean tell me 5 billionaires from somalia and can tell you 10 billionaires from so called habros.... i guess that answers the question.....ooooh and hargeisa would be the new capital city of somalia.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this