Sign in to follow this  
Saalax

“Maxamed Cali Samater Ma Difaacayo, Laakiin Waxaan Maraykanka Ka Codsanay In Dacwadiisa Somaaliya Lo

Recommended Posts

Saalax   

“Maxamed Cali Samater Ma Difaacayo, Laakiin Waxaan Maraykanka Ka Codsanay In Dacwadiisa Somaaliya Loo Soo wareejiyo” Raysal-wasaare Saacid

 

Garoowe (Ramaas) Mar 10,2013 - Raysal-wasaaraha dawladda Somaliya Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid), oo hore dawladda Maraykanka ugu diray warqad uu kaga dalbanayo in xasaanadiisa loo soo celiyo gacan ku dhiigle Maxamed Cali Samater oo shacabka reer Somaliland xasuuq u gaystay, ayaa shalayna mar labaad ku celiyay ka hadalka arinta ninkaasi.

 

Raysal-wasaare Saacid oo booqasho ku jooga caasimada Maamul Goboleedka Puntland Garoowe, ayaa khudbad uu ka jeediyay baarlamaanka maamulkaasi, ayaa waxa uu sheegay inaanu difacayn Maxamed Cali Samater, balse uu Maraykanka ka codsaday oo kaliya in dacwadiisa loo soo wareejiyo Somaliya.

 

Raysal-wasaare Saacid oo iska indho tiraya xaqiiqda dambiyadii uu Cali Samater ka galay shacabka reer Somaliland, ayaa isaga oo arintaa ka hadlaya yidhi “Maxamed Cali Samatar ma difaacayo, laakiin waxaan dawladda Maraykanka ka codsanay in dacwadiisa la fududeeyo oo Soomaaliya loo soo wareejiyo”

 

Raysal-wasaare Saacid, waxa kale oo uu guul ku tilmaamay cunaqabataynta hubka ee Somaliya laga qaaday “Guul ayay u tahay dhammaan ummadda Soomaaliyeed, haddiise ay jiraan dad ka qaba walaac, waxaan u caddeynaynaa in siyaasadda dowladdu ay tahay in hubkaas shacabka Soomaaliyeed looga difaaco cadowga laguna ilaaliyo Qarannimada dalka” ayuu yidhi

 

Hadalkan ka soo yeedhay Saacid, ayaa muujinaya Cadaawad dheeraad ah oo uu u qabbo shacabka reer Somaliland, maadaama oo uu aanu waxba ka soo qaadaynin dacwada ay u haystaan.

 

 

 

Ramaasnews Desk

 

Hargeisa

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this