Sign in to follow this  
Xaaji Xunjuf

Somaliland President Axmed Siilaanyo visits Turkey

Recommended Posts

Madaxweyne Silaanyo oo safar Shaqo ugu Ambabaxay wadamada turkiga iyo Qadar .

 

Madaxweynaha oo socdaalkiisan ku tagaya Dalka Turkiga oo uu marti qaad rasmi ah ka helay ayaa waxa lagu wadaa in ....

 

Hargeysa (GNS) - madaxweynaha Somaliland axmed maxamed maxamuud silaanyo ayaa goordhawayd safar shaqo ugu ambabaxay wadamada Qatar iyo Turkiga safarkaasi oo hore loo filayay in uu madaxweyne silaanyo ugu baxayo wadamadas.

 

Safarkan madaxwaynaha ayaa waxa ku biiridoona oo ka sii horeeya qaar kamida Golihiisa Wasiirada kuna sugan wadanka Turkiga una sii Gogol Xaadhaya safarka madaxwaynaha , ayadoo lafilayo in uu kulamo layeesho madaxda wadamadaas.

 

Madaxweynaha Somaliland ayaa la filayaa in uu dalka Turkiga kala hadli doono sidii uga qayb geli lahaa dhinacyadda waxbarashadda, biyo soo saarka iyo caafimaadka, iyada oo ay ka sii horeeyaan Wasiiradda Arrimaha Dibadda, Waxbarashadda iyo waliba Macdanta iyo Biyaha Somaliland.

 

Waa markii ugu horeysay ee Madaxweyne ka socda Somaliland uu booqasho rasmi ah ku tago Dalka Turkiga.

Share this post


Link to post
Share on other sites
D.O.C   

I have to congratulate you mr president in replying confidently to the Somalia prime minister's comments about the way the prime minister will approach somaliland. I think somaliland is a country which doesn't stand on international legs but it's own.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Dawladaha Somaliland & Turkiga Oo Kulan ku Falan-qeeyay wax wada qabsiga labada qaran

 

March 11th, 2013

 

Dulucda Qodobadii Madaxweyne Siilaanyo iyo Raysal Wasaare Ku xigeenka Turkigu ku faaqideen kulankoodii

 

Shirkadda Turkish Airlines oo Bilaabaysa Duulimaadyo ay ku iman doonto Somaliland

 

Qodobadii ka soo baxay kulankii Weftiga Madaxweyna & Wasiirka Tamarta Turkiga

 

Milgihii lagu Maamuusay Madaxweynaha Istanbul Illaa Ankara

 

Ankara (Somaliland.Org)-Raysal wasaare Ku xigeenka Turkiga Bekir Bozdag, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Weftiga Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ee socdaalka ku jooga dalkaasi, waxaana kulankaasi lagu faaqiday qodobo la xidhiidha wax wada qabsiga labada qaran.

 

Raysal wasaare Ku xigeenka Turkiga ayaa madaxweyne Siilaanyo ku soo dhaweeyay niyadsamaan, waxaanu kaga hor yimid xafiiskiisa hortiisa.

 

Wasiirka Arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga ah ee Somaliland Dr. Maxamed Cabdilaahi Cumar, ayaa kulankaasi ka dib saxaafadda uga waramay dulucda qodobadii lagu falan-qeeyay kulankii dhex maray Raysal Wasaare Ku xigeenka Turkiga iyo Weftigii Madaxweyne Siilaanyo.

 

“Arrimaha Raysal wasaare ku xigeenka Turkiga iyo Madaxweynaha Somaliland ay ka wada hadleen waxa ka mid ahaa, in kor loo qaado iskaashiga iyo xidhiidhka labada wadan, isla markaana kor loo qaado kaalmadda ay dawladda Turkigu siiso Somaliland,”ayuu yidhi Dr. Maxamed Cabdilaahi.

 

Wasiirku wuxuu intaasi ku daray “Waxa kale oo aad looga hadlay arrimaha labada dal iska kaashan doonaan waxa ugu horeeya dhinaca tacliinta, khaasatan dhinaca waxbarashadda farsamada gacanta iyo dhinaca caafimaadka oo aanu weydiisanay inay dawlada Turkigu ay cisbitaalo casri ah ka hirgeliso Somaliland.”

 

“Waxa kale oo kulankan la isla qaatay in diyaarada Turkish Airlines oo imika meelo ka mid ah Geeska Afrika timaada inay duulimaadyadeeda ku soo darto Hargeysa, iyadoo ay bilaabi doonto duulimaadkaasi marka Bisha lixaad ee sanadkan la dhamaystiro dayactirka iyo casriyaynta madaarka Hargeysa,”ayuu yidhi Wasiirka Arrimaha dibaddu, waxaanu isagoo hadalkiisa sii watay uu yidhi “Waxa kale oo horeba miiska u taalay booqasho aanu doonaynay in madaxda sare ee dalkaTurkigu ay ku timaado Somaliland, waxaanan rajaynaynaa inay booqashadani noqon doonto sanadkan 2013-ka gudihiisa.”

 

 

Dhinaca kalena, madaxweynaha Somaliland iyo weftigiisa waxa quraac sharaf ku soor-yeeyay Wasiirka Tamarta ee Turkiga.

Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Siilaanyo ayaa Wasiirka Tamarta ee Turkiga uga xog waramay khayraadka ku dihin ee dalka iyo sida ay xukuumadiisu u soo dhaweynayso maal-gashadeyaasha caalamiga ah.

 

Wasiirka Macdanta, biyaha iyo Tamarta Somaliland Mudane Xuseen Cabdi Ducaale (Xuseen Guray) ayaa saxaafada tafaasiil ka siiyay qodobadii Madaxweyne Siilaanyo u bandhigay Wasiirka Tamarta ee Turkiga.

 

“Waxa noo suurto-galay inaanu u bandhignay mashaariicda tamarta ah ee dalkeena ka socda,khaasatan shirkadda Genel Energy ee Turkish-ka ahi ka wado. Aad iyo aadna way ugu riyaaqeen hawshaasi,”ayuu yidhi Wasiirka Macdanta iyo biyaha Somaliland.

 

Wasiirka oo hadalkiisa sii watay wuxuu yidhi “Waxa kale oo aanu u soo bandhignay fursadaha maal-gashiga ee u banaan sharaa’iga Turkiga eek u hawlan mashaariicda koronto dhaliska oo dalkeenu daciif ku yahay. Markaa arrintaasna way soo dhaweeyeen oo waxay balan qaadeen inay sharaa’ig khaas ah oo qabta shaqada tamar dhalista ay dhakhso ugu soo diri doonaan Somaliland si ay u soo indho indheeyaan wadanka.”

 

Geesta kalena, Weftiga Madaxweynaha Somaliland waxay isla maanta kulan la yeesheen Masuuliyiinta Ha’yadda horumarinta u qaabilsan Turkiga, waxaanay ka wada hadleen dhinacyada horumarinta waxbarashadda, wadooyinka iyo kaabeyaasha dhaqaalaha Somaliland.

 

 

Madaxweyne Siilaanyo iyo weftigiisu waxa kale u qorshaysan inay la kulmaan Raysal wasaaraha Turkiga Rajab Tayyib Ordugan oo isagu marti-qaad rasmi ah u fidiyay Madaxweynaha Somaliland iyo Weftigiisa.

 

Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa saaka soo gaadhay Magaaladda Ankara, ka dib markii uu ka soo kicitimay magaaladda Istanbul, waxaana madaxweynaha loo dhigay darmada cas (ama rooga cas) oo lagu muuneeyay weftiga Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo).

 

Waxa kale oo madaxweynaha iyo weftigiisa ka soo galbiyay Gaadiidka khaaska u ah wufuuda caalamiga ah ee dalkaasi booqashada ku yimaadda.

 

Weftiga Madaxweynaha ee socdaalka ku jooga dalka Turkiga waxa ku weheliya Wasiirrada wasaaradaha Arrimaha dibadda, madaxtooyadda, macdanta iyo Biyaha, waxbarashadda,

Share this post


Link to post
Share on other sites

Genel exploration deal to conintue and drilling to happen in 2014

Turkish Airlines to start flights to Somaliland

Other investment projects were also discussed in Somaliland

A Turkish delegation will visit Somaliland in the next coming weeks

Share this post


Link to post
Share on other sites

Genel exploration deal to conintue and drilling to happen in 2014

Turkish Airlines to start flights to Somaliland

Other investment projects were also discussed in Somaliland

A Turkish delegation will visit Somaliland in the next coming weeks

 

All are good stuff

Share this post


Link to post
Share on other sites

President Silanyo of Somaliland in Turkey

 

President Silanyo of Somaliland is on a visit to Turkey at the invitation of Prime Minister Recep Tayyip Erdogan. He arrived on Istanbul on Saturday (March 9th) and then travelled to Ankara.

 

His delegation includes Foreign Minister, Dr. Mohamed A Omar and the Ministers of Energy, Education, Resettlement, Rehabilitation and National Reconstruction and the Presidency.

 

Talks are expected to cover enhancement of bi-lateral relations between Turkey and Somaliland and issues of development assistance, investment, and the Somaliland/Somali talks as well as planned Turkish airline flights to Hargeisa.

Share this post


Link to post
Share on other sites

And Oodweyne gives low marks to Siilaanyo's team ? :D

 

Somaliland will tank Siilaanyo for delivering them what the people so desperately need; a way out of their political stalemate. He will return to the union with dignity , and secure them an special place in Somali politics.

Share this post


Link to post
Share on other sites

The turks are welcome to assist Somaliland on all fields we should welcome that, but Somaliland will never ever be ruled by others, as long as its citizens are living. Xiinfaniin should listen to the first video i posted :D

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this