Sign in to follow this  
Daqane

Taliyaha iyo Abaanduullaha ciidamada qalabka sida ee dowlada Somalia oo xilalkii laga qaaday

Recommended Posts

Daqane   

Warar caawa soo baxay oo laga helayo ilo lagu kalsoon yahay ayaa sheegaya in xilalkii laga qaaday taliyaha ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed Jen. C/qaadir Cali Diini iyo Abaanduulaha ciidankaasi. Jen. C/kariin Yuusuf Aadan (Dhegabadan).

 

Ilo ku dhow dowlada Somalia ayaa xaqiijiyey in xilka ka qaadistaas uu soo jeediyey madaxweynaha Somalia, golaha wasiiradana ay isku raaceen caawa dood dheer ka dib, hase ahaatee weli si rasmi ah looguma dhawaaqin, waxaana la filayaa in saacadaha soo socda la shaaciyo.

 

Wararku waxay intaa ku darayaan in la magacaabay saraakiil kale oo lagu bedelay saraakiishan xilka laga qaaday hase ahaatee nooma suuragelin inaan helno magacyadooda.

 

Lama oga illaa hadda sababta xilalka looga qaaday saraakiishan hase ahaatee waxay ka mid ahaayeen illaa xukuumadii RW wasaare Farmaajo taliyeyaashii horboodayey dagaaladii cuslaa ee ciidamada dowlada iyo kuwa AMISOM ay ku qaadeen kulana wareegeen qeybo ka mid ah koonfurta Somalia gaar ahaan magaalada Muqdisho iyo labada Shabelle.

 

Talaabadan ayaa ku soo aadeysa 24 saac ka dib markii golaha amaanka ee QM uu xayiraadii hubka ka qafiifiyey dowlada Somalia, lamana oga in xil ka qaadistan ay la xiriirto arintaan iyo iney ka horeysay.

 

Dayniile Online News Desk

 

Xafiiska Warqabadka Dayniile.com

Webmaster@dayniile.com

Tafatiraha Wabka Dayniile.com

Deyniilecom@hotmail.com

Webmaster@dayniile.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Somalia   

This doesn't tell us anything. Tell us who are the new heads of the HAG militia and tell me of their clan background, be quick about it!

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this