Sign in to follow this  
Siciid1986

Booliiska oo Laascaanood ka soo qabtay Wiil uu dhalay Feysal Cali Waraabe iyo Gabadh ay wada socdeen

Recommended Posts

Booliiska oo Laascaanood ka soo qabtay Wiil uu dhalay Feysal Cali Waraabe iyo Gabadh ay wada socdeen iyo jawaabta uu Feysal ka bixiyay

 

Sarkaal ka tirsan Laanta Socdaalka Somaliland ayaa caawa u xaqiijiyay Waaheen in ay Ciidamadda Booliiska Laascaanood soo qabteen Wiil uu dhalay iyo Gabadh ay wada socdeen

Sarkaalka Waaheen Xogta siiyay waxa uu intaas ku daray Ciidanka Booliiska Laascaanood inay u soo dhaadhiciyeen dhinaca Hargeysa, balse ilaa hada ma cada sababta loo soo qabtay wiilka iyo gabadhaasi.

dhinaca kale Feysal Cali Waraabe oo aanu goor dhaweyd la xidhiidhnay si aanu wax uga weydiino sababta Wiilka uu dhalay loo xidhay ayaa yidhi ” Inanka anigaa dhalay waxa ay wada socdaan Gabadh Reer Wajeer ah, Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Booliiska waanu ka wada soconay qabashada Wiilka iyo Gabadha, waayo ma garanayo meel ay tagayaan laakiin waxaan doonayaa in la hubiyo oo baadhitaan lagu sameeyo” ayuu yidhi.

Feysal Cali Waraabe waxa uu intaas raaciyay ” Gabadhu waa Reer Wajeer markaanu ogaanay inaybaxsanayaan ayaanu baasaaboorkii ka qaadnay, xalay abaara kowdii habeenimo ayay Hutelkii ay deganayaan ka guureen, saaka kowdii ayuu JPS ku sheegay Burco inay gaadhi ka raaceen, markaa Laascaanood ayaa nasiib wanaag lagu qabtay, waxa aad moodaa in dabeecadiisii wax laga bedelay oo ay heleen kooxaha Xag-jirka ah. mar hore waxay isku dayeen inay Yeman tagaan laakiin waan ka joojiyay” ayuu raaciyay.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this