Sign in to follow this  
Fiqikhayre

UK Government gives £2..2 Million for the building of Prisons in Puntland for convicted Pirates

Recommended Posts

Dowladda Ingiriiska ayaa ku bixinaysa lacag dhan £ 2.2 million dhismaha xabsiyada Puntland ee lagu hayn doono Burcad badeedka la xukumay

 

UK waxay ku bixineysaa lacag dhan £2.2m dadaalka caalamiga ah ee lagula dagaalamayo burcad badeedda Soomaalida. Lacagta waxaa oo isticmaali doonaa in lagu dhammeystiro xabsi cusub oo dhismihiisu uu ka socdo Garoowe ee xarunta Puntland. Xabsiga dhismihiisu ka socdo Garoowe ayaa la sheegay in lagu hayn doono burcad badeedda la xukumay.

 

 

Warkaan ayaa kasoo baxay wasaarada arrimaha dibadda Britain ayadoo lagu sheegay in dawlada Britain ay ku taageerayso 2.2 Milyan oo Pound dadaalka caalamiga ah ee wax looga qabanayo burcadbadeednimada xeebaha Puntland ee Soomaaliya.

 

Lacagta ay Dawlada Uk ku bixinayso ka hortaga Burcad badeeda oo gaaraya 2.2 milyan oo Pounds ayaa waxaa loo gudbinayaa xaafiiskaQ/midoobay ee ka hortaga Barnaamijka Burcadbadeednimada iyo Daroogada ee UNODC, iyadoo lagu hormarin doono adeegyada aasaasiga ah ee lagula dagaalamayo burcad badeeda oo ay kamid tahay xabsiyada.

 

Dhaqaalaha ay bixinayso dawlada Britain ayaa waxaa lagu dhamaystirayaa xabsi ku yaala Magaalada Garoowe , Xarunta dawladda Puntland si burcad badeeda loogu maxkamadeeyo hab lamid ah habjka caalamiga ah iyadoo waliba lagu taageerayo mashruuca ka hortaga Musuqmaasuqa ee habka Cinqaabta Burcad badeeda.

 

Mas’uul ka tirsan wasaaradda arrimaha dibadda, Alistair Burt ayaa sheegay inay yaraadeen weerarradii burcad badeedda Soomaalida , balse wuxuu walaac ka muujiyay suurta-galnimada inay dib u soo kacaan weerarrada burcad badeedda.

 

Puntlandi

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this