Sign in to follow this  
Gheelle.T

Xasan Daahir Afqurac - former PL vice president died this morning.

Recommended Posts

Innaa lillah Wa innaa Ilayhi raajicuun.

Former Puntland Vice President has passed away this morning in Nairobi.

 

llaahay eheladiisa sabur ha ka siiyo. Aamiin.

 

 

Madaxweyne kuxigeenkii hore ee Puntland Xassan Daahir Maxamuud 8Afqurac) ayaa habeenimadii xalay (21/01/2013) ku dhintey Magaalada Nairobi ee dalka Kenya halkaas oo ku xanuunsanaa bilihii u danbeeyey.

 

Xassan Daahir Maxamuud ayaa ka mid ahaa dadkii wax ka asaasey Puntland sanadkii 1998, waxaana uu ka mid noqdey Xildhibaanadii u horeeyey ee Baarlamaanka Puntland isaga oo noqdey kuxigeenka kowaad ee Guddomiyaha Baarlamaanka.

 

Marxuumka ayaa in muddo ah ku jiray Isbitaal ku yaala dalka Hindiya kadibna Naroibi ayaa la keenay, markii ay xaaladiisii ka sii dartay, waxaana uu jiifey Isbitaal ku yaala Nairobi oo lagu dabiibayey.

 

Tariikhdiisii marxuumka oo koo ban ayaa ahayd in uu ku dhashay magaalada Ceerigaabo sanadkii 1946 wadankana ku dhameeystay ilaa iyo waxabarashadiisii sare kadibna waxa uu waxbarashadiisii Jaamacadeed ku soo bartay wadanka Ruushka isagoo soo qatay Shahaadada Engineering of Petroleum Geological kuna shaqeeyey muddo badan Waasaaradii Macdanta qaybteedii cilmibaarista,

 

Marxuumka ayaa waxbrashadiisa sare ee Master Degree ka soo qaatay Magaalada Monterial Canada Jaamacad ku taal oo la yiraahdo McGill University oo uu sii dhameystery wax barashadiisii Petroleum Geological.

 

Marxuum Xassan Daahir Maxamuud ayaa sanadkii 2005-2008 loo doortey Madaxweyne kuxigeen kadib Markii uu jagada Madaxweynaha ku guulesystey Cadde Muuse Xirsi.

 

Bahda Horseed Media waxay tacsi tiiraanyo leh u dirayaan dhamaan eheladii iyo qaraabadii Madaxweynaha iyo guud ahaan Bulshada reer Puntland.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Liibaan   

Allah haa u naxariistu Xassan Daahir Maxamuud Afqudhac, naf waliba maalin bey leedahay.

 

 

Maamul Goboleedka Khaatumo State Oo Tacsi U Diray Eheladii Uu Ka Baxay Madaxweyne Ku Xigeenkii Hore Ee PL Marxuun Xasan Daahir AfQudhac

 

 

Wasiir ku xigeenka wasaarada xidhiidhka debada iyo jaaliyadaha ee Maamul goboleedka Khaatumo Xasan Cali Jaamac oo la hadlayey warbaahinta ayaa tacsi u diray allaha ha u naxariistee eheladii, qaraabadii, iyo asxaabtii uu ka baxay madaxweyne ku xigeenkii hore ee Puntland marxuun Xasan Daahir Maxamuud (Af-qudhac) oo saaka ku geeriyooday magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya, kadib markii uu marxuunka maalmihii ugu dambaysay xanuun soo wajahay isla markaasna loo qaaday dhakhtar ku yaala magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya si loogu soo daweeye halkaasi.

 

Wasiir ku xigeenka ayaa sidoo kale tacsi taa la mid ah u diray bulsha weynta kasoo jeeda deegaanada Khaatumo, isagoona wasiir ku xigeenku illaahay ugu baryey marxuunka inuu naxariistii jano ka waraabiyo.

 

 

Allaha ha u naxariistee madaxweyne ku xigeenkii hore ee Puntland marxuun Xasan Daahir Maxamuud (Af-qudhac) ayaa inta badan lagu xasuustaa hawl karnimo, cadaalad, iyo gudashada wajibaadkiisa shaqo, waxa uuna ahaa qof illaahay ku xidhan dhanka cibaadada.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Odey   

Ina Lilahi Waina Ilayhi raajicuun. Ilaahey samir iyo iimaan ha ka siiyo Dhaman shacabweenaha soomaliyeed oo u ka dhintey, khaasatan shacabka Puntland oo u ahaa Madaxweene Kuxigeen.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Somalia: Puntland leaders send condolences for death of former Vice President

 

22 Jan 22, 2013 - 11:02:25 AM

 

GAROWE, Somalia Jan. 22, 2013 (Garowe Online) - The leaders of Somalia’s Puntland government have sent condolences for the death of former Puntland Vice President Hassan Dahir Mohamud (Afqura), Garowe Online reports.

 

Afqura_1.jpg

Hassan Dahir Mohamud (Afqura) - the late former Vice President of Puntland State of Somalia

 

The late vice president of Puntland died of an illness in Nairobi overnight Monday.

 

Puntland President Abdirahman Mohamed Farole, who is currently on a visit in Djibouti, sent condolences to the family, friends and to the people of Puntland.

 

Puntland Vice President and Acting President Gen. Abdisamad Ali Shire told reporters in the Puntland capital of Garowe on Tuesday that the late Vice President was "a man of integrity", while noting that the Puntland state flag would fly at half-mast for three days in honor of the late Vice President.

 

The late leader, Hassan Dahir Mohamud (Afqura), served his term as Vice President of Puntland between 2005-2008, during the term of former Puntland President Gen. Adde Muse Hersi.

 

Mr. Hassan Dahir also served for six years as a Member of Parliament in Puntland.

 

GAROWE ONLINE

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this