Sign in to follow this  
Waranle_Warrior

Somaliland FM-US's recognition of Somali government will have no effect on our pursuit for recogniti

Recommended Posts

Hargeysa: Somaliland oo aqoonsigii Mareykanka siiyay Somalia sheegtay inuusan saameyn ku yeelan doonin raadinta ictiraaf

18. januar 2013

APL

 

Hargeysa (AllPuntland)-Wasiirka arrimaha dibada maamulka Somaliland Maxamed Cabdullaahi Cumar ayaa sheegay in aqoonsiga Dowladda Mareykanka uu siiyay Soomaaliya waxba ka badali doonin siyaasadda iyo mowqifkooda ku aadan raadinta ictiraaf ay hesho Somaliland.

 

Wasiirka oo wareysi siinayay Idaacadda BBC ayaa sheegay in mowqifka Somaliland ay ku taagan tahay uu yahay mid shacabka ka yimid, isla markaana aysan ka laaban doonin iney noqoto dal madax bannaan.

 

"Aqoonsiga uu mareykanka siiyay Dowladda Soomaaliya waxba kama badaleyso go'aankeena ah inaan noqono dal madax bannaan, waa mowqif dadka reer Somaliland ay gaareen" ayuu yiri Maxamed Cabdullaahi Cumar.

 

Mar la weydiiyay sida ay u arkaan hadalka Hillary Clinton ee ah in Mareykanka wixii hada ka danbeeyay ay kula dhaqmi doonaan Somalia sida dal madaxbannaan oo aysan jiri doonin siyaasadii aheyd Dual Track Policy oo ah in Dowladda Somalia iyo maamulada dalka ka jira lagula dhaqmo labo siyaasadood ayuu wuxuu ku jawaabay.

 

"Siyaasaddaasi waxay aheyd qaacido ama formala sidii kaalmada loogu qeybin lahaa Somaliland iyo Somalia ee caalamka aqoonsan yahay Dowladda Somaliland" ayuu yiri Wasiirka oo intaa raaciyay in Somaliland ka xumeyn aqoonsiga la siiyay Somalia, wuxuuna taasi ku tilmaamay mid hoos u dhigeysa oo gacan ka geysaneyso sidii loo yareyn lahaa qatarka Somaliland kaga imaaneyso Somalia.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Somaliland oo ka hadashay mowqifkeeda ku aadan aqoonsiga Mareykanku siiyey dowlada Soomaaliya

 

 

 

Wasiirka arrimaha dibadda maamulka Somaliland Maxamed Cabdullaahi Cumar ayaa sheegay in aqoonsiga dowladda Mareykanka uu siiyey Soomaaliya waxba ka bedeli doonin siyaasadda iyo mowqifkooda ku aadan raadinta ictiraaf ay hesho Somaliland.

 

Wasiirka oo wareysi siinay Idaacadda BBC-da ayaa sheegay in mowqifka Somaliland ay ku taagan tahay uu yahay mid shacabka ka yimid, isla markaasna aysan ka laaban doonin iney noqoto dal madax banaan.

 

“Aqoonsiga uu Mareykanka siiyey dowladda Soomaaliya waxba kama badaleyso go'aankeena ah inaan noqono dal madax banaan, waa mowqif dadka reer Somaliland ay gaareen” ayuu yiri Maxamed Cabdullaahi Cumar.

 

 

Mar la weydiiyay sida ay u arkaan hadalka Hillary Clinton ee ah in Mareykanka wixii hada ka dambeeyay ay kula dhaqmi doonaan Soomaaliya sida dal madax bannaan oo aysan jiri doonin siyaasaddii aheyd Dual Track Policy oo ah in dowladda Soomaaliya iyo maamulada dalka ka jira lagula dhaqmo labo siyaasadood ayuu wuxuu ku jawaabay.

 

“Siyaasaddaasi waxay aheyd qaacido ama formal sidii kaalmada loogu qeybin lahaa Somaliland iyo Soomaaliya oo caalamka aqoonsan yahay” ayuu yiri wasiirka oo intaa raaciyey in Somaliland ka xumeyn aqoonsiga la siiyey Soomaaliya, wuxuuna taasi ku tilmaamay mid hoos u dhigeysa oo gacan ka geysanayso sidii loo yareyn lahaa qatarka Somaliland kaga imaaneyso Soomaaliya.

 

Xafiiska Warqabadka Dayniile.com

Webmaster@dayniile.com

Tafatiraha Wabka Dayniile.com

Deyniilecom@hotmail.com

Webmaster@dayniile.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this